Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wefti uu hogaaminaayo ku xigeenka u qaybsanaha Arriamaha Somaliland iyo Soomaaliya ee

Safaarada Nairobi ee Dalka Maraykanka, Mr. Douglas Meurs.
Kulanka Madaxweynaha iyo wefdigaa oo ka koobnayd Lix xubnood, yaa ahaa mid albaabada loo xidhay oo aan warbaahinta loo ogolayn, balse kulanka kadib qoraal saxaafada loogu talo galay oo kasoo baxay Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse),  ayaa  sharaxaad kooban ka bixiyay waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxweynaha iyo wefdiga safaarada Maraykanka ee Nairobi.
Qoraalkaa ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Gelinkii hore xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka kooban 6 Xubnood oo uu hogaaminaayo ku xigeenka u qaybsamaha Arriamaha Somaliland iyo Soomaaliya ee Safaarada Nairobi ee Dalka Maraykanka, Mr. Douglas Meurs, kana socda Guddiga Deeq bixiyeyaasha ee Arrimaha Doorashooyinka ka caawiya Jamhuuriyada Somaliland.
Weftigan ayaa u jeedada Socdaalkooda ku sheegay inay tahay xogogaal u noqoshada iyo u kuur gelida halka ay marayso diyaar garowga Doorashooyinka Dawladaha Hoose ee Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland iyo xubnaha wasiirada ee shirka kala qayb galay, ayaa weftiga warbixin mugleh ka siiyey halka ay marayso hawshaasi waxaanay u sheegeen in ay dhinaca Dawlada Somaliland ka dhamaatay, marka la eego Gudigii Diwaan gelinta oo soo gebegabeeyey kala saaridii Ururada.
Xukuumada oo Dhinaceeda Diyaarisay dhaqaalihii Saami ahaan ku soo hagaagay ee ku bixi lahaa Doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo xitaa shuruucdii looga baahnaa oo iyana dhinaca Baarlamaanka ka dhamaatay.
Waxaana imika hawshaa gacanta ku haya Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo iyagu xaq u leh inay cayimaan mudada Doorashada inay mudeeyaan, marka ay suurto gal u tahay inay Doorashada qabtaan” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *