Madaxweyne Riyaale Oo Digreeto Ku Soo Saaray Dhaqangelinta Maalinta Komishanku U Cayimeen Doorashada

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta soo saaray digreeto uu ku dhaqangelinayo maalinta ay doorashada Madaxtooyada Somaliland dalka ka dhacayso oo ay gudida doorashooyinka qaranku u cayimeen khamiistii todobaadkii hore inay dalka ka qabsoonto 26-June 2010, sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafeed maanta ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenaka Madaxtooyada Siciid Caddaani Mooge. Qoraalka warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada wuxuu u qornaa sida; “Madaxweynaha JSL. Mudane, Daahir Rayaale Kaahin. Waxa uu maanta Digriito Ogolaansho ah ku soo saaray wakhtiga loo cayimay Doorashada Madaxtooyaddu inay qabsoomto.
Madaxweynaha JSL. isaga oo tixraacaaya qodobka 90-aad ee Distoorka JSL. faqradiisa 8-aad ee Xeerka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada JSL, waxaa uu go’aan ku soo saaray Digriito ogolaasha ah oo ku saabsan wakhtiga Doorashooyinka Madaxtooyadda ay u cayimeen Gudidda Doorashooyinka Qaranku oo ku beegan 14/ Rajab 1431. ee taariikhda islaamka(Hijriyadda) kuna beegan Maalinta Sabtida, 26 June 2010.
Digriitadaasi oo lagu baahinaayo dhaqan galka cayimaada wakhtiga Doorashooyinka Madaxtooyadda JSL. ayaa maanta Madaxweynuhu si rasmiya u saxeexay.”
By, Carraale M. Jama
Hargeysa Office Araweelonews
E-mail; Info@araweelonews.com