Hargeysa(ANN)Garabyada uu  xisbiga mucaaridka ee UCID u kala jabay ayaa saaka dagaal ganac ka hadal ahi ku dhexmaray xarunta guud ee xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa. Kadib markii ay labada Garab ee ay kala hogaaminayaan Gudoomiyihii hore ee xilka laga qaaday Faysal Cali Waraabe iyo

Garabka uu sheegay inuu xisbiga ka eryay ee uu higaaniyo gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Ciro ku kulmeen halkaa, iyadoo koox waliba doonaysay inay xafiiska furato.

Masuuliyiinta Labada Garab ee UCID, ayaa isku adeegsaday  Feedh iyo inay isku shiidaan wixii ay heli karayeen ee xarunta yaaley, balse ma jiraan ilaa hada inay dhaawacyo soo gaadheen labada dhinac.  laakiin  sida ay dad goob joog ahi u sheegeen shebekada Araweelonews waxa labada dhinacba gaadhay jugo, waxaana markiiba goobta soo gaadhay Ciidaamadda kala duwan ee Booliiska kuwaas oo la wareegay xarunta xisbiga.
Dad baddan oo qaarkood yihiin taageerayaasha labada dhinaca iyo dad kale oo wadada marayay ayaa goobta yimi, taas oo saxmad iyo xamaasad hor leh ka abuurtay halkaa. Laakiin Booliska ayaa ku guulaystay inay deg deg u yimadaan xaruntaa oo ay gebi ahaanba ka saareen labada garab ee isku haysta, kuwaas oo loo sheegay inay debeda kusoo heshiiyaan, ama ay  khilaafkooda dhinaca sharciga ula baydhaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay ciidanka boolisku xabsiga u taxaabeen dhawr qof oo la socday labadaa kooxood ee isku haysta hogaanka xisbiga UCID.
Dhacdadan ayaa khilaafka labada garab ee xisbiga UCID sii kordhinaysa, taas oo maalmahan soo jiitamaysay. Kadib markii ay warbaahinta isku weerareen, iyadoo koox waliba dhinaceeda sheegatay inay xilka ka qaaday hogaankii xisbiga, isla markaana magcawday hogaan iyo gudiyo cusub.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *