WASIIR DUURHargeysa(ANN)Mudaharaadyadii ay ku baaqeen Ururada ku hadhay tartanka gudidada diwaangelinta ayaa dhicisoobay. Kadib markii ay xukuumadda Somaliland wadooyinka magaalada hargeysa ku daadisay subaxnimadii hore ee saaka Ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran, isla markaana

 

dirays cusub iyo gaadiid cusub wata, kuwaas oo si taxdir ah u taagnaa saaka meelo baddan oo ka mid ah wadooyinka magaalada Hargeysa.
Waxaana la arkayay saraakiisha UDHIS oo xafiiskooda isugu yimi, kuwaas oo ka mid ahaa Ururada hadhay, isla markaana saaka u muuqday inay keligood kusii dhegan yihiin dalabka mudaharaadka. Inaksta oo oo Magaalada Berbera ay kooxo dad ah oo taageerayaasha UDHIS ahi isugu soo baxeen saaka. Sidoo kale Magaalada Burco ayay qaar ka mid ah Taageerayaasha UDHIS isugu soo baxeen, balse ciidanka  Booliska ayaa kala dareeriyay, iyadoo qaar ka mid ah dadkaa ciidanka Boolisku qabteen, balse lasoo daayay waxyar ka dib.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur ayaa shir Jaraa`id oo ku Qabtay Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha uga Digay Ururadii Hadhay ee Iclaamiyey Banaanbaxa inay ku kacaan Wax Mudaharaad ah.
Wuxuuna  Ururadaa usoo Jeediyey in Tabashadooda ay u maraan Dariiqa Sax ah ee Garsoorka iyo Maxkamaddaha Dalka ka jira Isaga oo Wasiirku intaa raaciyey in talaabo laga Qaadi doono Cid kasta oo ku dhaqaaqda Banaanbax aan sharci ahayn, isla markaana ka laaxata wadada iyo nidaamka sharciga ah.
Wasiir Duur ayaa sheegay in cidii aan ku Qanacasanay Garsoorka Dalka in loo arki doono qaar baal Marsan Sharciga Dawladeed ee Dalka u yaala oo ay talaabo ka qaadi doonaan, isagoo yidhi, “Ragga leh mudaharaad ayaan samaynayaa, waxay keeneen warqad codsi ah, warqadu waxay ku taariikhaysantahay 22 April, oo maanta ah, iyadoo ay maanta warqadaa keeneen ayay hadana sameeyeen mudaharaad, anagu waxaan u aragnaa inay leeyihiin mudaharaadkii waanu samaynay, sababtoo ah maaha tani codsi ee waa ogaysiiin. Waxaan u sheegayaa raggaa haddii ay sharciga iyo nidaamka dawliga ah ixtiraami waayaan waxan leeyahay ninkii sidaa u fekerayow fasax ayaad tahay haddaad iska dhaadhico inaan nidaam dawli iyo sharci jirin. Sharcigii lagu fasaxay Ururada ayaa lagu kala reebay. Cidii wadata wax kale iyaday u taallaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo saxaafada kula hadlay maanta xafiiskiisa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *