Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo  maana dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu socdaal qaatay saddex todobaad uu ku soo maray dalalka Itoobiya  Iyo Ingiriiska  oo uu kulamo kala duwan kula yeeshay madax ka tirsan dawladahaa.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo wefdigiisa oo maanta xili danbe  kasoo  degay madaarka magaalada Hargeysa waxa halkaa   kusoo  dhaweeyay madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Guurtida  Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiye Ku xigeenada koowaad iyo labaad ee Golaha Wakiilada, xubno badan oo ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland, siyaasiyiinta Hoggaanka  xisbiga tallada haya ee KULMIYE iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu  shir jaraa’id ku qabtay qolka VIP-da ee Madaarka Hargeysa, wuxuuna saxaafada uga  waramay midhihii socdaalkiisa oo uu kusoo qaaday waxyaabihii ay ka wada hadleen madaxdii uu la kulamay.

sidoo kale wuxuu hadalkiisa kusoo qaaday  arrimaha shir lagu heshiisiinayo kooxaha Somalia iyo mawqifka Somaliland haddii beesha caalamku codsato inay somaliland kooxahaa heshiisiiso, taas oo lagu weydiiyay su’aal la xidhiidha arrimahaa, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo oo ugu horayn ka hadlaya safarkiisa   yidhi,  “Safarkayagii aanu ugu maqnayn dalka dibadiisa ayaanu maanta ka soo guryo noqonay, safarkayagaas waxaanu sii marnay oo aanu ku horaynay dalka aynu jaarka iyo Saaxiibka nahay ee Itoobiya, halkaas oo aanu kula kulanay Madaxdaxdiisa iskuna aragnay. Intii aanu ku sugnay dalka Itoobiya waxaanu la kulanay Raysal Wasaaraha dalkaasi Males Zanawi, si aad iyo aad u heer saraysa oo aad u heer saraysa oo saaxiibtinimo ay ka muuqato ayaa naloo qaabilay oo naloola shiray, waxyaabo badan oo ku saabsan ama saameeya maslaxadda iyo danaha labada wadan (Somaliland iyo Itoobiya) iyo guud ahaan mandaqadaba ayaanu ka wada hadalnay, si wanaagsan oo aad u fiicanna waanu isula afgaranay.”
Madaxwayne Siilaanyo waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Arrimo door ah ayaanu ka wada hadalnay Raysal Wasaaraha Itoobiya, hadday tahay dhinaca wada shaqaynta, ilaalinta nabadgelyada mandaqada, arrimaha siyaasadda, arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha iyo hadday tahay wax wada qabsiga intaba.”
Madaxwaynaha Somalialnd sidoo kale waxa uu faahfaahin ka bixiyay safarkiisii uu ku tagay dalka Ingiriiska iyo kulamadii uu ku yeeshay halkaas. Wuxuuna isagoo safarkiisa ka hadlaya  yidhi,  “Waxaanu tagnay dalka Ingiriiska oo aanu marti qaad ka haysanay, halkaas oo aad iyo aad si laxaad leh naloogu soo dhaweeyay. Waxaanu la kulanay madaxda dawladda Ingiriiska qayb ka mida ah, waxaanu la kulanay Rugta Ganacsiga, Maalqabeenka iyo ganacsiga danaynayay ama xiisanayay ee marti qaadka noo fidiyay iyo qaar kale oo ay u yeedheenba.”  Madaxwaynuhu isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu kulan ku yeelanay oo aanu ka hadalnay meesha la yidhaahdo Chat-Ham House, halkaas oo badiba madaxda ka timaada dunida kale martiqaad loogu sameeyo oo ay isugu yimaadaan dadka wax garadka ah iyo siyaasiyiinta oo halkaas lagu soo bandhigo marba waxa uu la socdo qofka halkaa maraya ee ah masuuliyiinta wadamada kale ka yimi ah, halkaasna aad iyo aad ayaa naloogu soo dhaweeyay.”
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa kale oo uu sheegay in uu la kulmay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska kuwaasi oo ku qaabilay martiqaad heerkiisu sareeyo, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Jaaliyadda Reer Somaliland ee degan dalka Ingiriiska iyaguna meelkasta way isaga yimaadeen, waxay noo sameeyeen martiqaad aad iyo aad u wayn waxaanay noo qabteen xaflad ballaadhan oo meel kasta la isaga yimi, taas oo farxad iyo fursad noo ahayd in aanu la kulano, waxaanuna uga warannay xaaladda dalku ku sugan yahay, waxaana ka muuqatay in ay aad u xiisaynayaan dalka mustaqbalkiisa iyo aayihiisa intaba.” Axmed Siilaanyo waxa uu intaa raaciyay oo uu yidhi,  “Waxa intaa noo dheeraa in aanu saxaafadda, Hay’addaha iyo ashkhaasta kaleba ee danaynaya Somaliland,  ama doonaya inay wax la qabsadaan,  ama masaalax ku leh ay nala kulmayeen oo aanu arkaynay, mar ay heerka weftiga oo dhan tahay iyo mar ay heerer kala duwan tahay intaba oo raggii ila socday ee weftiga ka mid ahaa ay la kulmayeen, markaa muddadaa labaatanka cisho ah ee aanu dibada ku maqnayn waxaan u arkaa in ay ahaayeen mid waxtar wayn u lahayd dalka sumacaddiisa iyo mustaqbalka Somaliland, wax wayna u soo kordhisay oo aanu rajaynayno in mustaqbalka ay noqdaa meelaha ay inooga soo kordhaan wax wada qabsi, midh dhaqaale mid siyaasadeed iyo mid nabad gelyo intaba.”
Madaxwaynuhu waxa uu si gaar ah dhambaal mahad naq ah ugu diray Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay in aan halkan mahad naq ballaadhan uga celiyo jaaliyaddii reer Somaliland ee halkaas sida wayn noogu soo dhawaysay iyo dadka intii kale ee halkaa noogu yimi intaba mahad naq ballaadhan ayaan u dirayaa, waxaanan leeyahay waad mahadsan tihiin.”
Madaxwayne Siilaanyo waxay weriyayaasha ku sugnaa madaarku weydiiyeen su,aalo la xidhiidha, kuwaas oo u dhacay sidan;- 
S:  Madaxwayne maxaad ka wada hadasheen Raysal Wasaaraha Itoobiya, qodobada heshiiska aad wada gaadheen wax ma nooga sheegi kartaa?
J: Dawladda Itoobiya waanu wada hadalnay, wada hadalka iyo heshiisyada aanu gaadhnay may ahayn heshiisyo aanu kala saxeexanaynay oo qodabaysan, laakiin waxaanu ka wada hadalnay dhinaca arrimaha siyaasadda, nabadgelyada mandaqada, wada shaqaynta, dhaqaalaha iyo ganacsiga is waydaarsigiisa, waxa kale oo aanu ka wada hadalnay Dekeda Berbera sidii ay u isticmaali lahaayeen, tallooyin iyo arrimo badan oo ku saabsanna way naga siiyeen arrimaha loo baahan yahay in aanu qabsano si aanu hore ugu sii tallaabsano in aanu ictiraaf helno ama aanu Africa wax la qabsano, tallooyin badan oo wax ku ool ahna way naga siiyeen.

 

S: Madaxwayne hawsha nabadaynta Soomaaliya ee lagu warwareejinayo dalalka Deriska, ma laga yaabaa in aad Somaliand shir ugu qabato Soomaaliya
J: Waxay ila tahay Somaliland marka ugu horaysa Soomaali inaga soo codsatay in Somaliland shir loogu qabto ma jirto, midda labaad  ilaa inta ay ku dacwoonayaan in Somaliland waa qayb ka mida Soomaaliya, arrintaasi waa mawduuc taagan, laakiin haddii aynu Somaliland nahay mar walba diyaar ayaanu u nahay in aanu mujtamaca Soomaaliyeed wax la qabano . diyaar baanu u nahay wixii nabad gelyo ku soo dabaalaya mandaqada wixii aynu la qaban karno la qabano. Laakiin waxaan doonaynaa inaynaan marnaba ku milmin oo u muuqan inaynu nahay qeyb ka mid ah Soomaaliya.

 

 

 

 

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *