Maalin kasta waxaynu gelaynaa dhibaato, maalin kasta dhaqaaleheena ayaa khatar sii gelaya, maalin kasta nolosheena iyo ganacsigeena ayaa ku jira khatar hadaynu nahay bulshada aduunka. Dhamaan ururada ganacsiga aduunka, mulkiilayaasha maraakiibta,

Ururada bulshada, kuwa shaqaalaha, shirkadaha iyo Ururada  caymiska waa inaynu awoodeena u isugu geynaa sidii aynu isaga kaashan lahayn inaynu aduunka ka qabano khatarta iyo dhibaatada ay ku hayaan Budhcad-badeedu nolosha  iyo ganacsiga aduunka.  Sidaa waxa ku dooday wakiilo ka socda isbahaysiga shirkadaha, Ururada ganacsiga iyo burjuwaasiyiinta waaweyn ee aduunka oo muujinaya sida ay dhibaato ugu hayaan Budhcad-badeeda xeebaha Somalia. 
Waxayna ku dhawaaqayeen wakiiladaa qaarkood in la qaado  kaanbeyn dhamaan dawladaha waxa mihiim ah sidii mushkilada Budhcad-badeeda ee xaruntoodu tahay Somalia loo soo afjari lahaa. Qorshahaa waxa saxeexay ku dhowaad nus malyuun ka kala socday dawladaha aduunka. Kadib xuskii maalinta Ururka Badaha Aduunka 23 Sep, 2010.
Inta aynaan u gelin saamaynta ay ku yeesheen Afduubyada gaadiidka badda ee Budhacd-badeedu dhaqaalaha ganacsiga aduunka iyo dhinaca nabadgelyadaba, waxa lagama maarmaan ah inaynu iftiimino xiligii iyo bilawgii aasaaska kooxda budhcad-badeeda iyo dadkii aasaasay, marxaladihii ay soo mareen iyo xiligan halka ay marayaan.
Budhcad badeeda maafiyada ah ee ka ugaadhsada maraakiibta iyo Doonyaha marinka istiraatiijiga ah ee biyaha badda cas ayaa hada u muuqta mid si weyn dunidu uga qaylisay. Ka dib markii ay labadii sanadood ee u danbeeyay sameeyeen  in ka badan 1800 (kun iyo sideed boqol) oo afduub.  ,waxayna gebi ahaanba khalkhaliyeen marinka gacanka cadmeed iyo xeebaha soomaaliya ee u sii jeeda biyaha badweynta hindiya ee ay maraan gaadiidka u kala goosha dacalada aduunka, kuwaas
lasoco
 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *