Boosaaso(ANN) Maamul goboleedka Puntland ee xaruntiisu Magaalada Garoowe ayaa maanta xabiga u taxaabay  in ka badan 50-qof  oo isugu jira Odayaal dhaqameed ah,  ganacsato  iyo aqoonayahano, kuwaas 

oo ka kala tirsan deegaamo  maalmihii lasoo dhaafay  dilal ku dhexmareen Magaalada Bossaso iyo Deegaamada  hoos yimaada Degmada Ufayn ee Gobolka Bari.

Xadhiga  Odayaal dhaqameedka ayaa yimi kadib markii galabta loogu yeedhay  Odayaasha iyo Ganacsatada Deegaamada  dagaalamay inay isugu yimaadaan gogol nabadeed,  isla markaana xilligii ay halkaasi tageen  mar keliya lagu daabulay  Gawaadhida Shabaqlayaasha ee ay isticmaalaan Ciidamada Booliska Puntland iyadoo aan la garanayn meesha la geeyey ilaa iyo xilligan, waxaana jira warar kala duwan oo kasoo baxaya goobta dadkaasi isugu jira Odayaal dhaqameedka iyo ganacsatada lageeyey.

Maaamulka Puntland ee Madaxweyne Farroole  ayaa ku talaabsatay  xadhiga  Odayaal dhaqameedka kadib markii ay ku guuldaraysteen daminta dilal iyo dagaallo deegaamada  ay kasoo kala jeedaan ku dhexmaray qaybo kamid ah Gobolka iyo Magaalada Bossaso,  iyadoo maanta oo ugu dambaysay uu Magaalada ka dhacay dil loo gaystay ganacsade katirsan mid kamid ah labada dhinac. 

Sidoo kale saraakiisha Booliska ayaa waxa ay ku eedeeyeen odayaal dhaqameedka hurinta colaadda dhextaala labada deegaan , iyadoo   mar hore labada deegaan  loo dhex dhigay heshiisyo nabadeed,  kuwaas oo xilligan noqday hal bacaad lagu lisay, kadib markii ay u hooggaansami waayeen qaar kamid ah waxgaradka labada dhinac  wixii lagu heshiiyey,  taasina waxay sababtay in ay dib usoo cusboonaato colaaddii labada dhinac.

Saraakiisha Dawladda u qaabilsan dhinaca ammaanka Magaalada Bossaso ayaa waxa ay sheegeen in Odayaal dhaqameedka iyo ganacsatada xabsiga  loo taxaabay  kusugan yihiin gacanta Dawladda,  waxayna intaa raaciyeen in xadhigoodu ka danbeeyay  go’aan kasoo baxay madaxda sare ee maamulka  Puntland.

Sikastaba  colaada u dhaxaysa labadaa deegaan ayaa saamayn ku yeelatay  magaalada dekedda ah ee Boosaaso, iyadoo colaada ka taagan deegaanada labada dhinac soo gasho magaalada dhexdeeda, taas oo si weyn u dhaawacday amaanka magaalada.  Wuxuuna xadhigoodu kusoo beegmay xilli ay Magaalada si goonni goonni ah uga socdaan dadaallo la doonaayo in lagu qaboojiyo colaadda labada dhinac.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *