Hargeysa(ANN)Dadweynaha Magaalooyinka Somaliland ayaa si weyn ugu diyaargaroobaya ka qaybgalka maalintii labaad ee ololaha nadaafada iyo Qashin ururiska ee uu Madaxweynaha Somaliland iclaamiyay dhowaan, ku beegmay 3, Sep 2010, iyadoo ay ololahaa ka qayb galeen

 

 masuuliyiinta xukuumada Somaliland oo uu horkacayaan  Madaxweyne Axmed siilaan iyo Marwadiisa. sidoo kale Madaxweyne xigeenka iyo masuuliyiin kale  oo dadweynaha kala qaybgalay maalintaa.
Hase yeshee Ololaha nadaafada oo 45-kii maalmoodba mar la samaynayo ayaa kusoo beegmay sanad guuradii 41aad ee kasoo wareegtay maalintii uu kacaankii milateriga ahaa afgenbiyay xukuumadii rayidka ahayd ee dawladii ka talin jirtay dhulkii laysku odhan jiray Somalia. iyadoo ay Somaliland ka mid ahayd xiligaa Jamhuuriyadii Dumuqraadiga ee Somalia.
Maalinta 21 Oct, waxay dadka Somaliland u yaqaaniin inay tahay maalin madaw oo horseeday inuu dalka qabsado taliskii uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre, kaas oo shacbiga Somaliland u geystay sanadii sideetaneeyadii xasuuq balaadhan, dhac iyo gaboodfalo Kufsi. Kadib markii xoogagii SNM, oo uu xilgaa hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland ee maanta Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo weerar nafhurnimo ah kusoo qaadeen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland,  sida Hargeysa iyo Burco, halgankaa oo ugu danbayntii sababay in meesha laga saaro taliskii digtaytarka ahaa, sidaana ay Somaliland xoriyadeedii kula soo noqotay 18, May 1991 magaalada Burco.
inkasta oo kacaankii xiligaa shantii sanood ee u horeeyay wax qabtay, balse wixii ka danbeeyay mudadaa waxay talada iyo awoodu si gaara ugu ururtay gacanta Maxamed Siyaad Barre oo dhufays ka dhigtay kooxo iyo deegaamo gaara taas oo keentay Burburkii dawladii Somalia, isla markaana sababta u noqotay inay ilaa waqti xaadirkan dunidu ku wareerto in nabad laga aslaaxiyo Somalia.

Si kastaba ha haatee diyaargarawga maalintii labaad ee Ololaha nadaafada Somaliland ayaa ku beegan 21, Oc, taas oo noqonay 41 sanadood ka hor subaxnimada maalinta Beri ee Khamiista ah oo ay dad badani xusuusan yihiin subanimadaa sidii wax u dhaceen iyo sida ay maalintaasi ugu beegantay maalin ay Olole nadaafadeed iyo Qashin Ururis ku jiraan, iyadoo maalintaa kacaanku dalka afgenbiyay dadka lagu amray inay guryohooda ku jiraan.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *