http://arraweelo.com/wp-content/uploads/2014/01/ahmed-Cilmiyare1.jpgBurco(Araweelo News Network) Siyaasiga Axmed Cilmi Barre (Axmed Cilmi yarre) oo ka mid aha siyaasiyiinta somaliland, isla markaana ah Agaasimihii Hore ee wasaarada dib u dejinta ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxanyahay

 

Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye,
Sidaana waxa uu kaga dhawaaqay Xaflad aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay Hotel Deero ee Magaalada Burco,taas oo ay kasoo qaybgaleen Salaadiin,Aqoonyahan,iyo waxgarad kale oo kal duwan, Axmed Cimi Barre oo ugu horayn halkaas ka hadlay, isla markaana ka cadeeyay hankiisa ayaa waxa uu yidhi,”Waxaan u taaganahay Musharaxa Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye,waxaanan ku rajo waynahay inaan ku guulaysan doono,tartankii xisbiga ee u danbeeyayna waxa uu u dhacay si xor ahtartanka soo socdana waxaan rajaynayaa inuu sidaas oo kale u dhaco,waxaana igu kaliftay inaanis sharaxo waxaan doonayaa inaan ka midho dhaliyo ahdaafta kulmiye ee ah doorta dhalinyarada.
Foos Maxamed Ducaale oo ka mid ah siyaasiyiinta halkaas ka hadashay isla markaana ku hadlay magaca Suldaan Foos Maxamed Ducaale ayaa isna waxaa hadaladiisii ka mid ahaaâ, isagoo yidhi, “aad baan u soo dhawaynayaa Musharaxnimada Axmed Cilmi yarre nin door wayn siyaasada kasoo ciyaaray,Kulmiyena waanu isku ahayn anigana waa uu iga fiicanyahay oo anigu kulmiye waxaan ka hadhay aniga oo sideed sano aanaan isku salaamin ragii siyaasada ku jiray ee aanu cid isugu xignay,dhibaatooyinkiii iyo cadaaalada daradii kulmiye dhexdiisa ka dhacday iyo kuwii isaga lagu sameeyay,isaguna waakaas isu soo sharaxay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee kulmiye waanu hanan kara jagadaas waanan ku taageeraynaa waxaanu leenahay iskuma heshid labada cad xaaji.
Garaad Saleebaan Daahir ayaa yidhi, Anigoo ku hadlaya Magaca salaadiinta waxaan aad iyo aad ugu taageersanahay go,aankaas uu qaatay,waayo axmed waan aqaan waa nin macquul ah oo firfircoon waanu is barabartaagaynaa,Beelaha kalena waxaanu ka codsanaynaa inay nala qaataan. Amiir Cismaan Imaaciil,C/raxmaan Maxamuud Gaade, Cabdi Maxamuud Qaloonbi,Faadumo aw nuux oo iyaguna goobtaas ka hadlay ayaa dhamaantood sheegay inay aad u taageersanyihiin.
Musharaxnimada Axmed Cilmi Yare ayaa si weyn looga soo dhowaayay dhamaan deegaamada Gobolada  Sanaag, Sool iyo Togdheer, wuxuuna dhawaaqa musharxnimadiisu kusoo beegantay xili uu jiro muran siyaasadeed oo mar ka;e ka muuqda sidii loo qaban lahaa shirweynaha xisbiga Kulmiye.

info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *