Hargeysa(ANN) Kooxo Dhalinayaro ah oo ka mid ah Ardayda wax ka barata Dugsiga tababarka Caafimaadka ee magaalada Hargaysa ayaa mudaharaad cabasho ah maanta la hortagay wasaaradda caafimaadka Somaliland, kaas oo markii danbe isu rogay rabshado

saamayn ku yeeshay hawl socodkii wasaaraddaa, waxaana boqol ku dhawaad arday oo kamid ah ardayda wax ka barata Machadkaasi jejebiyeen agab iyo gaadiid ay wasaaraddu leedahay oo ay khasaare u geysteen.
 
Ardaydan ayaa ka gadooday qorshe wasaaradda Caafimaadku ku dhimayso tirada arday muddo laba sanno ah wax ka baranaysay Machadkaas, kuwaas  oo tiradoodu dhamayd 180 arday, waxaanay wasaaraddu sheegtay inay  qaadi karto 50 arday oo kaliya, taas oo keentay inay Aradaydu ka cadhoodaan.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed iyo wasiir ku xigeenkiisii Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa labaduba safar shaqo ugu maqan gobolada bariga Somaliland, halkaasi oo ay ku qiimaynayaan xaaladda iyo heerka adeegyada caafimaadka ee goboladaasi.
“Laba sanno ayaanu dhiganaynay Machadka tababarka caafimaada ee Hargaysa, iyada oo wakhtigii aanu ku qalin-jabinaynay ay nooga hadhsantahay hal sanno oo keliya, ayaa waxaa noo yimi nin la yidhaahdo Dr. Shiine oo la sheegay in uu yahay madaxa tababaradda ee wasaaradda caafimaadka, wuxuu nagu yidhi tirada ardayda waanu dhimaynaa oo 180-kiina arday waxaanu ka soo reebaynaa 50 arday, 130-ka kalena waa la dhimayaa, taasina way noo cuntami wayday waayo laba sanno ayaanu wax dhiganaynay oo aanu ku kalahaynay oo kharash naga baxayay oo Mahcadka oo dawli ah aanu haddana bil walba bixinaynay 25 dollar oo baskii iyo kharashaad kaleba noo dheer yihiin, arrintaasi waxay nagu noqotay arday ahaan fajaciso iyo layaab, waxaanay noqotay arrin aanu qaadan kari waynay, taas ayaana sababtay markii aanu xal kale waynay in aanu cabasho la hortagno wasaaradda, markii aanu wasaaradda tagnayna waanu waynay cid nala hadasha oo naga qancisa tabashadayada, taasina waxay sababtay in ay ardaydii gadoodo xaaladuna ay faraha ka baxdo. waxaan leeyahay maaha wax caqliga saliimka ahi qaadan karo arday laba sanno wax soo baranayay, wahtiga intaa leeg kharash soo bixinayay, oo maanta qalin jabin sugaya in lagu yidhaahdo waa lagu dhimaye iska taga sabab la´aan.” sidaa waxaa ku tiraabtay mid kamida ardayda Machadkaas wax ka barta ee uu saamaynta ku yeeshay go´aanka wasaaradda caafimaadku.
 
 
Ciidanka Booliska oo waxyar  kadib soo gaadhay xarunta wasaaradda, waxaanay qabqabteen qaar kamida ardaydii cabanaysay, inkasta oo markii danbe ay sii daayeen, markii xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada oo ka soo jeeda xisbul xaakimka ay ardaydaasi ku booqdeen saldhiga, kadibna booliska ay ku qanciyeen in ardaydaasi la sii daayo.
 
 Qaar ka mid ah Ardaydii la xidhay ayaa la soo daayay,  waxayna  saxaafadda u sheegtay in Boolisku qaab xun ula dhaqmeen markii ay qabqabanayeen arday, waxaanay intaa ku dartay in boolisku  la dhaceen  qoryihii ay siteen dabadooda,  isla markaana ay garaaceen dhamaan ardaydii oo ay gacanta ku dhigeen, iyagoo sidoo kale  halkaa ka qabtay  xubno suxufiyiin ah oo dhacdadaasi duubayay. waxaana jira dhaawacyo soo gaadhay qaar kamida ardaydii mudaharaadaysay iyo suxufiyiin halkaas ku sugnaa.
 
Mudaharaadkaa ayaa kusoo beegmay xili ay Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiir ku xigeenku ka maqnaayeen safar ay ugu kuurgelayeen xaalada caafimaadka ee gobolada Bariga. Sidaa awgeed ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay wasaaradda caafimaadka iyo xukuumadda dhexe ee Somaliland oo ku saabsan dhacdadaas. waxaana ka gaabsaday arrintaa in uu tafaasiil ka bixiyo agaasimaha guud ee wasaaradda caaafimaadka oo ku sugnaa wakhtigaa xarunta wasaaradda.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *