Shirgudoonka Wakiiladda Somaliland Oo Si Wadajir U Ah U Shaacinaya In Lasoo Afjaray Khilaafkii U DhexeeyayAddis Abba(Arraweelo News)Dawladda Itoobiya ayaa ogolaatay in Ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalkeeda ay siiso sharci u ogolaanaya in ay waxkabartaan, kaas oo noqonaya ciqaamado waxbarasho oo

 

u suurta gelinaya inay sii joogaan dalkaa ilaa inta ay dhamaysanayaan waxbarashadooda.

Qorshahaa cusub ayaa ka dhashay carqalado soo waajahay Arday Waxbarasho u tagtay Dalkaa Ethiopia oo sitay Baasaboorka Somaliland, kuwaas oo la kulmay carqalad, balse kulan ay maanta yeesheen Wasaaradda Arrimaha Debeda Ethiopia iyo Safiirka iyo Safiir ku xigeenka dawladda Somaliland u fadhiya Addis-ababa ayaa lagu gaadhay qodobo xal loogu helay mushkilada Ardayda Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo uu caawa soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Debeda Somaliland Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi) oo uu kaga hadlay qodobada lagu heshiiyay ee labada dhinac Somaliland iyo Ethiopia isla qaateen.

Qoraal kooban ayaa u dhignaa sidan:- “Safiirka iyo safiir ku-xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia waxay wasaaradda arrimaha dibedda dalka Ethiopia kula kulmeen agaasimaha waaxda afrika ee wasaaradaasi iyo wakiilka dalalka jaarka waxay ka wada hadleen
1)-Fiisaha & ciqaamada ardayda reer Somaliland ee Ethiopia wax-ka barata dalkaasi, ka dib markii ethoipa go’aansatay in dib u eegis lagu sameeyo ciqaamaadaha dadka ajaanibka ahi ku joogaan dalka Ethoipa oo ay ku jiraan dadka Somaliland u dhashay.

2)-Waxay isku afgarteen in ardayda Somaliland ee Ethiopia dagen waxna ka barta dalkaasi in ay safaarada Somaliland u soo gudbiyaan liiska magacyadooda si dib u eegis loogu sameeyo loona siiyo ciqaamado waxbarasho.
3)- Waxaana arrintaas loo xil saaray guddi ka koobaan labada dhinac oo kala ah safiir-kuxigeenka Somliland u fadhiya dalka Ethoipa iyo agaasimaha waaxda dalalka afrika ee wasaraada khaarajiga Ethoipa. Inta ay hawsho socoto in aan la mustaafurin Karin Ardayda u dhalatay dalka Somaliland.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaa.
arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *