Hargeysa(ANN)Wasaaradda Qorshaynta qaranka iyo xidhiidhinta Hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland  ayaa soo bandhigtay qaabka ay Somaliland ula jaanqaaday qorshaha qaramada midoobay ugu magac dareen(Millennium development Goals). Sidaana waxa saxaafada Somaliland

 

maanta u sheegay  Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, isla markaana waxa uu shaaciyay  inay xukuumad ahaan ka bilaabeen  dalka wacyigalin la xidhiidha sidii horumar balaadhan looga samayn lahaa  adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada sida dhinacyadda caafimaadka, tacliinta iyo arrimaha bulshada oo dhan, taas oo ujeedadeedu tahay inay fuliyaan  barnaamijka loogu tallo-galay qarnigan socda ee loogu magacdaray  (Millennium development Goals).

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo koox gaar ah oo loogu tallo-galay inay sameeyaan wacyigalinta guud ee dalka laga samaynayo inta ka horaysa sanadka 2015-ka, si  horumar balaadhan looga gaadho arimo door ah oo la xidhiidha adeegyada  bulshada.

Dr.Sacad Cali Shire oo ugu horeyn ka hadlaya shirka jaraa’id ee lagaga dhawaaqay wacyigelinta ayaa waxa yidhi, “Waxaynu maanta (shalay), isugu nimid inaynu bilowno wacyigalin ku saabsan waxa la yidhaahdo (Millennium development Goals), waa yoolkii iyo qorshihii loogu tallo-galay qarnigan aynu hadda ku jirno.”

sidoo kale  waxa oo uu soo qaaday mushkiladaha ka taagan aduunka, isagoo yidhi, “Adduunka maanta dhibaatooyinka ka jira waxa ka mid ah saboolnimada, markaa saboolnimadaasi  maaha mid ku eg inta saboolka oo kaliya ee waa mid saamaysa caalamka oo dhan, markaa maadaama oo ay tahay arin caalamka oo dhan saameeya caalamku waxa uu ka yeeshay qorshe, qorshahaasna waxa loogu tallo-galay in la gaadho sanadkan 2015-ka, qorshahaasina waxa uu saameeyaa xagga caafimaadka, bulshada, tacliinta oo qaybo badan ayuu leeyahay.” Ayuu yidhi wuxuuna  intaa raaciyay,  “Wadan walba barnaamijkan waa laga bilaabay, waana geedi socod, imikana wakhtigii loogu tallo-galay in ujeedooyinkiisa la gaadho ee ahayd 2015-ka waxa inaga xiga shan sanaood oo kaliya.”

Wasiirka Wasaarada qorshaynta Qaranka Dr. Sacad waxa kale oo uu soo qaaday qaabka ay wadamadu ugu kala duwan yihiin qorshahaa, wuxuuna yidhi, “Wadamadu way kala horeeyaan, markaa wadamo badan ayaa sidii qorshuhu ahaa  ee loogu tallo-galay horumarkoodu uu la socdaa oo uu la jaanqaaday, qaarkoodna aad ayay u dambeeyaan, oo kuwa wali dambeeya inaga ayaa ka mid ah, qodobada  qaarkood ma xumin  oo waynu wanaagsanahay,  laakiin meelaha qaarkood ayuu faraq wayni u dhaxeeya halka adduunku joogo iyo halka aynu joogno.”ayuu yidhi
waxaanu intaa raaciyay “Ujeedada guudna waxa weeyaan in dadka lagu wacyigaliyo sidii horumar loo gaadhi lahaa, dhinaca caafimaadka iyo tacliinta sanadka 2015-ka. Wacyigalintan qaar waxay ku aadan yihiin dadwaynaha, qaarna waxa ay ku aadan yihiin oo ay ku socdaan madaxda iyo dadka haya maamulka.”
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *