Tiens shuraako

Kumanaan Dhalinyarada Somaliland Ah Oo U Af-duubaan Mashruuca Cusub Ee  Tiens Group Oo Noqday Qalinshubatadii Jiif Oo Jaq

Warbixin: Carraale M. Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist

Tiens Group waa mashrcuuc si xawli ah uga socda magaalooyinka Somaliland oo dhan, wuxuuna hada af-faafka uga galay kumaan qoys oo reer Somaliland ah iyo kumaan dhalinyao ah, kuwaas oo si caadifadaysan u rumaystay mashruucaa oo dhawrkii sanadood ee u danbeeyay si weyn looga hadalhayay goobaha ay ku kulmaan dhalinyarada iyo bulshada kale, isla markaana si gaara loogu asteeyay hirgelintiisa goobaha waxbarashada iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay si loogu khaldo dhalinayarada la doonayo in ay ku biiraan mashruuca Tiens Group.

mudooyinkii u danbeeyay, waxaan ku gudajiray baadhitaano iyo xog ururin la xidhiidha mashruucaa iyo qaabka uu uga socdo Somaliland.

Tiens Group waa magaca mashruucan oo laga soo waariday asalkiisa dhinaca dalka China,waxaana sameeyay 1995  Mr. Li Jinyuan oo ahaa Aqoonyahan u dhashay dalka China, wuxuuna u qorsheeyay mashruucaasi in uu noqdo mid caalami ah, isla markaana noqdo suuq caalami ah, isagoo lagu  dhiirigelinayo malaayiin dhalinyaro iyo qoysas ku nool dacalada aduunka oo ka kala yimi qowmiyado iyo dalal kala duwan.

Mashruuca oo qayb ka mid ah ay yihiin meelmarinta iyo hirgelinta dawooyinka dhinaca dhirta oo lagu farsameeyay dalka China ayaa laga hirgeliyay 110 dal oo dunada ah, balse dalalkaa qaar badan oo ka mid ah waxa joojiyay mashruucaa dawladaha ka taliya, kadib markii ay u arkeen in uu yahay mid halis ku ah Bulshada.

Aqoonyahanka hindisay mashruucan ayaa inta la ogayhay ujeedooyinkiisa ku faafiyay in uu wax ka taro mashruuca Tiens Group dhinacyada Dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Dalxiiska , is dhexgalka iyo suuqa gacansiga aduunka, isla markaana ugu danbaynta ay noqdaan dadka iska diiwaangeliya ee ku kala nool dunidu hal qoys oo keliya.

Magaca uu adeeegsaday Aqoonayahanka Mr. Li Jinyuan ee Tiens ayaa asal ahaan ka yimi  Viatnam iyo China, waxaana uu kasoo jeedaa  lacag laga isticmaali jiray qarnigii 19aad, waqtigan waxa mashruucan uu si qarsoodi ah uga socdaa dalal badan oo dunida ah, waxaana la rumaysanyahay in qiyaastii 20 milyan oo qoys uu saamayn ku yeeshay mashruucan oo ujeedooyinkiisa aan wax badan lagala socon.

Dalka Britain waxa laga joojiyay mashruucan sagaashanaadkii. Kadib markii ay ogaatay dawlada Britain inuu yahay mashruuc aan si dhab ah loo ogayn ujeedooyinkiisa, isla markaana khatar gelinkara nolosha bulshada, dhaqaalaha iyo amnigaba.

Sidoo kale dalal badan oo kale ayaa laga joojiyay mashruuca Tiens oo gabood ka dhigta dawooyin laga sameeyay dhirta, Somaliland waxa uu mashruucani kasoo galay oo lagaga soo waariday dhinaca dalka Ethiopia.

La soco……………

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *