Exif_JPEG_422Ceergaabo(Araweelo News Network)Dadweynaha gobolka Sanaag ee xaruntiisu tahay magaalada Ceergaabo ayaa soo dhoweeyay magcaabista Madaxweyne Siilaanyo u magcabay Badhasaabka

 

Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Ramaax oo ka mid ahaa masuuliyiin kala duwan oo Madaxweynuhu todobaadkii hore magcaabay.

Qaar ka mid ah xildhibaanada gobolka Sanaag kaga jira labada gole ee Baarlamaanka, Odayaasha, aqoonyahanka iyo dhalinyarada Sanaag ayaa ku tilmaamay talaabada Madaxweyne Siilaanyo ugu magcaabay gobolka Sanaag Badhasaabka cusub Maxamuud Cali Ramaax mid wax weyn ka bedelay ducufka adeegyada maamulka dawlada ah ee haystay gobolka, waxayna u rajeeyeen badhsaabka cusub in uu wax ka qaban doono maamul-xumada Hay’addaha dawlada ee gobolka Sanaag.
“Madaxweynaha waan ku hanbalyaynaynaa magcaabista badhasaabka cusub oo aan ahayn Nin ku cusub gobolka, balse aqoon fiican u leh dadka iyo deegaanka, waxaana naga go’an inaan is garab taagno” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Cali Bare oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay gobolka Saanag ee golaha Wakiilada Somaliland.
Sidoo kale waxa soo dhoweeyay magcaabista Badhsaabka cusub ee Sanaag, qaar ka mid ah qaybaha bulshada ee gobolka, kuwaas oo isugu jira Odayaal, Cuqaal, dhalinyaro iyo Aqoonyahan u dhashay gobolka Sanaag.
Maxamuud Cali Hayste, waa masuul karti badan oo looga baahnaa gobolka Sanaag oo ah mid diif badani ka muuqato adeegyada maamulka dawliga ah, waana soo dhowaynaynaa, bulshadana waxaan ugu baaqaynaaa in ay la shaqeeyaan, sidaa waxa yidhi Chief Caaqil Maxamed Cawad oo ka mid ah madaxdhaqameedka gobolka Sanaag.
Gudoomiye Ramaax waxa uu ka mid ahaa Masuuliyiinta Madaxweyne Siilaanyo magcaabay sanadkii 2010 kadib markii uu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada, waxaana xiligaa loo magcaabay Badhasaabka gobolka Saaxil, waxaana mudadii uu xilkaa hayay lagu tilmaami jiray inuu yahay Badhasaabkii ugu adkaa Gudoomiyayaashii Madaxweyne Siilaanyo xiligaa u magcaabay gobolada dalka, isla markaana waxa lagu suntay Ramaax inuu ahaa Gudoomiyaha ugu kartida badan masuuliyiinta heer gobol ee Madaxweyne Siilaanyo magcaabay xiligaa. Sidoo kale waxay dadku ku sifeeyeen inuu ahaa Masuul garanaya awooda Badhasaabka iyo masuuliyada xilkiisa, isla markaana fahamsan inuu wakiil ka yahay Madaxweynaha iyo dawlada dhexe.
Magcaabista Badhasaabka cusub Maxamuud Cali Hayte waxay kusoo beegantay iyadoo ay wax badan ka tabanayaan bulshada gobolka Sanaag adeegyada nidaamka dawliga ah, kuwaas oo ka fogaanshaha gobolku ka fogyahay dalka intiisa kale iyo masuuliyiinta hore ay xukuumadihii u kala danbeeyay Somaliland u magcaabyeen gobolka Sanaag aanay waxba bedelin tabashooyinkaa iyo inay si dhab ah uga hirgeliyaan gobolka maamulka dawliga ah iyo adeegyada Hay’addaha dawlada, kuwaas oo la filayo inuu Badhasaabka cusub Maxamuud Cali Hayste Ramaax wax badan ka bedeli doono.

Dadweynaha magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, ayaa wada abaabul ay kusoo dhowaynayaan Badhasaabka cusub Maxamuud Cali Hayte Ramaax oo la filayo inuu maalmaha soo socda gaadho magaalada Ceergaabo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *