world abujaAbuja (Araweelo News Network)Wefti ka socda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu casuumay shirweynaha caalamiga ah ee horumarinta dhaqaalaha Afrika, kaas oo maalinta Arbacada todobadkan ee

 

7 May 2014, ka furmaya dalka Nigeria (Nayjeeriya) ee galbeedka qaaradda Afrika.

Shirkan oo ay ka qaybgalayaan Madaxweynayaal ka socda dalalka Afrika, Ra’iisal-wasaaraha Shiinaha iyo hoggaamiyeyaal ilaa 900 xubnood ah, oo kala socda dawladaha caalamka, isla markaana ah wakiilada shirkadaha ganacsiga, ururrada bulshada, aqoonyahanno iyo khubaro aqoon u leh cilmiga dhaqaalaha, waxa uu magaalada Abuja ee dalka Nigeria ka furmi doonaa Arbacada berri ee taariikhdu tahay 7 May 2014, kaasoo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxana Somaliland uga qaybgalaya wasiirrada Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Ganacsiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Qoraal ka soo baxay ururka shirka qabanaya oo magaciisu yahay (World Economic Forum) oo nuqul ka mid ah wargeyska Jamhuuriya helay, waxa lagu sheegay in arrimaha lagaga doodi doono muddada saddexda maalmood ah ee uu socdo (7-9 May) maalgashiga khayraadka Afrika, kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo arrimaha horumarka, waxana ilaa hadda xaqiijiyey inay shirkaas ka qaybgalayaan madaxweyneyaasha dalalka Nigeria, Bennin, Ivory Coast, Ghana, Kenya, Ruwandha, Senegal, Tansaniya, Togo, Ra’iisal-wasaarayaasha waddamada Shiinaha iyo Madagascar, arrintaasoo weftiga u ah fursad ay dunida iyo qaaradda Afrika ugu bandhigaan qaddiyadda aqoonsiga iyo maalgashiga khayraadka dihin ee ku duugan Somaliland, kuwaas oo xukuumadda Somaliland mudooyinkii u danbeeyay u bandhigaysay aduunka, isla markaana shirkado caalami ah heshiish dhinaca shidaalka ah kula gashay sidii ay maalgashi ugu samayn lahaayeen dalka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *