Gudida Diiwaangelinta Ururada iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa ku dhawaaqay natiijada kasoo baxday wareegii labaad ee 15-ka Urur siyaasadeed loogu aqoonsanayay inay u gudbeen Ururo siyaasadeed, kuwaas oo la tartamaya sadexdii xisbi qaran ee hore u jiray marka la gaadho

xiligga doorashooyinka golayaasha deegaanka.
Xisbiyada  sadexda ahaa ee hore waxa jiray qodob ka saamaynayay xeerkaa, kaas oo ahaa inay qabsadaan shirkoodii  golaha  dhexe , isla markaana gudbiyaan liiska golaha dhexe ee xisbiga, taas oo waqtiga loo qabtay ahaa xiliga lagu soo  af-jarayay kala saarista Ururada tartamayay ee 15-ka ahaa oo ku beegnayd 20 April Jimcihii todobaadkii hore.
Hase yeeshee labada xisbi ee mucaaridka UDUB iyo UCID,  ayaa siyaabo kala duwan  uga faa’idaystay fursadaa, iyadoo xisbiga UDUB oo kala qaybsanaan baddan iyo khilaaf mudooyinkii u danbeeyay soo jiitamayay ka aloosnaa ay gudbiyeen liiska xubnaha golaha dhexe, iyagoo ka duulaya shir ay ku qabsadeen Huteelka Crown ee magaalada Hargeysa  oo musharax  loogu doortay Jamaal Cali Xuseen inuu noqdo musharaxa u taagan doorashada madaxtooyada ee la filayo inay Somaliland ka qabsoonto 2015, waxa ganafka ku dhiftay Gudoomiyaha xisbiga Daahir Rayaale kaahin oo dalka kusoo laabtay, taas oo meesha ka saartay qorshayaashii iska soo horjeeday ee ay wateen labadii garab ee uu xisbiga UDUB u qaybsanaa mudooyinkaa.
In kasta  oo go’aankaa ay ka horymaadeen garabka uu ku simihiisa Axmed Yuusuf Yaasiin hogaaminayay, hadana waxa ugu danbayntii kulamo labada dhinac yeesheen laysla qaatay in meesha laga saaro go’aanka musharaxa ee dhaliyay muranka, isla markaana la sugo marka la dhaafo doorashooyinka golayaasha deegaanka. Go’aankan ayaa u muuqday mid lagu badbaadinayo marxaladan xisbiga UDUB oo fashil weyni ku yimi, waxaana  Shuruuradaha ka khuseeyay xeerka ay raacayeen gudida Diiwaangelinta Ururada iyo axsaabta qaranka  , iyadoo laga duulayo xeerka Xisbiga ee lagu ansixiyay shirweynii  ugu danbeeyay ee 2009, lagu qabtay Maansoor,  balse  shirkii lagu qabtay Oct, 2011, Huteelka Crown oo ay ka qaybgaleen garab keliya , isla markaana ahaa kii musharaxa loogu doortay Jamaal Cali Xuseen laga dhigay shirkii golaha dhexe oo laysla oggolaaday marka laga reebo qodobka musharaxa shirkaa oo la laalay,  iyadoo loo gudbiyay gudidaa sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan xisbigaa wixii looga baahnaa ee ka khuseeyay gudida iyo marxalada cusub.
Sidoo kale Xisbiga UCID, wuxuu shuruuradaha ka khuseeyay  xeerka gidida cusub kaga gudbay shirkiisii golaha dhexe ee uu qabsaday horaantii sanadkan 2012 January.  Kadib markii uu kasoo baxay kala qaybsanaan sababtay inay maxkamad isla galaan hogaankii Ururka intiisa baddan iyo koox yar oo guoomiye Faysal hogaaminayay, kuwaas oo markii Maxkamadda sare ee Somaliland go,aankeeda ugu dhawaaqday hogaanka sharciga ah inuu yahay Faysal Cali Waraabe ka faa’idaystay furitaankii Ururada , isla markaana sameeyay Urur cusub, kaas oo hada ku guulaystay inuu ka mid noqdo Ururada soo gudbay ee ka qaybgelaya tartanka doorashooyinka golayaasha deegaanka.
Labada xisbi mucaarid ee UDUB iyo UCID, waxay hada u muuqdaan kuwo kasoo doogay mushkilado iyo khilaafyo siyaasadeed, balse lama saadaalinkaro marka la gaadho tartanta doorashooyinka golayaasha deegaanka, maadaama ay Ururada ka qaybqaadanaya tartanku yihiin kuwo kasoo dhexbaxay sadexda xisbi ee hore u jiray sida ay doonaan saamayn hawgu kala yeesheene, waxayna dakharada siyaasadeed iyo khilaafaadka ay kasoo doogeen saamayn ku yeelan karaan tartanka doorashada soo socota.
Marka laga yimaado labada xisbi ee UDUB iyo UCID, waxa  aan mushkiladahaa ka badbaadi karin Xisbiga Kulmiye oo waqtigan ah xisbul xaakimka, kaas oo ka hor intii aanu ku guulaysayn doorashadii madaxtooyada  ee 26 Jun 2010, ahaa xisbiga ugu balaadhan axsaabta .
Kulmiye  oo wixii ka danbeeyay guushii uu kasoo hooyay doorashadaa ay ka muuqatay  habacsanaan, ayaa farta lagu fiiqayay in aanu marnaba ahaanayn sidii lagu bartay xiliyadii uu mudada dheer mucaaradka mayalka adag ahaa, isla markaana waxa muuqatay saamaynta ay ku yeelan katraan Ururada cusubi  oo  aanu sinaba uga  badbaadi karin siyaasdaha, duruufaha  iyo waayaha ku xeeran, waxaana jirtay cabsi weyn oo la hadal hayay marka la gaadho shirkiisa golaha dhexe  oo la saadaalinayay inay soo waajahayaan muruga iyo dakharada labada xisbi ee kale soo gaadhay.
Hase yeeshee iyadoo ay jirto cabsidaa  wuxuu KULMIYE  qabtay shirkiisii golaha dhexe 15 April 2012, kaas oo mudo laba maalmood ah ka socday Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Lasoco qaybo kale

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *