Tiens shuraakoTiens Group waa mashrcuuc si xawli ah uga socda magaalooyinka Somaliland oo dhan, wuxuuna hada af-faafka uga galay kumaan qoys oo reer Somaliland ah iyo kumaan dhalinyao ah, kuwaas oo si caadifadaysan

u rumaystay mashruucaa oo dhawrkii sanadood ee u danbeeyay si weyn looga hadalhayay goobaha ay ku kulmaan dhalinyarada iyo bulshada kale, isla markaana si gaara loogu asteeyay hirgelintiisa goobaha waxbarashada iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay si loogu khaldo dhalinayarada la doonayo in ay ku biiraan mashruuca Tiens Group.

Warbixin la xidhiidha mashruucaa oo ku saabsan xoggo iyo macluumaad ay soo ururiyeen weriyayaal ka tirsan shebekaddaha wararka ee Arraweelo.com iyo Araweelonews oo lagu baahiyay shebekaddaha (Halkan Riix Qaybtii Hore)ayaa ka hadlayay sida loo aasaasay Tiens Group, ciddii samaysay iyo wadamada laga hirgeliyay iyo kuwo joojiyay markii ay ka warheleen khatarta uu bulshadooda u leeyahay dhaqaalle ahaan iyo caafimaad ahaan.

Qaybta labaad ee warbixintan ayaa iftiiminay sida Mashruucaa uu ugu fiday Somaliland iyo khatarta saamaynta uu ku yeelankaro mustaqbalka.

Mashruucan ayaa Somaliland laga soo geliyay dhinaca dalka Ethiopia, iyadoo lasoo raaciyay  goobo ganacsi Dawooyinka dhirta ah, kuwaas oo laga sharciyeeyay, isla markaana ogolaansho ka haysta Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Maaliyadda.

Kooxda Tiens Group, waxay adeegsadaan si ay hawshooda iyo qorshohooda uga dhaadhicyaan Bulshada, isla markaana bartilmaameedkoodu yahay Dhalinyarada si ay yoolkooda u gaadhaan, iyagoo ka dhaadhiciynaya laba arrimood oo ah in ay ku abuuraan damac macaash, iyagoo u sawira Nolol qurxoon iyo Mustaqbal fiican in ay fure u yihiin,  haddii ay ku dhaqmaan qorshahaa marka la waraysto qofka doonaya in uu ka mid noqdo kadib marka uu ku qanco ee loo arko, ama uu xaqiiqsado arrintaa la siinayo Nambar loogu sheegayo in uu xubin ka noqonayo marka uu bixiyo lacag dhan $25 dollar, isla markaana si uu macaash u helo uu keeno sadex qof oo ka mid ah qoyskooda, ama jaarkooda oo xanuunsanaya, kuwaas la siinayo dawooyinkaa marka ay bixiyaan $25 dolar oo diiwaangelin ah.

Qorshaha Mashruucaa waxa sidoo kale bar-barsocda in qofka marka uu keeno sadex qof uu helayo khidmad uu ku yeelanayo lacagta laga qaado dadka uu keenay, sidoo kale uu ku yeelanayo dadka ay keenaan ee la diiwaangeliyo.

“waa qorshe ku tusaya guulo waaweyn oo dhinaca Nolosha ah iyo horumar dhinaca dhaqaalaha ah, waana mid sawirka lagu siinayaa ka dhigayo wax macquul ah. Laakiin anigu markaan is diiwaangeliyay waxa ee aan u sheegay qaar ka mid ah Ehelkayga, waxay kala horyimaadeen diidmo qayaxan ugu danbayntiina waxay igu khasbeen inaan ka baxao Tiens Group. Sidaa ayaana kaga baxay ayuu yidhi mid ka mid ah dhalinyarada laga dhaadhiciyay mashruucaa oo hada debeda ka jooga.
“Dawooyin ayaa la siiyaa dadka, hadaad u sheegto xataa in aanad xanuunsayn waxa laga dhaadhicinayaa in khasab aad ku liqdo, way jiraan dad xanuunsanay oo ku caafimaaday dawooyinkaa iyo kuwo kale oo ay saamayn caafimaad oo halis ah ku yeesheen” sidaana waxa tidhi gabdh ka mid ah dadka dhexgalay mashruucaa si ay wax uga ogaadaan.
Gabadhaa oo codsatay in aan la shaacin magaceeda waxay ka mid ahayd haweenkii hore loogu dhacay sanado ka hor mashruucii Jiif oo Jaq, waxayna kooxda Tiens Group ku tilmaantay mashruucooda mid aan waxba ka duwanayn mashruucaa, balse ka casriyaysan, isla markaana sita qorshe dawooyin lagu soo qariyay oo gabood looga dhigayo mashruucaa oo ay sheegtay in ay ku qiyaastay dhawr kun oo dhalinyarada magaalada hargeysa oo keliya ku nool ay ku qiyaastay in ay iska diiwaan geliyeen, kuwaas oo ay sheegtay in ay rumaysteen oo si dhab ah u dhexgaleen.

Kooxda Somaliland keentay Mashruuca Tiens Group oo kasoo talaabiyay dhinaca dalka Ethiopia, wax aka mid ah waxyaabaha ay tusaan dhalinyarada Buug ku qoran Luqada Afka Xabashiga iyo English, kaas oo bogga hore lagu xardhay Magaca Tiens Group oo astaanteeda wadata, isla markaana Buugga waxa laga buuxiyay dhawr saxfadood oo ka mid ah Shahaadooyin,ama aqoonsi (Certificate) lagu sheegayo in ay bixisayeen Wasaaraddaha Diinta Iyo Caafimaadka ee dalka Malaysia oo dal Islaam ah iyo waraaqo kale oo dalal kale  oo lagu sheegayo in ay aqoonsadeen mashruucaa dalalkaasi, isla markaana ay waraaqa ku xaqiiyeen dawooyinka iyo gebi ahaanba mashruucaa.

Inta badan sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka dhalinyarada ah ee doonayay, ama hunguri ka galay mashruucaa marka ay keenaan doodo la xidhiidha Diinta Islaamku waxa ay ka qabto iyo sida loogu kalsoonaan karo dawooyinka dhinaca Caafimaadka, waxa la tusaa oo lagu qanciyaain Malaysia oo ah dal Muslim ah ay siisay aqoonsi ah in aanu ka hor imanayn Diinta iyo Caafimaadka oo ay dawooyinku yihiin kuwo la mariyay sheybaadh. Sidaa awgeed aan doodi ka taagnayn Su’aalahaa.
La soco………………………….(Halkan Ka Akhri Qaybtii Koowaad Ee warbixintaa)

Warbixintan waxa soo ururiyay Carraale Maxamuud Jaamac Freelance Journalist and human Rights Activist.

Jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *