IMG_1840Berbera(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay madaarka magaalada Berbera iyagoo u kicitimay magaalada caasimada dalk Juba  ee Koonfurta Suudaan oo  9-ka bishan loogu dabaal degayo

 

munaasibad balaadhan oo loogu  wanqalayo dalka cusub ee ku soo biiray mandaqada Geeska Afrika  iyo dinidaba, kadib markii uu ka go’ay dal weynaha  koonfurta Suudaan.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka hor intii aanu diyaarad khaas ah ka raacin halkaa wuxuu kulan saacado qaatay  saraakiil Ingiriis ah oo ka  tirsan ciidamada Badda ee Britain  kula yeeshay  markab dushiisa magaalada Berbera, halkaas oo ay madaxweynaha iyo Saraakiisha Britain ku wada qadeeyeen. Kadib wada hadalo qaatay saacado. Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in kulankaasi ay ka wada hadleen saraakiil Ingiriis ah, isla markaana ay ka wada hadleen  sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Somaliland iyo Ingiriiska.
“Markabkani wuxuu ahaa Maraakiibta waaweyn ee dagaalka ee dalka Ingiriiska, waxaanu saraakiil ka tirsan ciidamada Ingiriiska kula kulanay markabkaasi oo dekada ku soo xidhay dushiisa halkaasi oo aanu kulan balaadhan ku yeelanay waxay arrintaasi muujinaysaa calaamado badan waxay ina tusaysaa in dalkeenu yahay mid la aaminsan yahay oo nabad gelyadiisa iyo horumarintiisa la inagala shaqayno,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland
Madaxweyne Siilaanyo oo ay kulankaa ku weheliyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadiisa, wuxuu tilmaamay inay ka wada hadleen saraakiishaasi sidii ay isu kaashan lahaayeen Somaliland iyo Ingiriisku waxaanu uga mahad celiyay saraakiishii ku soo dhaweeyay markabkaasi dushiisa halkaasna ay ku wada qadeeyeen.

IMG_1837
.IMG_1839

IMG_1850
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland oo saxaafada la hadlay markii uu kulankaa ka dib ka dhoofayay Madaarka wuxuuna  sheegay inuu ku faraxsan yahay dalka cusub ee ku soo biiray adduunka ee ka dhashay koofurta Suudaan, waxaanu tilmaamay inay Somaliland iska shabahaan waxyaabo badan.
“Waxaanu ka qeyb galaynaa xaflada dabaal dega xornimada shacbiga koofurta Suudaan oo qaatay madax banaanidoodii oo loo dabaal degayo maalinta Sabtida ee 9-ka Bishan. Sharaf weyn ayay noo tahay in madaxda badan ee halkaasi lagu marti qaaday aanu ka mid noqono sharaf iyo magac weyn ayaanay Somaliland u tahay Koonfurta Suudaan waa meel xornimada ay qaadanaysaa macno weyn u leedahay Somaliland,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo maanta madaarka Berbera ugu waramayay warbaahintu.

IMG_1849

IMG_1844
Waxaanu intaasi ku daray “Somaliland waa dal doonaya inay dunidu ictiraafto dedaalkeena iyo halganka aynu ugu jirno in la ina ictiraafo waxa waxyaabihii la iskaga keen hortaagi jiray ka mid ahayd oo la odhan jiray Afrika inay kala goo go’aan lama rabo.maanta waxa muuqatay in madax banaanida ay koonfurta Suudaan qaadatay ay tahay albaab cusub oo furmay inagana (Somaliland) ay macno weyn inoo leedahay.”
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka hadlay taariikho badan oo ka dhaxeeyay jabhadii u soo halgamaysay madax banaanida koonfurta Suudaan waxaanu yidhi “Koonfurta Suudaan taariikho badan ayaa inaga dhaxeeyay markii aynu halganka ku jirnay John Grand dadkii aanu is arki jirnay ayuu ka mid ahaa waana dad aan is leeyahay xidhiidh badan, mustaqbal iyo wada shaqaynina way idinka dhaxaysaa.”
“Farxad weyn ayay noo tahay inaanu dabaal degaasi ka qeyb galo oo aanu ka mid noqono dawladaha halkaasi lagu marti qaaday,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu xusay inuu kulamo la yeelan doono masuuliyiinta badan ee ka socota beesha caalamka ee ka qeyb galaysa xaflada wanqalka madax-banaanida koonfurta Suudaan
Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Wasiirrada Arrimaha dibada Md Maxamed. Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Marwada koowaad ee Somaliland Matwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris).
Madaxweynuhu waxa ka hor intii aanu ka dhoofin madaarka Berbera waxa uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka.

Araweelonews Mobile Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *