Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka. kadib markii ay  booqasho  afar todobaad qaadatay kusoo mareen  wadamada Ethopia iyo Britain. Madaxweynaha iyo wefdigiisa  ayaa kasoo degey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee

Cigaal International Airport labadii duhurnimo ee  maanta.
Soo dhoweynta wefdiga Madaxweynaha ayaa  subaxnimadii hore diyaargarawgeeda laga dareemayay Magaalada hargeysa, waxaana madaarka tegey subaxnimadii hore Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Ismaaciil Seylici, shir gudoonada labada gole oo uu hogaaminayay  Gudoomiyaha  Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Gudoomiyaha Xidbiga mucaaridka ah ee UCID, masuuliyiin iyo dad weyne tiro badan, kuwaas oo ku dhowaad lix saacadood sugayay wefdiga madaxweynaha oo dib u dhacay waqti dheer, isla markaana ku jactaday madaarka.
“Subaxnimadii hore sideedii ayaa nala geeyay wasaaradda warfaafinta, waxaana nalagu guray Bas, anagoo aad moodo inaanu nahay shaqaale wershed u shaqo tegaya, waxa naloo sheegay in sideeda subaxnimo uu imanayo wefdigu. Laakiin hada saacadu waxay dhaaftay kowdii dhurnimo welina ma hayno wefdigii madaxweynaha oo waanuku jactadnay, waxaanse ka naxay oo aanu wax la qabnaa oo halkan ka muuqda madaxweyne xigeenkii,  gudoomiyihii guurtida, gudoomiyihii UCID, iyo masuuliyiin kale oo iyaguna xiligaa yimi.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah suxufiyiinta madaarka tegey saaka. 

 

 

Safarkii kan ka horeeyay ee madaxweyne Axmed Siilaanyo bishii hore booqashadiisii u horaysay ee uu ku tegey Djibouti ayaa sidan oo kale soo dhowayntiisa dadku ku jactadeen madaarka, sidoo kale dadweynaha ayaa maalintaa aad uga cadhooday markii ay ciidamada amaanku xidheen wadooyinka iyadoo aanu wefdiga madaxweynuhu soo dhowayn, taas oo abuurtay cidhiidhi iyo saxmad, isla markaana dhinaca biritikoolka iyo nidaamka ayaa buuq iyo habacsanaan ka muuqatay madaarka dhexdiisa,  balse abaabulka soo dhowaynta maanta wadooyinka Magaalada hargeysa ayaa iska furnaa oo aan loo xidhin sidii maalintii hore,  inkasta oo ay ciidamada amaanka iyo kuwa wadooyinku subaxnimadii hore yimaadeen, isla markaana nidaamka soo dhowaynta iyo biritikoolka ayaa ahaa mid habaysan marka loo eego maalintii  hore ee safarka madaxweynaha, iyadoo  qorshaha suxufiyiinta ka socday warbaahinta ee ka   qayb gelayay  soo dhowaynta wefdiga madaxweynaha  uu maamulayay Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Faysal Cali  Sheekh ayaa ahaa mid qorshaysan oo loo baahnaa. Laakiin waxa aad u kala fogaaday waqtiu yimaadeen iyo xiligii ay halkaa tageen masuuliyiinta iyo dadweynaha doonayay inay soo dhoweeyaan madaxweynaha iyo wefdigiisa.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa qolka nasashada kula hadlay saxaafada, isagoo ka waramay socdaalkiisa, halkaas oo ay weriyayaashu su,aalo ku weydiiyeen.   Hadalka madaxweynaha iyo jawaabaha uu ka bixiyay su’aalihii la weydiiyay kala soco shebekada Araweelonews

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *