Tripoli (ANN) Dawlada taagta daran ee Somalia ayaa sheegtay inay jawaab ka heshay Jaamacadda Carabta. Kadib markii ay ka codsatay in  dadka Soomaalida ee ku godoonsan dalka Libya la geeyo dal nabad ah oo ka tirsan

Jaamacadda Carabta. Wasiirka Qorshaynta, isla markaana ah  Raysal Wasaare xigeenka DKMG ee Somalia   Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta la hadlayay saxaafada isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ee dagaalada ka socdaan ayaa sheegay in codsigaa ay ku dalbadeen in soomaalida ku godoonsan dalka Libya ee qalalaasuhu ka jiro la geeyo dal nabad ah looga soo jawaabay.

Mr. Cabdi weli waxa uu sheegay in dadka Soomaalida ee ku xayiran halkaa loo daadguraynayo waqtiyada soo socda dalka Soodaan oo aqbalay inay qaabilaan, wuxuuna xusay in loo baahan yahay inay diyaar garoobaan dadka Soomaalida ah ee ku sugan Libya.

Dalka Libya oo ay hada ka socdaan daalo u dhexeeya kooxo mucaarid ah iyo Xukuumadda hogaamiyaha kacaanka Libya Maxamed  Mucmar Al-qadaafi, iyadoo ay dalalka reer  galbeedku ku canbaareeyeen Qadaafi inuu ku kacay xasuuq dadka shicibka ah. Kumanaan qof oo u dhashay wadamo shisheeye ayaa todobaadyadii u danbeeyay ka baxayay dalkaa oo laga daad guraynayay, balse dadka Soomaalida ee dhinaca Yurub uga sii talaabi jiray halkaa ayaa ku godoomay, iyadoo ay boqolaal ka mid ahi ku jireen xabsiyada Libya, waxaana dadka Soomaalida  ee ku sugan Libya lagu qiyaasay dhawr kun oo qof, kuwaas oo dhibaatooyin kasoo gaadheen dagaalada ka socda dalka Libya.

Dhinaca kale ciidamada dawladda Libya ee daacada u ah Mucmar Al-qadaafi ayaa qabsaday magaalooyiin mihiim ah oo ay kooxaha mucaaridku haysteen, waxaana weli ka socda halkaa dagaalo u dhexeeya ciidamadda Qadaafi iyo kuwa malayshiyaadka Mucaaridka.

Wadamo ay hormood u yihiin Maraykanka iyo Britain ayaa doonayay in talaabo milateri laga qaado Maamulka Qadaafi, balse qorshahaa waxa ku gacansaydhay Ururka jaamacada carabta, balse Maraakiibta dagaalka ee wadamada Maraykanka iyo Biritain ayaa hada ku sugan duleedka Biyaha Libya, waxaana ay kooxaha mucaaridka ku ah Qadaafi ku qabteen dhinaca barriga ee duleedka Benghazi  koox ka tirsan ciidamada khaaska ah ee Britain, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay Lix ayaa yimi jimcihii halkaa, waxaana wararka laga helay sheegayaan inay  wateen diyaarad khaas ah, iyadoo laba kale oo ka tirsan ciidamada Britain oo iyagana la qabtay ay soo mareen  dhinaca dhulka, isla markaana laga helay Baasabooro ilaa Afar wadan leeyihiin, hub, rasaas iyo waxyaabo kale waxayna kooxda mucaaridku ku xidheen unugtaa ka tirsanayd ciidamada Britain saldhig ku yaala deegaankaa. Laakiin dawladda Britain ayaa sheegtay inay  ku raja weyntahay in lasii daayo askarteeda oo ay u socdaan kooxdaa wada hadalo.

Dhinaca  kale hogaamiyaha Libya Mucmar Al-qadaafi ayaa u sheegay dalalka reer galbeedka in haddii Libya ay baabado khatarta iyo dhibaatada ugu weyni iyaga ku dhacayso oo aanay Yurub noqonayn meel degan, isagoo xusay inay burburka Libya fursad siinayso kooxaha argagixisada ee uu ku eedeeyo inay yihiin kuwa qaska ka wada dalkiisa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *