Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada  ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay in Gabi ahaan ay joojiyeen Duulimadkii Shirkada Diyaaradaha ee Djibouti Air, Isaga oo qiil uga dhigay in Diyaradaasi Djibouti Air aanay xaladeedu wanaagsanyan oo ay dadka Rakaabka ahi ay

ka cawdaan marka ay soo raacan, isaga oo sheegay in dad badani khatar ku galeen ka dib markii ay Oxsajintii diyaarada ay ka  waayeen, waxaanu intaasi ku daray in Duyaaradu aanay lahayn wax Qaboojiye  ah, waxaanu wasiirku Jabuuti ka cod saday in ay ku soo badashaan Duyaaradaasi muddo Saddex Todobaad ah, waxa kale oo uu sheegay in ay ganaaxayaan Diyaarada Djibouti Air.
Waxanu sidaasi ku sheegay Shirjara’iid oo uu ku qabtay xafiiskiisa magalada Hargeysa.
Wasiirka oo faahfaahin ka bixinaya Sababta ay u mamnuucen shirkadaasi waxa uu yidhi “Waxaanu goosanay in Diyaarada Djabuuti Air ee wakhtigan joogta Madaarka Hargeysa, in aanu  Mamnuucno ama joojino  in dib danbe ay Iskaga gooshin Madaarada  Hargeysa  iyo Djabuuti, waliba iyada oo dad rakaab ah sida, wakhtigan waxay fadhidaa Diyaaradu  madaarka hargeysa imika,  marka ay noqonayso hal qof ma qaadayso, lakiin anagu Rusqadii kalamaanu noqon Djabuuti Air, ee waxaanu leenahay muddo Saddex Todobaad ah ku soo badasha Duyaaradaasi, oo ay noo keenan Diyaarad Wanagsan oo marka ay noo keenan aanu iska hubino oo Engneradaydu iska eegan ay noo keento”,.Ayuu yidhi Wasiirku
Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in ay diyaarada Djibouti Air uu raciyey Eng. Maxmed Xaaji Cabdi Caamir   si uu u soo ogaado dhibatada ka jirta diyaarada “ Eng. Maxamed ayaa aanu racinay si uu u soo ogaado dhibta jirta ee rakabku ka cabanayaan waayo dee masuuliyada dadka dhoofaya waxa leh Somaliland sidaasi daradeed markii uu racay waxay Nimanka wada diyaaradu ku yidhadeen marka ay 15 Daqiiqo socoto ayey Qaboojiyayal yeelta basle waa ay yeelan wayday, isaga oo xusay in hadan uu dib u soo racay Eng Duyaarada sidii si lamid ah ay ahay oo aanay wax hawo ah iyo qaboojiyaal aanay lahayn, marka taasi waxay dhalisay in aanu diyaaradaasi dalka ka mamnuucno oo aanu qaadanay go’aankii Eng ee ahaa in aanay diyaaradaasi ku haboonayn in dad rakab ah qaado“Ayuu yidhi
Wasiirku waxa uu sheegay  inay laba hablood oo kamid ahaa dadkii soo raacay Diyaaraddaasi ku neef qabatoobeen Diyaaradaasi oo aan lahayn wax Qaboojiyaal iyo Oxsajiin  ah.
Wasiirka waxaa la waydiiyey meeshii uu ku dambeeyey mashruucii Dawladda Kuwait ugu deeqday garoomada Diyaaradaha ee Somaliland sidii dib loogu dhisi lahaa waxaanu sheegay inay la cagtaasi ahayd 10 Million  oo Doolar ka maraykanka ah.
Wasiirku waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan qaabka mashruucaasi kala tashadeen Dawladda lacagta bixisay ee Kuwait isla markaana ay isla garteen in la sameeyo baadhitaan kusaabsan kharashka ku baxay qiimihiisa dhismaha garoomada Somaliland isla narkaan ay soo baxday lacag ka badan 10kii Million sidaa daraadeed ay doonayaan inay dib ugu celiyaan kharashka faraha  badan ee soo baxay inay kula laabtaan Kuwait qorshahaasina uu socdo illaa iyo hadda.
Waxaa kale oo wax laga waydiiyey laydhkii ka bakhtiyey madaarka Hargeysa iyada oo diyaarada  Airjabouti ku soo fool lahayd garoonka  sidii ay cilladdaasi ku dhacay waxaana arintaa ka hadlay masuul sare oo ka tirsan Wasaaradad Duulista waxaanu sheegay in uu si Alle isaga bakhtiyey iyada oo ay Diyaaraddaasi soo dagaysay sidaa darteed ay ka wasaarad ahaan qaateen go’aan ah inay badbaadiyaan Diyaaraddaasi isla markaana sidii lagu damiyey Matoorkii Diyaaraddaasi dibna ugu celiyeen Djibouti.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *