UUrcade1Hargeysa(Araweelo News Network)Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa soo dhoweeyay dhawaaqa Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka

Madaxweynaha marka la gaadho shirka golaha dhexe ee Kulmiye ku xulanayo musharaxa Madaxweynaha doorashada 2015, taas oo Gudoomiye Muuse ka dhawaajiyay Axadii todobaadkan.

Sidoo kale waxay xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ku  hambalyeeyeen xilka Guddoomiyenimo ee xisbiga KULMIYE u doortay shanta sanadood ee soo socda.
Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa khadka telefoonka Jamhuuriya ugu xaqiijiyey xalay in masuuliyiinta WADDANI la kulmeen shalay Mujaahid. Muuse Biixi, isla markaana gaadhsiiyeen hambalyo salka ku haysa guddoomiyenimada loogu doortay shirweynihii 3aad ee xisbiga tallada haya oo qabsoomay toddobaadkii hore iyo murrashaxnimadiisa jagada Madaxweynaha ee uu ku dhawaaqay.

“Muuse Biixi waa mujaahid dalkan u soo halgamay, xaqna wuu u leeyahay inuu is sharaxo, wuxuuna ka mid yahay ragga wadanka tacabka badan geliyey, WADDANI-na wuu hambalyeynayaa, taageersanahayna guddoomiyenimadiisa iyo murrashaxnimadiisaba, waanan la kulanay annagoo hambalyadaas gaadhsiinay.”

Xisbiga WADDANI oo ah ka ugu da’da yar saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira, waxa murrashax madaxweyne u ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), sidaas darteed, waxa la is-weydiinaya Murrshaxnimada Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) mid u fiican in xisbiga WADDANI kula tartamo doorashadda madaxtooyada ee la qorsheeyey inay badhtaha sannadka 2015 ka qabsoonto Somaliland.

Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI oo arrintaas la weydiiyey, waxa uu ku jawaabay; “Haddaannu xisbiga WADDANI nahay waannu soo dhawaynaynaa in aannu la tartano cid kasta oo xisbiga KULMIYE uga qaybgasha doorashadda madaxtooyada, cid aannu soo dhawaysanayo ama jeclaysanayno ma jirto, hadduu madaxweyne Siilaanyo yahay, hadduu Muuse Biixi noqdo iyo haddii cid kaleba soo baxdo, sidoo kale murrashaxiinta xisbiga UCID waannu soo dhawaynayaa in tartan na dhexmaro, markaa WADDANI diyaar buu u yahay cidkasta oo labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID soo sharaxaan, cidkasta oo isa soo sharaxdana waannu hambalyeynaynaa, diyaarna waannu u nahay in aanu la tartano, noomana calaamadsana in aannu cid gaar ah la tartano, laakiin cidii labada xisbi qaran ee KULMIYE iyo UCID ka soo baxdaba waannu la tartamaynaa.”

Waxa kale oo Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI la weydiiyey dareenkooda la xidhiidha loolan dhinaca murrashaxiinta oo ka dhex bilawda shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE  iyo in haddii shirkaas khilaaf ka dhasho inuu dib-u-dhac ku keeni karo doorashadda madaxtooyada, waxa uu ku jawaabay; “Horta khilaaf xisbi dhexdiisa ahi doorasho dib uma dhigi karo ama muddo-kordhin sabab u noqon maayo. Dastuurka ayey ku cad yihiin waxyaabaha doorashadda dib u dhigi karaa, waana dagaalo iyo masiibooyin dabiici ah oo aannu bani’aadamku waxba ka qabanin karin, markaa in doorashaddu xilligeeda ku qabsoonto ayaannu doonaynaa, waana waajib. Arrimaha Gudaha ee xisbiga KULMIYE iyo shirka Golihiisa Dhexe in aan ka hadlo ma doonayo oo hawl xisbigaas u taal, waxaanan ka rajaynayaa inay si dhib yar oo aan wax khilaaf ahi ka dhalan hawlahooda u dhamaystaan.” Ayuu yidhi Xoghayaha WADDANI.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *