Muqdisho(ANN) Baarlamaanka Somalia ee dawlada taagta daran ayaa ku guldaraystay inay yeeshaan kulan loo balansanaa maanta oo la filayay in codka kalsoonida loogu qaado

 

 Raysal wasaaraha cusub  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaarjo). Kadib markii uu fashilamay kulankii todobaadkii hore ee ay  mudanayaashu isku af-garan waayeen qaabka loo marayo cod qaadista raysal wasaaraha, taas oo dib loogu balamay sabtidii maanta, balse uu mar kale waxba kama jiraan noqday kulankii ay mudanayaashu u balansanaayeen, iyadoo aanu   gebi ahaanba qabsoomin fadhigii la rabay inuu qabsoomo maanta.
Shirgudoonka Baarlamaanka ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo sababta uu fadhigu u baaqday, iyagoo ku koobay sababo farsamo. Laakiin warar xog ogaal u ah arrimahaa ayaa u xaqiijyay shebekada warbaahinta ee Araweelonews inuu jiro khilaaf xoogan iyo kooxaysi la xidhiidha magcaabista Raysal wasaaraha cusub oo muadanayaashu ku kala qaybsan yihiin gebi ahaanba xilka loo magcaabay masuulkaa ee raysal wasaaraha, kuwaas oo qaarkood doonayaan in aan la ansixin oo uu waayo codka kasoonida Baarlamaanka, halka kuwa kalena doonayaan in la ansixiyo oo uu helo codka kalsoonida Baarlamaanka.
Sida wararka la xidhiidha dhinacyadu sheegayaan kooxda ku dooday in cod qaadista laga dhigo mid qarsoodi ah ayaa u araka inay sidaa ku hor istaagi karaan Raysal wasaaraha cusub Mr. Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaarjo), halka kooxda doonay in la ansixiyaa ku dooday in codka mudanayaashu noqdo mid gacan taag ah, taas oo ay u rakaan inay tahay sida keliya ee uu Raysal wasaaruhu kaga badbaadi karo inuu waayo kalsoonida Baarlamaanka, iyadoo aanay mudanayaal badan oo hada ku doodaya in codka qarsoodi laga dhigaa ku dhiiranayn marka codku noqdo gacan taag, balse fursada keliya ee u banaan inay ku hor istaagi karaan tahay iyadoo codka laga  dhigo mid qarsoodi ah.
Tibaaxo arimahaa la xidhiidha ayaa sheegaya inay mudanayaasha doonaya in codka qarsoodi laga dhigaa ugu hanjabeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Shariif Xasan Shiikh Axmed inay codka kalsoonida u qaadayaan isaga haddii uu ku adkaysto in codka Raysal wasaaraha laga dhigo gacan taag. 
Dhinaca kale warar kale ayaa sheegaya inay gudoomiyaha Baarlamaanka  Shariif Xasan iyo Madaxweyne Sheekh Shariif wadaan kulamo gooni gooni ah oo ay la yeelayaan kooxo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka, iyagoo dedaal ugu jira inay ku qanciyaan mudanayaasha ansixinta Raysal wasaaraha cusub iyo inuu codku noqdo mid gacan taag ah, balse kulamadaa ayaan weli wax natiijo ah laga hayn.
Madaxweynaha Dowladda taagta daran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa 14, Oct 2010 u magcaabay  Raysal Wasaaraha  Cusub  Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaarjo), taas oo ka cadhaysiisay maamul goboleedka Puntland ee Somalia oo uu kasoo jeeday Raysal wasaaare C/rashaiid sharmarke oo xilkaa iska casilay 21, Sep 2010. Kadib markii muran iyo khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweyne Shariif  uu hadheeyay dawlada taagta daran ee ay kooxaha kasoo horjeeda dagaalada kula jiraan. Sidoo kale magcaabista Raysal wasaaraha cusub ee kulankiisa loo balansanaa maanta Baarlamanka Somlia qabsoomi waayay, waxa quudaraynayay kooxo badan oo ay ku jiraan wadaadada Ahlusuna wal jameeca, iyadoo ay durba soo baxeen weedho ka imanaya xildhibaanada kasoo horjeeda oo ku doodaya inaanu munaasib ku ahayn  xilkaa. Sidaa awgeed aanu waxba ka qaban karayn xaalada murugsan ee Somalia Raysal wasaaraha oo aha Nin aan waxba kala socon siyaasada oo ku noolaa intii badnayd noloshiisa dalka Maraykanka.
Ma jiro kulan loo  asteeyay, ama dib loogu riixay mudo cayiman inay Baarlamaanku isugu imanayaan, isla markaana  lama sadaalin karo inuu qabsoomayo kulanka danbe ee Baarlamaanku ay ku ansixiyaan, ama ku diidayaan Raysal Wasaaraha cusub  Mr. Maxamed Farmaarjo, balse waxa socda dedaalo Madaxweyne Shariif iyo gudoomiyaha Baarlamaanku ku doonayaan in la nasixiyo raysal wasaaraha cusub iyo sidii ay ugu qancin lahaayeen xildhibaanada in kulanku qabsoomo, isla markaana uu codku noqdo mid gacan taag ah.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *