sii deyntooda xaqiijiyay Taliyaha Booliska Somaliland Ge. Cilmi Rooble Fure oo maanta u waramayay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaalida, wuxuuna xusay in laba ka mid ah kooxdaa loo masaafuriyay dhinaca magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka yimaadeen, halka sadexda kalena ay u dhasheen Somaliland.
Sii daynta kooxdaa ayuu Gen. Fure ku sheegay inay ka dhalatay. Kadib markii la horgeeyay Maxkamad ee ay waxba ku cadaan waayeen. Shantaa qof ee lasii dayay ayaa magacyadoodu kala yihiin Siciid Yuusuf Faarax, Saleebaan Maxamud Xuseen, Xasan Maxamed Sh C/laahi, Khaalid Xasan Sh C/laahi iyo SIciid Jaamac Ismaaciil.
Hawlgalkii lagu soo qabtay kooxdaa ee magaalada Burco horaantii January 2011, ayaa ahaa mid si weyn loo abaabulay, kaas oo ay iska kaashadeen Ciidamadda Somaliland iyo kooxo ka socday Sirdoonka Ingiriiska oo in muddo ah daba socday, sidoo kale hawlagalka lagu qabtay kooxdaa waxa dhinaca cirka ka hagayay diyaarad si weyn ugu abuurtay bulshada xarunta gobolka Togdheer ee Burco, waxaana xiligaa qabashadooda lala xidhiidhiyay. Kadib markii laga helay xogo sheegaya inay maleegayeen qorshayaal ismiidaamin ah oo xidhiidh la leh kooxaha argagixisada, balse wax cadaymo ah ayaa lagu waayay sida uu xaqiijiyay Taliyaha Booliska Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1