-
Published On: Wed, Jul 6th, 2011

Madaxa Midawga Yurub Ee Mashaariicda Horumarka Oo Khudbad Dheer Oo Uu U Jeediyay Labada Golle Ee Somaliland Kaga Baaqay Baahida Loo Qabo Doorashooyinka Muda Dhaafay Ee Golayaasha Baarlamaanka Iyo Deegaanka

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN)Madaxa  Arrimaha mashaariicda Horumarinta Midowga Yurub Mr. Andris Piebalg, oo booqasho rasmi ah ku yimi  Somaliland ayaa maanta khudbad dheer oo  uu ka jeediyay fadhi wada jir ah oo ay yeesheen Mudaneyaasha labada gole ee Wakiilada iyo Guurtida Somaliland. Waxa

 

uu kaga hadlay baahida ay Somaliland u qabto in la qabto doorashooyinka muda dhaafay ee Golayaasha  Deegaanka  iyo Baarlamaanka  ee (Guurtida iyo Wakiilada).
Sidoo kale wuxuu qudabdaa kaga hadlay dhinacyada adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada, horumarka dhinaca dumuqraadiyada iyo nabadgelyada Somaliland oo uu sheegay inay kaalin mihiim ah ku lahaayeen, hadana ay ku yeelan doonaan.
Fadhigan wada jirka ah oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland waxa hadal dheer ka jeediyay Madaxa Horumarinta Midowga Yurub Andris Piebalg, waxaanu kaga xog waramay iskaashiga midowga Yurub iyo Somaliland iyo dhinacyada Siyaasada iyo horumarinta dimuqraadiyada. Waxaanu Somaliland ku majeertay dedaaladii ay ka samaysay doorashooyinka, dimuqraadiyada iyo nabadgelyada.
Waxa kale oo uu u soo jeediyay inay la qabto doorashooyinka muddo dhaafay ee Goleyaasha deegaanka  iyo Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiilada).
Khudbadii uu madaxa horumarinta ee midowga Yurub ka jeediyay fadhigaasi waxay u dhignayd sidan:-
“Waxa farxad iyo sharaf labadaba ii ah in maanta aan idin la hadlaayo. Xaqiiqada ah in aan hortaaganahay halkan Gole la soo doortay ee Somaliland ayaa iyaduba u ah marqaati tallaabooyinka aad u qaadeen xagga xasiloonida iyo dimuqoraadiyadda.
Arrimo qarameed iyo goboleed
Ilaa muddo labaatan sanno ah ayey Somaliland haysatay xasiloonideeda inkastoo ay jireen khataro waaweyn oo leh qaab argagixiso jihad-doon ah, budhcad-badeed iyo dagaalka sokeeye ee weli ka socda koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya. Juuntii la soo dhaafay doorashadii madaxtinimada waxay keentay hogaamiyihii mucaaridka waqtigaas, madaxweyne Silaanyo, kaas oo aan hadda uun fursad u helay in aan la kulmo ayaa si weyn ugu guuleystay. Kii ka horeeyeyna, madaxweyne Rayaale, wuxuu aqbalay in laga adkaaday wuxuuna awooda ku wareejiyey si habsami leh oo nabad ah. Waxaan idinku amaanay in aad sugteen kala guurkaa hagaagsan. Ha yeeshee, waa arrin ugub ku ah gobolkan dhibaateysan. Sidana, waa in aan loo qaadan si dhayal ah.
Taasi waa sababta bulshada caalamka iyo gaar ahaan Midwoga Yurub u soo dhaweynaayo kaalinta Somaliland ka gaysaneyso taabagelinta nabadda iyo maamul wanaaga gobolka IGAD. Waana taas sababta ay muhiim u tahay in Somaliland ku socoto jidkan ayna u ahaato tusaale gobolka IGAD. Sidaa darteed, waxaan idinku baaqayaa in aad guulahaas ku dhistaan idinkoo qabanaya sida ugu dhaqsiyaha badan doorashooyinkii raagay ee goleyaasha deegaanka iyo labada aqal ee baarlamaanka. Waxaad sii xoojinaysaan aqoonsiga dimuqoraadiyeed ee Somaliland leedahay haddii aad ka yeeshaan dib-u-dhaca doorashooyinka iyo muddo kor dhinta wax la soo dhaafay. Ugu dambeynti, iga ogolaada in aan idin waydiyo: ka dib dhammaan waxyaabaha aad horey u qabateen, miyaan waqtigu ku haboonayn in aad ka fikirtaan sidii xubnaha ugu muhiimsan bulshada sida haweenka iyo dhallinyaradu uga qaybgeli lahaayeen siyaasadda? In badan oo idinka mid ahi waabay dhiirigeliyeen intii lagu jiray doorashooyinkii sanadkii hore. Wxaan si dhab ah u rajaynayaa in aad fiira gaar ah, sii doontaan arrintan muhiimka ah marka aad dib-u-eegista ku samayneysaan shuruucda doorashooyinka.
Arrimaha Maamulka
Asagoo ah kan ugu weyn ee bixiya kaalmada horumarineed ayaa Midowga Yurub wuxuu ahaa lamaanaha joogtada ah, Somaliland ee howlaha dib-u-dhiskeeda iyo horumarinteeda. Laga soo bilaabo 1995, waxaanu ahayn ururka deeq-bixiyaha caalamiga ah ee joogitaan sugan ku lahaa halkan. Isku darka xaddiga kaalmadeena hadda ka jirta Somaliland waxay qiyaas ahaan gaadhaysaa 62 milyan Yuro.
Ilaa hadda kaalmadeena Somaliland waxay ku urursanayd kaalmeynta qaybta dowliga ah, booliiska, maxkamadaha, hay’adaha dimuqoraadiga ah, howlaha doorashooyinka iyo ururada bulshada. Waxaan ku faraxsanahay in aan ogaado shirarkii dhawaan la qabanaayey ee la xidhiidhay dib-u-hagaajinta shaqaalaha dowladda, garsoorka iyo ciidanka booliiska. Ka deeq-bixiyaha ugu weyn ee mashaariicda UN ku idinku kaalmeyneyo ee xagga maamulka waxaan si xoog leh u soo dhaweyneynaa balanqaadka siyaasadeed ay sida cad Somaliland uga muujisay halkan. Dadaalada dowladdu ay ku kordhinayso dakhliga gudaha iyo tallaabooyinka hordhaca ah ee uu qaaday Hay’adda Shaqaalaha ee uu dib-u-qiimaynta ugu samaynayso shaqaalaha dowladda waxay si cad u muujinayaan in erayadu la socdaan ficilo.
Waxaan si diiran u soo dhaweynaynaa dhisida Guddiga La-dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Maamul Wanaaga iyo sharciyeynta Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka. Kuwaasi midho-dhalkii aan filaynay. Baabi’inta “guddidiyaddii nabadgelyada”, siinta kaalin xoog leh xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee balanqaadka ah in la kordhiyo tirada aqoonyahanno tayo leh oo ka hawl-gala qaybta sharciga waa calaamado dheeri ah oo dhiirigelin leh. Si gaar ah, waxaan u amanayaa balanqaadkiina ah hagaajinta maamulka maaliyada dawladda. Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale ee caalamiga ah waxay diyaar idin la yihiin in ay gacan idinka siiyaan howshan adage e waqtiga dheer soconaysa.
Baarlamaankani wuxuu kaalin muhiim ah ku leeyahay maamul wanaaga, kaliya ma aha in aad dejisaan shaciyada wax lagu hagaajinaayo. Ka wakiilo dadku soo doortay, waxaa la idinku baaqayaa in aad u hawl gashaan sidaad u noqon lahaydeen horseedayaal iyo difaacayaal habka maamul wanaaga, daacadnimada iyo is-xisaabin ku aadan damiirkiina iyo kuwa idin soo doortay. Tani waxay muhiim u sii tahay xaaladda dhaqaale xumo ee ay hay’adaha dowladdu ku shaqeyaan iyagoo weliba doonaya in ay muujiyaan awoodooda oo ay ku dheehan tahay dano ganacsi iyo samayn kale oo awoodeed.
Muhiimada kowaad ee maamulka dal kasta u leedahay dadaalkiisa horumarineed waa iska cadahay. Tusaale ahaan, in dhab loo dhimo saboolnimada. Dal wuxuu u baahan yahay hay’ado ad-adag oo nadiif ah, kuwaas oo karti leh isla markaana raba in ay caawiyaan dadka saboolka ah, inay hagaajiyaan xaaladooda nonoleed iyo inay u helaan adeegyo bulsho, xuquuqda asaasiga a iyo nabadgelyo. Sidoo kale, hab dhaqanka dmuqoraadiga ah wuxuu ka yeelaaa dowladda mid dadkeedu la xisaabtamo, dhiirigeliya hufnaanta kana ilaaliya musuqmaasuqa. Si kooban, kuwaasi waxay ogolaanayaan in uu dhexmaro dowladda iyo dadweynaha xidhiidh wax ku ool ah.
Waxaa dhiirigelin leh in la arko Somaliland oo haysa wadadii saxa ahayd ee dhisida dhaqanka maamul wanaaga. Ha yeeshee, waxaa jira caqabado ad-adag oo dhaqaale iyo bulsho, siiba xaddiga shaqa la’aanta sareysa ee cabsida leh. Waxaanu doonaynaa in aan aragno Somaliland horumarkeeda dhaqaale iyo bulsho oo ku socda si xowli ah. Bal aan idin ku tusaaleeyo aragtidayda dhowr tusaale oo ah meelaha Midowga Yurub ka caawiya Somaliland dhinaca horumarkeeda.
Tusaalooyin xagga horumarka dhaqaale iyo bulsho
Maalgelinta Midowga Yurub ee nidaamkiina waxbarashadu waa qaybta labaad ee ugu weyn kaalmadeena. Isku-darka dadaalkeena dartiis, heerka guud ee is-qorida dugsiyada waxay ka kordheen 38.6% sannadkii 2006, ilaa ay gaadheen qiyaas ah 60% sannadkii 2010. Gabdhaha oo aan muhiimad gaar ah siineyno heerka isqoridu waxay ka korodhay 31% ilaa ay gaadhay ku dhawaad 44% isla waqtigaas. Xaaladaas oo jirta go’aanka dowladiina ee ah hirgelinta arnaamijka waxbarashada asaasiga ah oo bilaash ah waa tallaabo amaan mudan. In kastoo Somaliland ay laba-laabtay miisaaniyadeeda waxbarashada hadda waxaan ognahay in waxbarashada asaasiga ah oo bilaash ay tahay isku-day adag xag maaliyadeed iyo qaab-dhismeedka maamulka. Waxaan ku farxsanahay in aan arko in wasaaradiina waxbarashada oo ay caawinayaan khubaro farsamo oo uu siiyey Midowga Yurub inay si adag uga shaqaynayaan sidii xal is-wadi kara ugu heli lahaayeen arrintaas.
Horumarinta miyiga iyo arrimaha bulshada waxay ka mid ahaayeen tiirarka dhaqaale ee kaalmadeena ku wajahan Somaliland shantii sano ugu dambaysay. Horaantii sannadkii hore waxaan balaqaadnay in aan dib-u-soo celinayno qaybta Kaabayaasha (infrastructure sector) haddii somalialnd fuliso qabashada doorashooyin si nabad ah ku dhaca. Waxaanu ku taaganahay balantaas. Waxaan dhawaan u meelaynay 19 milyan oo Yuro in lagu dayactiro laguna balaadhiyo kaabayaasha biyaha ee dhowr magaalo oo Somaliland ka tirsan. Waxaan kale oo kaliya ku darayaa in shuraako wax-ku-ool ah ee dhexmarta dowlada iyo qaybta gaar ahaaneed ay muhiim u tahay inay maalgelintaas noqoto mid is-wada oo sii jirta.
Iyadoo kaalmada kaabayaasha qaybta biyaha ay socoto, ayaa waxaan qorshaynaynaa in aan wax badan qabano. Midowga Yurub wuxuu ka fiirsanayaa sidii uu gacan uga gaysan lahaa daraasada iyo hindisaha dayactirka waxa loo yaqaan “Seebaadka Berbera” (Berbera corridor). Daraasadan oo ay fulinayso IGAD waxa ku kacaysaa 3.8 milyan Yuro, waxay na siinaysaa qorshe kama dambayn ah, si loo xoojiyo isku xidhka suuqyada koraya ee Itoobiya iyo Berbea. Qaybtan muhiimka ah ee kaabayaasha heer gobol waxay tusaale dheerad ah u tahay in Somaliland kaalin dhaqaalaha Geeska Afrika.
Intaas oo kaliya ma aha: Waxaanu ku dhawnahay in aan soo gebagebeyno dib-u-eegista barnaamijkeena iskaashi ee shanta sano ee Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland. Waxaan filaynaa in dhawaan go’aan laga gaadho kordhin lixaad leh xidhmada kaalmo ee hadda socota. Waxaa lagu kordhin doona 175 milayn Yuro barnaamijka hadda socda oo dhan 212 milayn Yuro. Waxaan filaynaa in 70% lacagtaas dheeradka ah in loo qoondeeyo Somaliland iyo Puntland taas oo noo saamaxaysa in aan sii wadno xoojinaanta dadaalkeena.
Iyadoo taa maanka lagu hayo, waxaan jeclahay in aan maanta ku nuux-nuuxsado in horumarka laga gaadho xasiloonida siyaasadeed a iyo nabadgelyo ay muhiim u tahay helitaanka kaalmo dheeraada ah ee Midowga Yurub. Waxaa soo raacaya ka dib in dhaqaalaha horumarineed ee dheeraadka ah in lagu maalgeliyo gobolada u go’ay sugida nabadda, dimuqraadiyada iyo xasiloonida halkaas oo duruufaha nabadgelyo iyo dhaqan-siyaasadeedku ay yihiin kuwo wanaagsan.
Sidaa ay tahay, bal ii ogalaada in aan idhaahdo in aak ku faraxnay in xiisadii aadka u kacsanayd ee ka dhex jirtay Somaliland iyo Puntland bilo dhow ka hor in laga gudbay. Waxaan ku tashanaynaa balanta aad u qaadeen wada hadal iyo in khilaafaadka lagu xaliyo si naabd ah. Iyadoo mar waliba maanka ku haysaan wanaaga dadkiina. Iskaashi dhex mara dalalka deriska ah, wuxuu dan u yaay cid walba. Sidaa darteedna waxaan aad u qadarinaynaa baaqyadiinii is-daba joogga ahaa ee wada hadal iyo iskaashi ee ka soo yeedhayay labada maamul, waxaanan ku nuux-nuuxsanaynaa rajada ah in aan aragno xidhiidh wax ku ool ah oo dhexdiina ka hana qaada.
Gebagebo.
Mudane Guddoomiye, Marwooyn iyo Mudanayaal,
In kasta oo ay jiraan dhibaatooyin ay weli tahay in aad la tacaashaan, haddana waxaan rumaysanahay in yididiilooyinka ay leedahay Somaliland inay aad u wanaagsan yihiin. Ka wakiilo ahaan dadku soo doortay, waxaad kaalin ku leedihiin sidii dadka dalkiinoo dhan rag iyo haweenba u heli lahaayeen mustaqbal iftiimaya. Waxaan rumaysanahay balantiina ee ah in aad fulisaan kaalintas. Sidaa awgeed waxaa wax laga mabsuudo ah in maalgelinteena ee dhismahan cusub ee qolka shirarka oo ay weheliyaan tababaro iyo kaalmo awood-dhisidba ay tahay lacag si wanaagsan loo isticmaalay. Waxaan ku kalsoonahay in aad u tixgelindoontaan kaalmadeena sidii dhiirigelin oo kale si aad u fulisaaan waajibaadka ay idinku aamineen kuwa idin soo doortay oo ah in aad metashaan muwaadiniintiina, oo si quman oo xil-kasnimo ku jirto uga doodaan arrimaha muhiimka ah, in aad sharci dejisaan kulana xisaabtantaan dowladda
Waxaan idinkaga mahadcelinayaa soo dhoweynta diiran waxaanan rajaynayaa in aan sii wadno dadaalada aan idin la hayno si loo sii balaadhiyo horumarka Somaliland ee dhaqaale, bulsho, siyaasad iyo dimuqoraadiyadba.
Dhinaca  kale wefdigaa oo qasiga Madaxtooyada kulan gaara kula yeeshay Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaana qoraal kulankaa ka dib saxaafada loogu tala galay oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyadu u qornaa sidan;-  Madaxweynaha Somaliland waxa uu Maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefti Balaadhan oo ka socda EU-da, oo uu hogaaminaayey Andris piebalgs oo ah Commissioner for Development EU-da.
Waxa uu madaxwaynuhu uga waramay Xaalada Guud ee Somaliland ee dhinacyada Nabad-gelyada, Waxbarashada, Caafimaadka, iyo Dhaqaalaha.
Waxa kale oo uu madaxwaynuhu Weftiga warbixin ka siiyey xaalada dalku halka ay marayso mudadii koobnayd ee ay Xukuumadani xilka haysay iyo waxyaalaha u qorshaysan hada.

Madaxa Weftiga Andris piebalgs ayaa isaguna waxa uu madaxwaynaha si wayn ugu hambalyeeyey sida diiran ee uu u soo dhaweeyey Madaxweynuhu iyo sida ay u soo dhaweeyeen dadweynaha reer Somaliland oo uu aad uga mahad sheegtay Mr Andrin.
weftigu waxa uu somaliland ku dhiirigeliyey Dadaalka ay ugu jirto inay Horu-mar ka gaadho Dhismaha Dawladnimada & Hanaanka Dumuquraadiyada, waxaanu sheegay in ay EU-du diyaar u tahay in ay Somaliland ka caawiso Dhismaha Wadooyinka, Dekeda Berbera iyo Mashaariicda Biyaha oo ay gacan weynka gaysan doonaan si dadku u helo biyo ku filan iyo in ay kor u qaadidoonan dedaalkooda la xidhiidha dhaqaalaha ay Somaliland ugu talo galeen inay ku caawiyaan taas oo uu sheegay Andrin piebalgs in ay sidii ay horeba u balan qaadeen ay kaga dhabayn donaan balan qaadkooda.
Gebegebadii kulankan waxa ay weftigu madaxwaynaha u sheegeen in ay aad ugu Faraxsan yihiin isla markaana ay ka mabsuudeen Qodobadii lagaga wada hadlay kulanka
Dhankoodana ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-gelidoonan soona maridonaan dhamaan meelaha ay doonayaan in ay wax ka qabtaan, mudada yar ee ay Somaliland ku joogaan Booqashada kooban.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>