-
Published On: Sun, Nov 7th, 2010

Muran Iyo Khilaaf Ka Dhashay Joojinta Filim Laga Samaynayay Taariikhdii SNM

Smiley face
Share This
Tags

 Hargeysa(ANN) Muaran iyo Khilaaf ayaa ka taagan masuuliyadda cidda joojiyey filim laga samayn lahaa taariikhda SNM, iyada oo maamulaha filimkan Keyse Cumar Cabdi uu wasaaradda warfaafinta ku eedeeyey inay diyaarinta filimka joojiyeen, halka

wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Cismaan Geeljire uu beeniyey inay joojiyeen diyaarinta fililimka taariikhda SNM.
Wasiirka Warfaafinta Jaamac Cismaan Geel-jire oo shalay Jamhuuriya u waramay, ayaa shaaca ka qaaday in aanu horjoogsan filim la sheegay in lagu soo bandhigaayey taarikhda SNM, isagoo wasiirku intaa ku daray inuu filimkaasi yahay mid aan si dhammaystiran loogu soo bandhigay dhacdooyinka taariikhdii SNM, balse uu yahay mid lagu matalaayo inay qayb ka mid ah uun xorraysay dalka.
Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in uu wasiir ahaan isagu dhexdhexaadinaayey qolada filimka wadatay iyo qoyska uu ka soo jeedo Cabdi Jaamac oo ka mid ahaa wiilkii wax ku lahaa fikradan lagu mataalayo isla markaana wax ka qoray sheeda buuggan filimka laga matalaayo, waxaannu yidhi isagoo ka hadlaayo wasiirku; “Haddaan idinka warramo sheekadan qolada filmka samaynaysay, waa arrin dad gaar ahi wateen oo ku salaysan nin reer Somaliland ah oo ku dhashay Alle ah u naxariistee Cabdi Jaamac la odhan jiray uu sameeyey oo ku saabsan taariikhdiisi, isagoo yar qoyskoodii ay Faqashtii laysay, dabadeed gaalado halkan muddo dheer ayey ku soo noqnoqonaysya si ay filimkan u dhamaystiri lahaayeen. Markii iminka ugu dambaysay ee wax waliba u soo diiyaar garoobeen, ayaa qoyskii inanku ka dhashay oo odayaal ah oo ay ka mid yihiin Baxsane, mulkiilaha hoteel Imperial Xasan iyo odayaal badan miisan leh oo la socda, way ii yimaadeen oo waxayiI yidhaahdeen ninkaa dhintay xaqbaa ka maqan ee gaalada na dhexdhexaadi. Sidaasan gaalada iyo qoyskii ku dhexdhexaadiyey, qoyskana anaaga ka wakiillay yidhaahdeen.
Xaqii heshiiska ugu qornaa in ka badan ayey gaaladii ogolaatay oo anigu ka hadli maayo tirooyinkaas oo dadbaa gaar u leh, laakiin waxaan caddaynayaa in wixii ugu qornaa heshiiska wax ka badan ay ogoladeen, qoykuna halka ay qabsadeen waxa weeyaan buuggan uu ninka gaalka ahi sheegano inuu Cabdi la qoray. Markaa intii la siiyey in leeg in la siiyo ayey ku doodayaan, gaaladiina way ogolaatay inay bixiyaan, laakiin may gaadhsiin halkay qoysku doonaayey, dabadeedna markii qoyskii diiday gaaladii waxay yidhaahdeen noo ogolaada bari iyo saadambe inaanu filimkii samayno, haddii kale khasaareenu galaynaa, tiina waanu u bandhignay qoyskii inay labada cisho siiyaan, qoyskiina waxay yidhaahdeen annaga oo waxayagii na la siiyo oo meel la dhigo mooyaane oo caddaalo-darro ayey noqonaysaa haddii nimankani ay bilowdaan arrintani oo nin dhintay oo muwaadin Somaliland ah ayaa xaqiisi lumayaa, dabadeeto waxaan anigu waxaan idhi hadduu arrinkani arrin private-da yahay waan-waantii aanu idinku dhexdhexaadinaynay uu istaagay, wixii kale ee idiin bannaani waa maxakamadaha sharciga oo idin kala xukumaaya. Maxakamadda qaranku ciddii ay u soo ogolaatana anagu waanu u fulinaynaa, maxakamaduhuna waa saddex darajo ciddii laga xukumaa waxa u bannaan inay abiil qaadato, dabadeeto waxay yidhaahdeen qolaadii galada ahayd anaga taasi waa nagu khasaare oo ma joogi karayno lacagna uma hayno, waxayagii waanu iska daynaynaa oo waanu tagaynaa, horta sidaad ayey ku gaadheen go’aanka gaaladu inay tagto.
Su’aal: – Keyse waxa uu sheegay in intii aad arrinkooda ku jirtay Wasaaradda Warfaafinta dhexdeeda adiga oo la jooga Baastoolad lagu qabtay arrintaasi siday kuula muuqata?
Wasiir Geel-jire: – Wax alle wax nabadgelyo darro oo wasaaradda dhexdeeda lagaga sameeyey ma jirto waana beentii, waxaan maqlay markii aanu kala dareernay, inamo qoyska inanku ka dhashay ka soo jeeda ay dabadda wax ku yeelen booliski wasaaradda noo jogayna way qabteen, ninkiina waa la xidhay askartu waxay ii sheegeen inaanay jirin wax baastoolad ahi ee ay bud ahayd, taasina waxay ahayd arrin ka dhexaysay iyaga iyo qoykii uu inanku ka dhashay. Wasaaradda ciidan badan baa noo jooga oo hub lalama soo galo, cidi kuma dagaalami karto, Keysana gaalada uunbuu turjumaanbuu u yahay, wax kale oo uu qiimo u leeyahy anagu garan mayno, gaaladaanu aniguma wada hadlaynay, wuxuu yahayna garan mayno, gaaladuna waxay leeyihiin soo saaruu noo yahay (Producer), iminkuunbaan jaraa’idka ku arkay isagoo leh soo saarihii filimkaan ahay.
Su’aal: – Waxaad sheegtay inay hawshani arrin gaar loo leeyaay, dhanka kale haddii aynu ka eegno qiimo intee leeg ayey u leedahay soo bandhigida amma uruurinta taariikhda SNM iyo xukuumad ahaanba?
Wasiir Geel-jire: – Waxay inoo ahaan lahayd sharaf weyn oo caalamku inoo aqoonsado oo magaceenu meel sare ku gaadho oo inankaa dhintay magaciisu meel sare ku gaadho, laakiin arrin dad gaari leeyihiin bay naga dhex gashay, Documentary uun maahee waa lagu matalayaa inay SNM qayb Somaliland ka mid ah xoraysay oo waa film khiyaalibana ku jiraaya, laakiin midhadh run ahi ku jiraan, sida ay u dhigayaana maaha oo taariikh SNM oo la baabiiyey ma jirto, waana been, qofkii doonayaa buuggiibaan hayaaye kaalay oo eeg.
Dhanka kale maamulaha filimkan Keyse Cumar Cabdi, ayaa sheegay in wasiirka warfaafintu uu gebi ahaanba ka joojiyey filimkii ay ka samaynaayeen SNM, isla markaana ay xukuumaddu damaanad qaadi wayday nabadgelyadoodii oo ay Maansoor ku xanibnaayeen intii ay joogeen. Waxa kale oo uu sheegay Kayse Cumar Cabdi in uu Wasiirka Warfaafintu ka qaaday lacag sharci-darro ah “Horta arrintani waxay ahayd inan reer Somaliland oo Cabdirashiid la odhan jiray oo soo qabanqaabiyey oo fikradeeda lahaa, siddeedsanana laga soo wada shaqynaayey, ayaan-darro inankuu oo geeriyooday, iyadoon hawshii si fiican loo bilaabin, annaga waxaa waajib nagu noqotay inaanu halkii ka sii wadno, waayo hawl qaran oo ina wada sugaysa.
Dawladdii hore warqadbay na siisay oo ahayd waanu idinla shaqaynaynaa, ilaa hadda warqad khaasa oo dawladda naga soo gaadhay ma jirto oo aan ahayn warqad la yidhi alaabta ayaanu idinku soo daynaynaa, alaabtaas oo ah tii aanu wax ku duubaynay. Markaa wixii dalka ka noqonayaa cashuur ma galaan, sidaasu Wasiirka Maaliyaddu noogu sheegay.
Lacagtaasi oo nalaga qaaday $7000 (toddoba kun oo dollar oo wasaarada warfaafinta naga qaaday, awasaaradda maaliyaduna waxba kama oga.
Ayaan-darro hawshaa qaran ee guud ee ahayd taariikhdii ummadda, ayaa waxay noqotay in la yidhaahdo lama shaqaynaayo ee waa la joojinayaa. Waxa jirtay inay Somaliland ahayd meel nabadgelyo lana yidhi Qaramadda Midoobay waxa uu geeyey 3aad derajada nabadgelyada, waxaanna ayaan-darro ah inaanay nabadgelyadaasi jirin oo aanu anaguna hudheelkan ku xidhnayn oo askar na raacdo mooyaane aanan dibadda u bixi karayn, waxay ku soo gebogeboowday inuu wasiirka warfaafintu yidhaahdo ma samayn kartaan, taas oo loo nisbaynaayo inankaa dhintay inan walaalo ay yihiin oo xuquuq sheeganaaya. Sida aynu ognahay caalamka nin iyo walaalkii isma dhaxlaan, laakiin anaga ixtiraambaa nalagu leeyahay. Waxaa nalagu xidhay lacag gaadhaysa $30,000 (Soddon kun) oo dollar ilaa adbixisaan halkaa kama soo bixi kartaan filimkana ma samayn kartaan oo uu noo soo jeediyey wasiirku ugu dambeyntii, labaatan kun oo dollar baananu ($20,000) khasaarnay,” ayuu yidhi Kayse Cumar Cabdi.

Jamhuuriya

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>