niklosHargeysa (Araweelo News Network) Xukuumadda Somaliland ayaa dalkeeda ka mamnuucday xafiiska qaramada Midoobay ee Siyaasada. Kadib markii kulan dheer oo saacado qaatay uu caawa ku dhexmaray qasriga Madaxtooyadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo ergeyga qaramada

 

midoobay dhowaan u magcawday Somaliland iyo Somalia.
Sir. Nicholas oo dhowaan  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon u magcaabay  Ergayga u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo ah  Dublamaasi cusub oo  u dhashay Britain, ayaa booqashadii u horaysay ku yimi Somaliland saaka, wuxuuna caawa fiidkii kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan wasiiradda ugu awooda badab xukuumadda Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali, Maaliyadda C/casiis Samaale iyo Arrimaha Debeda Maxamed C/llaahi Cumar.
Kulankaa oo saacado qaatay, isla markaana ahaa mid albaabada loo xidhay, ayaa ku dhamaaday khilaaf. Kadib markii warbaahinta oo debeda ka joogtay kulanka markii uu dhamaaday  lagu wargeliyay  in wasiirka Arrimaha debeda Somaliland iyo Sir Nicholas wakiilka cusub ay saxaafada la hadlayaan.

 

Hase yeeshee Sir Nicholas, ayaa diiday inuu la hadlo saxaafada, wuxuuna isagoo cadho badani ka muuqato wejigiisa fuulay gaadhigiisa, isagoo gebi ahaanba diiday inuu ka hadlo waxa dhacay ee iska bedelelay farxadii ka muuqatay saaka markii uu madaarka Hargeysa kasoo degey.

Markaa ka dib waxa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar oo sheegay in Somaliland ka mamnuucaday dalkeeda gebi ahaanba xafiiska siyaasada qaramada Midoobay oo aanay iman Karin cid ka socota xafiiskaa, balse aanay ku jirin mamnuucida Hay’addaha gar-gaarka, kuwaas oo sida uu sheegay ka hor inta aanay dalka iman loo baahanyahay inay soo sheegaan waxa ay sidaan iyo ujeedada socdaalkooda.

Wasiirku wuxuu ku dooday inay u arkaan in aanu xafiiska qaramada Midoobay ee siyaasadu wadin dan ay leedahay Somaliland sidaa awgeed ay ka mamnuuceen dalka, balse wakiilka cusub ayaan wax jawaab ah ka bixin arrintaa, isagoo ay ka muuqato cadho ayuu fuulay gaadhisgiisa, wuxuuna ku ganafka ku dhiftay warbaahinta oo doonaysay inay wax ka weydiiso arrimaha dhacay iyo sababta khilaafka keentay.

Sir. Nicholas Kay oo bedelay  wakiilkii hore ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia Ambassador Augustine Mahiga, kaas oo shaqadiisa dhamaatay bisha Juun ee sanadkan 2013, waxay booqashadiisa Somaliland tahay tii ugu horaysay ee uu ku yimaado Somaliland mudadii koobnayd ee xilka la wareegay.
Sir Nicholas Kay waxaa uu ka hor intaan xilka loo magcaabin Agaasime ka ahaa  wasaaradda arrimaha dibadda iyo commonwealth-ka ee dalka Britain u qaabilsan qaaradda Afrika, wuxuuna xilkaa hayay  laga soo bilaabo sanadkii hore ee 2012-kii.

Sir Nicholas Kay Shaqadaa ka hor wuxuu  danjire ka soo noqday dalalka DRC intii u dhexaysay 2007 ilaa 2010kii iyo Sudan 2010 ilaa 2012kii. Waxaa kaloo uu soo qabtay jagada ah iskuduwadaha goboleed ee koofurta Afganistaan iyo madaxa kooxda dib u dhiska gobolka Helmand intii u dhexaysay 2006 iyo 2007.
Intii uu ka soo shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda iyo commonwealth-ka, Mr Kay waxaa uu soo qabtay jagooyin siyaasadeed ee London iyo kuwo waddammo dibadda ah sida Spain iyo Cuba.
Waxaa kaloo uu ka soo shaqeeyay macallinimo Afka Ingiriiska uu ka soo dhigay dalalka Brazil, Qubrus, Peru, Sacuudi Careebiya, Spain, iyo dalka Britain gudihiisa.

Ambassador Sir Nicholas Kay wuxuu dhashay sanadkii 1958-kii waxaa uu leeyahay xaas iyo saddex carruur ah, kuwaas oo kala ah labo gabdhood iyo wiil. Waxayna magcaabistiisa xiliggan ee arrimaha Somalia la xidhiidhaa qorshe istiraatiijiyad cusub oo siyaasadeed oo qaramada Midoobay ku waajahay Siyaasada Somalia, taas ka muuqata kulanka booqashadii u horaysay ee uu ku yimaado Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *