Addis Ababa (Araweelo News Network) Xukuumadda Ethiopia ayaa jawaab adag ka bixisay dhawaaq kasoo yeedhay dawlada Masar oo la xidhiidha muranka ka dhexeeya labada dal ee Biyaha Niilka.  Raysal  wasaaraha Ethiopia  Haila Marizm Desalagu ayaa sheegay in

 

 

mowqifka dawladdiisa ee Biyo xidheenka ay hawshiisa wadaan yahay mid cad. “Dhismaha biyo xidheenka ‘Renaissance Dam’ waa tallaabo weyn oo ay Ethiopia kaga saareyso dalkeeda saboolnimada, isla markaana aanay jirin awood is hortaagaysaa dhismaha mashruuca” ayuu yidhi Haila Mariam.

 

Sida lagu baahiyay wakaalada  wararka ee WIC, Waxa uu kaga dalbaday siyaasiyiinta Masaarida inay dib u eegaan mowqifkooda aan laga caawin karin ee Biyo xidheenka, kaas sida uu sheegay haddii ay Masar dagaal ku gasho biyaha Nilka ay noqonayaan hoggaamiyayaashii ugu waallnaa ee soo mara dalkaa, wuxuuna taa bedelkeeda ugu baaqay  inay yimaadaan miiska wada hadalka iyo iskaashiga oo ay ka wada xaajoodaan sida faa’iidada u leh labada dad ee saaxiibka ah.

 

Warkaa waxa kale oo lagu sheegay in Raysal wasaaraha Ethiopia  u bogey taageerada Suudaan u muujisay tan iyo markii la bilaabay laba sano ka hor dhismaha biyo xidheenka warshadda dhalinaysa Awoodda Koronto dhan 6,000 MW.

wasaaraha Ethiopia  Haila Marizm wuxuu  ku bogaadiyay Suudaan iskaashiga ay muujisay iyo sida ay u aqoonsatay faa’iidada dhaamkaasi u leeyahay dalalka uu maro webigu. Sida lagu sheegay warkaa. Kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan oo Maalintii Salaasadii booqasho ku tegey  Addis Abba dib u xaqiijiyay mowqifka dalkiisa ee dhaamka.

 

 

Haila Mariam waxa uu caddeeyay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay iskaashiga arrimaha biyaha Nilka inta la aqoonsanyahay saami caddaalad ah oo Ethiopia ka hesho khayraadka Biyaha, isagoo yidhi, “Itoobiya, waxa ay u taagan tahay iskaashi ay ka gasho arrimaha biyaha Nilka,” ayuu yidhi Haila Mariam.

Dalka Ethiopia wuxuu qaaday  tallaabo lagu abuuray guddi khubarro caalami ah, kuwaas  sida ay ku doodayaan  ay ahaayeen wax cad tallaabooyinkoodii intii ay howsha ku jireen Khubaradaasi, isla markaana ay gudidaasi  daraasadoodii baahisay toddobaad ka hor,  iyagoo  cadeeyay  mowqifka Ethiopia ee ahaa in aanu dhaamkaasi waxyeello sidaas u lahayn dalalka Biyaha Webigu maraan inkasta oo ay taasi ka soo horjeesatay sheegashada ka imanaysa warbaahinta iyo siyaasiyiinta Masar.

 

Dhinaca kale mawqifka Ethiopia ayaa ka danbeeyay. Kadib markii  Dawlada Masar  todobaadkan ku dhawaaqday inay diyaar u tahay sidii loo joojin lahaa dhismaha Biyo Xidheenka Ethipoia ka wado halkaa, kaas oo Masar ku tilmaantay mid aan sharci ahayn oo ay talaabo kasta oo ay ku joojinayaan qaadayaan xataa haday dagaal ka fursan weydo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *