Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa faahfaahin ka bixisay Diyaar kuwa rakaabka qaada  oo nooceedu yahay ANTIANOV/36, oo maanta lagu dejiyay madaarka caalamiga ah ee Hargeysa. Ka dib markii  Diyaaradaa looga shakiyay inay qalab iyo saanad milateri u siday maamul goboleedka

Puntland ee Somalia. sidaana waxa galabta u xaqiijiyay warbaahinta Wasiiradda arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Warfaafinta C/llaahi Geel-jire oo shir jaraa’id wada jir ugu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.
Wasiirka Arrimaha gudaha Dr. Gaboose ayaa sheegay in waraaqaha diyaaradda ay ku qorantahay inay madaarka Uganda kusoo martay transit, isla markaana  u socoto Puntland, iyadoo waraaqaha ay ku qorantahay inay sido Dhar iyo qalabka gawaadhida, waxaana saarnaa 2 nin oo South African ah iyo 6 Nin oo Ruush ah.
Dr. Gaboose waxa uu sheegay inay is waafiqi waayeen qoraalkii waraaqaha Diyaaradda iyo wixii lagu arkay, waxay ka galeen shir waxayna talo ahaan noogu soo jeediyeen in baadhitaan dheeraad ah laga galo, taasna waa la aqbalay, waxaana raggaa la dejiyay Hutelka Ambassador, waxaana la raacayaa baadhitaanka caalamiga ah ee shuruucda dawliga ah. Ayuu yidhi. Dr. Gaboose, wuxuuna intaa ku daray inay galabta bilaabmeen sidii loola xidhiidhi lahaa cidii lahayd , meesha ay u socotay iyo waxay tahay, waxaana la baadhayaa shandadaha saaran, kama hor dhacayno inta baadhitaanku soo baxayo.
Wasiirka warfaafinta C/llaahi geel-jire oo ka hadlay arrintaa ayaa yidhi, “waxanu waa waxyaabihii aanu maalmahan ka hadlaynay, waxayna arrintani xusuusinaysa Somaliland, waqtigii halganka Dawlad Carbeed oo Diyaaraddo dagaal  iibisay oo South African soo kexeeyay oo Hargeysa lagu bamgareeyay oo dadkan lagu laayay, waana arrin aanu canbaarayno. Aduunkuna wuu nagala soo xidhiidhay wixii soo baxana waanu soo bandhigaynaa.”

Sidoo kale Wasiirka duulista Hawada Maxamuud Xaashi ayaa dhiniciisa faahfaahin ka bixiyay diyaaraddaa, wuxuuna yidhi, “Marka la eego xaalada geeska Africa nabadgelyadeeda , waxa jira waxyaabo badan. Mana ahayn Diyaaradu mid sharci ka haysta Hawada  Somaliland, waxayna dalbadeen inay markii lala hadlay u baahan yihiin shidaal, iyagoo u haysta inay Somalia ku jiraan. Kadibna waxa lasoo fadhiisyay Madaarka, waxaana loo yeedhay ciidanka amaanka, markii baadhitaanka la bilaabayna waxa soo baxay waxyaabo shaki leh. Sida iyadoo aan sharci haysan  iyo iyadoo lagu arkay waxyaabo shaki keenaya, waxaana la ogyahay inay Somalia mamnuuc ka yihiin waxyaabaha hubka oo cunaqabatayn caalami ah ka saaran tahay. Allaabtaa dirayska iyo waxyaabaha kale ee soo baxa waxaanu kasoo saari doonaa go’aan xukuumad ahaan, kama hor dhacayno.” Ayuu yidhi, wasiirka duulista Hawada Somaliland.
Diyaaradda ayaa la rumaysan yahay inay qalab milateri u sido maamulka Puntland, iyadoo ay maalmihii lasoo dhaafay soo baxeen inay halkaa ka socdaan tababaro dhinaca milateriga ah oo ay ka wado shirkad laga leeyahay dalka Uganda oo dawlad carbeed oo aan weli la shaacini malaayiin dollar ku bixisay dhismaha ciidan loo tababaryo maamulka Puntland, iyadoo ay jiraan warar sheegaya inay Diyaaradu sido shixnad saanad iyo qalab milateri ah oo qayb ka ah hawsha shirkada shisheeye ka wado maamulka Puntlan

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *