images/stories/ramadaan kariim.jpg  Maka(ANN) Dawlada Sucuudiga ayaa caawa caweyskii ku dhawaaqday inay habeenimada caawa ee Khamiista laga soomayo Bisha barakaysan ee Ramadaan. Sidaana waxa sheegay qaar ka mid ah warbaahinta dalka Sucuudiga. Sidoo kale wadamada Malaysia, Indonesia, Liibiya iyo Jordan ayaa iyaguna ka hor intii aanay

  dawlada Sucuudigu  shaacin curashada bisha barakaysan ee soonka  ramadaan ku dhawaaqay in wadamadooda laga arkay bilashada bisha Ramadaan, taas oo ay caawa ku dhawaaqeen inay maalinta beri ah ee khamiista ka bilaabmay bisha Soon ee Ramadaan.
   Haseyeeshee goor danbe oo caweyskii ah ayay xukuumada Somaliland war ay soo saarta oo kasoo baxay wasaarada Diinta iyo waqaafta ku sheegtay inay bisha barakaysan ee Ramadaan ka bilaabmay maalinta Khamiista oo ay  Soon tahay.  curashada bisha barakaysan ee ramadaan ayaa  maalmihii u danbeeayay  lagu jiray sidii loogu   diyaar garoobi lahaa. Balse waxay kusoo beegantay xili ay maceeshada si weyn ugu kiciyeen bulshada Somaliland ganacsatada iibiya Raashinka daruuriga ah.
Si kastaba ha ahaatee waxa suurta gal ah inay wadamo badan oo Caalamka islaamka ahi iyaguna Caawa ku dhawaaqaan soonka bisha Ramadaan, iyadoo ay adagtahay inay khilaafaan dalka Sucuudiga oo wadamada islaamku ka danbeeyaan. 
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *