Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu Hoggaaminayo oo saaka subaxnimadii hore  ku tagay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ayaa ka qaybgalay xaflad loo sameeyay in ku dhow laba boqol oo Arday oo dhamaystay lix kuliyood

 

oo qaybaha Jaamacadda Camuud ah.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa qaar ka mid ah dadweynaha Gebilay saaka ku salaameen weedho cabashooyin ah, kuwaas oo qaarkood sheegayaan inuu ka baxay balanqaadyadii xiligii Ololaha.
Weftiga Madaxweyne Siilaanyo waxa socdaalkiisan Magaalada Boorame ku weheliya Marwada koowaad Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde, Wasiiro, Xildhibaanada Goleyaasha Baarlamaanka (Guutida iyo Wakiiladda). Waxaana duleedka degmada Dilla si diiran ugu soo dhaweeyay Boqolaal dadweyne ah iyo masuuliyiinta Maamulka gobolka Awdal.

Muuqaalka madaxweyne Siilaanyo oo banaanka duleedka Dilla ay kaga horyimaadeen Salaadiin uu ka mid yahay suldaan Jaamac Samatar oo gacan qaadaya salaan Madaxweynaha iyo dadweynaha deegaankaa  oo wadada caleemo qoyan kusoo dhowaynaya.

Markaa kadib Madaxwweyne Siilaanyo  ka qeyb galay xaflad balaadhan oo ay ku qalin jabinayeen 192 arday oo wax ka bartay Jaamacadda Cammuud ee Magaalada Boorame, kuwaas oo ka baxay lix kuliyadood oo ay ka mid yihiin Caafimaadka, dawooyinka, Beeraha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo Xisaabaadka. Wuxuuna  hadal uu  xafladaa ka jeediyay ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay ka qeyb galka xafladan ay ku qalin jabinayeen ardayda ku dhow 200 ee arday, isagoo ugu baaqay inay dalkooda u shaqeeyaan oo ay aqoontooda uga faa’iideeyaan bulshada. Wuxuuna xusay  inuu ka mid ahaa dadkii ka qalin jabiyay Dugsigii sare ee Camuud, isagoo  maamulka Jaamacada ku ammaanay horumarka ay ka sameysay jaamacaddu dhinaca waxbarashada dalka, isla markaana  balan qaaday inay  xukuumaddiisu dhiiri gelinayso tayaynta waxbarashada sare.

Muuqaalka sawirkan ayaa ah dadweynaha deegaanka Dilla oo Madaxweyne Siilaanyo  ku qaabilay Caleemo qoyan

Sidoo kale Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guulleed, oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaa ayaa waramay sooyaalkii waxbarasho ee jaamacada Camuud, wuxuuna uga mahad celiyay Madaxweynaha ka qeyb galka xafladan.ugu dambayn, iyadoo markaa kadib Madaxweynuhu shahaadooyin gudoon siiyay Ardyadaa.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxa maanta qadoo sharaf ugu  sameeyay  Huteelka Rays Maamulka Jamaacada Camuud, halkaas  oo Madaxweyene Siilaanyo iyo waxgaradka gobolka Awdal ku dhexmareen wada hadalo la xidhiidha sida ay wararku sheegayaan ilaalinta nabadda iyo sidii meel looga soo wada jeedi lahaa wada jirka ummadda reer Somaliland.


Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefdigiisa ayaa galabta soo gaadhay magaalada Gebilay oo saaka cabashooyin lagala hor yimi, balse ay xaaladu iska degtay, isla markaana wararka magaalada gebilay aanu ka helay  ayaa sheegaya in Madaxweynahu markii uu soo laabtay galabta aad loogu soo dhoweeyay magaalada gebilay, isagoo socod ku dhexmaray wadada weyn ee magaalada, halkaas oo dadweynuhu u muujiyeen soo dhowayn balaadhan, iyadoo wefdigu  caawa  u hoyanayo halkaa, isla markaana  ay u qorshaysan tahay inuu madaxweynuhu   kulmo la yeelan  doona Odayaasha iyo waxgaradka gebilay. Ciidamada Booliska ayaa la sheegay inay saaka xidhxidheen dhawr qof oo lagu eedeeyay inay wadeen rabshado, waxayna wararka qaar sheegayaan inay kooxda la xidh xidhay ay ka mid yihiin saraakiil xisbiga Kulmiye oo oo deegaanka gebilay ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *