Muqdisho(ANN)Fadhigii maanta ee Baarlammaanka Dawladda taagta daran ee  ku meel-gaadhka ah oo la filayay in codka kalsoonida loogu qaado Raysal wasaaraha cusub  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaarjo) .ee  uu  dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Sheekh Shariif, ayaa fashilmay,

ka dib markii mudanayaashu isku af garan waayeen qaabka loo marayo codka la qaadayo.

Fadhiga maanta oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dawlada taagta daran ee Somalia  Sheekh Shariif Sh. Axmed, waxa hadheeyay muran iyo buuq ayaa ka dhashay aragtiyaha u dhexeeya xildhibananada ee la xidhiidha qaabka codkaloogu qaadayo Raysal Wasaaraha cusb Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaarjo), oo ay mudanayaashu ku kala aragti duwanaayeen
Qaar ka mid ah xildhibannada, ayaa soo jeediyay in qaabka codka lgu qaadayo Raysal wasaaruhu noqdo mid qarsoodi ah, halka koox kale oo ka soo horjeedaana ku doodayeen in laga dhigo gacan taag, taas oo sabab u noqotay  in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Axmed uu ku dhawaaqo  in goluhu xidhanyahay, islamarkaana maalinta sabtida laysugu soo noqon doono.
Madaxweynaha Dowladda taagta daran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa 14, Oct 2010 u magcaabay  Raysal Wasaaraha  Cusub  Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaarjo), taas oo ka cadhaysiisay maamul goboleedka Puntland ee Somalia oo uu kasoo jeeday Raysal wasaaare C/rashaiid sharmarke oo xilkaa iska casilay 21, Sep 2010. Kadib markii muran iyo khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweyne Shariif  uu hadheeyay dawlada taagta daran ee ay kooxaha kasoo horjeeda dagaalada kula jiraan. Sidoo kale magcaabista Raysal wasaaraha cusub ee maanta Baarlamanka Somlia isku khilaafay ansixintiisa, waxa quudaraynayay kooxo badan oo ay ku jiraan wadaadada Ahlusuna wal jameeca.
Lama sadaalin karo in maalinta sabtida haddii qabsoomo kulanka Baarlamaanku ay ansixiyaan Raysal Wasaaraha cusub  Mr. Maxamed Farmaarjo, balse waxa socda dedaalo Madaxweyne Shariif iyo gudoomiyaha Baarlamaanku ku doonayaan in la nasixiyo raysal wasaaraha cusub.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *