DSCN0366Hargeysa(Arraweelo News) Carwadii lixaad ee Somaliland ayaa maanta laga furay Huteelka Guuleed ee magalaada Hargeysa , Munaasibada carwadaa oo qabanqaabadeedu socotay mudo ka badan bil,

 

waxaana ka qaybgalay Madaxweyne  xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici Masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda iyo boqolaal ganacsato ka socday shirkaddaha ganacsi ee Somaliland.

DSCN0368Bandhiga Carwadaa oo ay soo qabanqaabisay Rugta ganacsiga Somaliland waxay shirkadduhu kusoo bandhigeen ganacsigooda iyo wax –soo saarkooda.
Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo ka hadlay furitaanka Carwada ayaa ka hadlay ahmiyada ay keeyihiin iyo sawirka ay ka bixiyaan dhaqaalaha dalka.

“Carwadani waa tii Lixaad ee dalka lagu qabto, waxayna muujinaysaa in sanadba sanadka ka danbeeya dalka dhaqaalihiisa iyo gnacsigiisu sii kobcayo, Ganacsigu wuxuu kobciyaa dhaqaalaha, wuxuuna wax ka taraa shaqa abuurka, xukuumad ahaana diyaar ayaan u nahay in aan dhiirigelino oo diyaarino shuruucdii lagama maarmaanka u ahayd, shacbigana waxa looga baahanyahay in ay ixtiraamaan shuruucdaa.” Ayuu yidhi Madaxweyne Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici.
DSCN0372
Cabdirashiid Ducaale oo ka hadlay furitaankii Carwada waxa uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin bandhiga Carwadaa, isla markaana ay soo dhowaynayaan oo ay fursad siinayaan ganacsatada yar yare e ay hada ugu horayso in ay soo bandhigaan ganacsigooda ee kasoo qaybgalay Carwada.
Sidoo kale wax ka hadlay Cali Cumar Xasan Guuleed oo ah Mulkiilaha Huteelkaa oo sheegay in waqti badan uu socday dhismaha Hoolku, wuxuuna u mahad celiyay Ganacsade Cumar Caydiid oo uu sheegay in uu ku dhiiri geliyay dhismaha Hoolkaa. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu amaan usoo jeedinayo Shirkadaha Dahabshiil Group, Somcable, Telesom iyo shirkadaha kale eek a qaybgalay Carwadaa.

arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *