Hargeysa(ANN)Nin dhalasho ahaan kasoo jeeda Dalka Ethiopia, ayaa saaka maydkiisa, isagoo del-delan  lagu arkay dhismaha  weyn ee Fooqa kasoo horjeeda saldhiga dhexe ee hargeysa ee uu leeyahay  ganacsadde Dahabshiil,kaas oo dhismihiisu weli socdo. Daadweynaha Magaalada Hargeysa ayaa

 

saaka ku waaberiistay dhacdadaa aragagaxa leh, waxaana goobta yimi Ciidanka booliska oo soo dejiyay maydka Ninkaa oo del-delan, isla markaana ka laalaada dabaqa afraad ee dhismahaa.

Lama garanayo sababta keentay del-delaada Ninkaa, balse  Wararka qaar  ayaa  sheegaya  in ninkaasi ay u suurtagashay in uu fuulo,  ama uu koro dabaqa dhismahaa, iyadoo  aan la ogayn wakhtiga uu galay iyo barta uu ka fuulay, ka dibna waxa uu ninkani koray fooqa  qaybta ugu saraysa halkaas oo uu ku xidhay xadhiga meel ka mid ah xaga sarre ee fooqa iyo madixiisa ka dibna waxa uu iska soo laadlaadiyay fooqa, ugu danbeyntiina waxa uu ku naf waayay isaga oo soo laadlaadda.
Ciidanka Booliska ayaa xabsiga u taxaabay dhawr Nin oo waardiyayaal ka ahaa fooqaa, kuwaas oo wararka qaar sheegayaan inay hurdeen xiligii uu Ninkaa Ethiopian-ka ahi dabaqaa oo dhismihiisu weli socdo koray, waxayna Boolisku xabsiga u taxaabeen Waardiyayaashii ilaalilanay dhismahaa, waxayna Boolisku sheegeen inay baadhayaan sababta uu ninkaasi isu del-delay ee u haligay naftiisa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *