Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab hordhaca ka bixisay dhawaaqa kooxda ku shiraysa deegaanka Taleex oo sheegay maanta inay isku raaceen yagleelida maamul goboleed cusub oo loo bixiyay,  “Darwiish land”, kaas oo sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka

 

shirkaa Aadan C/llaahi Shuuriye ay isku raaceen ergooyinka ka qaybgalay shirkaa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur (Caraalle (Duur) oo caawa ka hadlayay aragtida xukuumadda ee maamul goboleedka la sheegay in lagaga dhawaaqay shirka Taleex, uu sheegay in dhawaaqaasi yahay mid aan ficil loo roggi karin oo aan shaqaynayn, wuxuuna  yidhi, “ Runtii dee wax maamul ah oo laga samayn karaa marka caqliga la eego dhawaaq waa laga odhan karaa oo in wax la yidhaahdaa waa wax fudud, laakiin fulintiisu waa wax adag wax laga samayn karaana ma jirto, sababtuna waxa weeye waayo goboladaasi la sheegayaa waa gobolo Maamul Somaliland la yidhaahdaa uu ka jiro oo uu ka talliyo.”
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa ku tilmaamay dhawaaqaa mid dhiilo ah oo nabada uun wax yeelaya, isagoo yidhi,  “Mar haddii uu maamul ka dhisan yahay dhawaaqaasi waa dhawaaq dhiilo oo nabadda uun wax u dhimaya, laakiin waxa weeye waa erey aan af dhaafayn oo aan ficil loo rogi Karin marnaba sidaan u arko.”
“Dadka waa la eegi doonaa oo dhawaaqyada dambe ee ka soo baxa waa la arki doonaaye, laakiin waxa weeye bulshada afar qof iyo labaatan qof oo meel iskugu tagta iyo in qol qaadaa bulshada masiirkeeda ma matasho, ummaddu waxay ku tashato ee ay goosato lama diidi karo, laakiin intan imika dibada ka timid ee baritana dibada uun ku noqon doona ee ka yaaci doona Taleex ummadda ma matelaan. Inta ciida ku joogaysa ayaa xaq u leh inay masiirkooda ka tashato xaq u leh iyagaana nabadooda ka tashanaaya,”ayuu yidhi Maxamed Nuur Carraalle (Duur), oo caawa u waramayay laanta afsoomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

 

Dhinaca kale rayal caamka bulshada Somaliland ayaa markii ay maqleen dhawaaqa kooxda si weyn uga biyo diiday, iyagoo ku tilmaamay wax aan macquul ahayn oo soconayn, qaar ka mid ah dadweynaha gobolka Sool oo markii dhawaaqa ay maqleen lasoo xidhiidhay shebekada araweelonews ayaa ku tilmaamay waxa kasoo baxay shirkaa inuu yahay go,aan aan suurta gal ahayn ee waxyeelaya oo keliya nabada deganaanshaha gobolka, waxayna wax laga xumaado ku tilmaameen inay shaqsiyaad sheeganaya aqoonayahano oo doonaya maamul goboleed magac ahaan oo keliya u jira oo ay ku dewersadaan ay kaga dhawaaqaan halkaa, taas oo ay sheegeen inaanay dani ugu jirin bulshada deegaanka. sidaa awgeed ay tahay talada aqoonyahanada soo saaray waxaasu mid waxyeelo keliya u keenay bulshada, balse aan faa’ido ugu jirin.

akhriste waa maxay aragtidaadu adiga halkan hoose ku qor rayigaaga wixii faallo ah ee ku saabsan maamul goboleedka lagaga dhawaaqay Taleex ma yahay mid shaqaynaya, muxuuse keeni karaa ? jawaabta oo kooban fadlan ku qoran halkan hoose, ama ciwaanada E-mailada hoose noogu soo dir.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *