Gudomiyihii hore ee G. Wakiilada Axmed Maxamed Aadan QaybeGudomiyihii hore ee G. Wakiilada Axmed Maxamed Aadan Qaybe

Gudomiyihii hore ee G. Wakiilada Axmed Maxamed Aadan Qaybe
Gudomiyihii hore ee G. Wakiilada Axmed Maxamed Aadan Qaybe
Hargeysa (ANN)-Gudoomiyihii Hore ee Golaha Wakiilada Axmed Maxamed Aadan Qaybe Oo ah Dublamaasi Caan ah ayaa ugu baaqay shacibiga Somaliland inay si nabadgelyo ah u qaataan kaadhadhka, isla markaana ay doorashada codkooda u dhiibtaan si nabadgelyo ah oo ay iska ilaaliyaan waxkasta oo carqaladaynaya hawsha kaadhadhka cusub iyo  diyaar garawga codbixintaba.  Mr. Qaybe waxa uu sidaa u sheegay  weriye Carraale M. Jama oo saaka ku booqday gurigiisa magaalada Hargeysa.

Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Axmed Maxamed Aadan Qaybe waxa uu sheegay inuu dhowaan  kasoo laabtay dhinaca dalka Emaraatka carabta oo uu hawlo caafimaad u tegey, isla markaana waqtigan xaaladiisa caafimaad  aad u wanaagsantahay .  Mr. Qaybe wuxuu  xusay in aanu maanta diyaar u ahayn inuu ka hadlo siyaasad, balse  uu doonayo inuu  shacbiga u gudbiyo fariin ku wajahan qaadashada kaadhadhka cusub ee la bedelay oo hawshoodu hada ka socoto  dalka iyo doorashada loo mudeeyay dhowaan, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi  “Somaliland maanta waa meesha keliya ee nabadgelyo ka  ah dhulkii laysku odhan jiray Soomaalia. Markaa waxan dadweynaha Somaliland ugu baaqayaa inay kaadhadhka si nabadgelyo ah u qaataan, isla markaana ay doorashada codkooda u dhiibtaan si nabad ah.”

Axmed Maxamed Aadan Qaybe wuxuu ahaa Gudoomiyihii wakiilada golihii hore ee Somaliland, isla markaana wuxuu ahaa Dublamaasi caan ah oo xilal kala duwan kasoo qabtay dawladii kala duwanaa ee Soomaalia, wuxuuna hada xubin  sharafeed ka yahay golaha guurtida Somaliland.

 

By,  Carraale  M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *