Hargeysa(ANN)Madaxweynihii hore ee Somaliland,  isla markaana ah  Guddoomiyaha xisbiga  mucaaridka UDUB.  Daahir Rayaale Kaahin, ayaa si cad u sheegay inuu laalay

 

musharxnimadii garab ka mid ah xisbigiisu hore ugu shaaciyeen murashaxnimdii madaxweynaha  marka la gaadho doorashada Madaxtooyadda Jamaal Cali Xuseen, taas oo muran iyo khilaaf ka abuurmay oo kala qaybiyay hogaanka xisbiga dacwad ka dhlatay maxakamadda sare go’aan kasoo saartay maalmihii lasoo dhaafay.
Gudoomiyaha UDUB, Daahir Rayaale oo tan iyo intii lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada 2010, aan warbaahinta  lagu arag, wuxuu shirkiisa jar’aaid  oo ahaa kii u horeeyay ee uu qabto labadii sanadood ee ka danbayeeyey markuu xilka wareejiyay ku qabtay maanta gurigiisa, wuxuuna  sheegay in  murashaxiinta xisbiga ee madaxtooyadda la xuli doono doorashada goleyaasha deegaanka ka dib haddii xisbigu uu ku soo baxo, isagoo soo dhaweeyay go’aankii maxkamadda sare oo uu ku tilmaamay mid kama dambays ah.
Daahir Rayaale wuxuu sheegay in la laalay dacwaddii Guddoomiye Ku xigeenkiisa,  isla markaana la aqbalay doodiisii,  isagoo yidhi,  “Maxkamaddu waxay soo saartay waa kama dambays dacwadii guddoomiye ku xigeenkaygu qoray waa la diiday, tii aan Kaga Jawaabayna waa la aqbalay horta halkaas ayay  ku dhan tahay, wax  dambe oo la sii baadho oo loogu noqdo malaha, mar haddii wixii uu qadimay la diiday. wixii aanu qadimayna la aqblay maxkamaddu waa faynal wax loogu noqdaana ma jiro.”
Mr. Rayaale, wuxuu sheegay  in warqaddii wakaalashadda ahayd ee uu usoo qoray ku xigeenkiis markii uu dalka ka maqnaa aanay ku jirin qodobadii uu u igmaday wax ka bedelka xeerka iyo samaynta murashaxiinta, isagoo arrintaa ka hadlayana,  wuxuu yidhi,  “Anigaa idiin sheegayee warqaddii aan soo qoray xeerka Xisbiga UDUB,  in wax laga badelo may ahayn,  in musharixiin la sameeyo kumay qornayn,  sidaasay wax ka soo qaad la’aan u tahay.”
“Xisbigan waa xisbigii dimuqraadiyadda Somaliland, waxaana aasaasay madaxweynihii jihadda u sameeyay Somalilnad (Maxamed Xaaji Cigaal), waxaanu xisbigani ka koobnaa xisbiyadii xoriyada ka qaatay Ingiriiska ee SNL, USP iyo NUF, xisbigani waxa uu ahaa mid bahweyn ah oo ummadda oo dhani ku suntan tahay,”ayuu Yidhi Guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale.
Daahir Rayaale wuxuu ku faanay inuu doorashadooyinkii u horeeyay dalka ka qabtay, isagoo yidhi, ”Fikirkii madaxweynihii hore ee Cigaal waxa uu ahaa in aanu dalkani ku jiri Karin shir beeleed oo loo jiheeyo dimuqraadiyad si beelnimada uga baxno, markii uu geeriyooday Ana banaanka ma dhigin ee sideed bilood oo ka hadhsan yahay doorashaddii ayaan hirgaliyey doorashadda, doorashadii u horaysay oo dad badani ka cabsi qabay oo is waydiinayey ma qabsoomaysaa mise ma qabsoomayso ayey dhacday oo si fiican u hirgashay.”
“xisbigani xeerar buu leeyahay ninkasta oo murma xeerkaasi uun baa la raacayaa, xisbigu isagoo qaybsan baan imid waxaan isku dayey in aan murankaa joojiyo  wax ka bedel bay arrimahaasi musharaxnimada ah u baahan yihiin, kuwaas  oo ah meesha khilaafku ka dhashay,  loomana raacin xeerka xisbiga, gudoomiye ku xigeenkaygu waxa uu liis u gudbiyey guddida diiwaanta wayna ku soo celiyeen oo waxay yidhaahdeen kol hadii uu gudoomiyuhu joogo awood uma lihid”ayuu yidhi Daahir Rayaale oo tilmaamaya xudunta muranka.
Gudoomiyaha mucaaridka UDUB, waxa la weydiiyay siyaasada xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sida uu arko, wuxuuna sheegay in isaga markii uu Madaxweynaha ahaa qaabkii loola dhaqmayay ee Kulmiye dhaliisha u marinayeen saxaafada aanu u marinayn ee wixii talooyin ah iyo wixii dhaliil ah uu Madaxweynaha u sheegayo isagoo aan saxaafada u marinayn. Sidaa awgeed aanu warbaahinta  kala hadlayn madaxweyne Siilaanyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *