Muqdisho(ANN) agaallo culus oo khasaare weyn geystay  ayaa maanta ka dhacay magaalada muqdisho. Dagaalada oo u dhexeeya xoogaga Islaamiyiinta ee isbahaysiga  Al-shabaab  iyo xisbul islaam,

 iyadoo dhinaca kalena ay kasoo jeedaan  Ciidanka AMISOM oo taageeraya ciidamada dawlada taagta daran. 
Goobaha dagaalku ka bilaabmay saaka ayaa meelihii  bilihii lasoo dhaafay laysku horfadhiyay, waxaana weerarku ka bilaabmay halkaa. Kadib markii saaka ay weerar ku qaadeen Ciidamada AMISOM oo wata taangiyo ay goobaha difaaca xoogaga islaamiyiinta kaga  jireen  ee Wadada Makka Al Mukarama ee degmada Hodon magaalada Muqdisho.
Hugunka Madaafiicda Taangiga ka dhacday ayaa laga maqlayaa hareeraha suuqa Bakaaraha, waxaana xidhmay gebi ahaanba isu  socodkii gaadiidka dadweynaha ee isaga kala gooshi jiray Bakaaraha ilaa iyo waaberi.
Madaafiic ay ciidanka AMISOM ku garaacayaan xaafada Muqdisho ayaa la maqlayaa ilaa iyo hadana si rasmi ah looma inta uu leegyahay khasaaraha shacabka kasoo gaadhay, isla markaana   Goobaha dagaaladu ka socdaan  oo ahaa meelihii inta badan ay dadku ka qaxeen.

Hase yeeshee wararka saacado ka dib kasoo baxay goobaha dagaalka oo aan war sugan laga hayn ayaa sheegaya inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo. iyadoo dhinaca kalena Khasaare  weyni ka dhashay  madaafiic culus oo ay ciidanka AMISOM ku garaaceen suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho. Iyadoo ay wararku sheegayaan in ilaa 50 Madfac ku  dheceen gudaha suuqa Bakaaraha, kuwaas oo la sheegayo  inay ilaa inta la ogayahay ku dhinteen 30 qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 80 qof. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo goobaha caafimaadka.
Mi ka mid ah dadkii xiligaa ku sugnaa suuqa Bakaaraha ayaa u sheegay shebekada araweelonews in madaafiicda kusoo dhacayay halkaa sida roobka usoo daadanayeen , isla markaana uu Indhihiisa saaray Maydadka 14 qof oo u badnaa  dad danyar ah ee maqaaxiyo yar yar ku haysta hareeraha  jidka laamiga ah ee agagaarka Wadada 2-aad ee Bakaaraha.
Kala soco wixii kasoo kordha dagaalka shebekada araweelonews.com

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *