Xuddun(ANN) qaar ka mid ah Odayaasha Degmadda Xuddun ee duleedka Taleex ayaa sheegay inaanay waxba kala socon kooxda shirka Taleex, isla markaana aanay aqblayn wixii kasoo baxa shirkaa oo ay sheegeen inuu yahay mid la doonayo in lagu wiiqo jiritaanka iyo qaranimada

 

Somaliland oo ay wateeaan koox yar oo quraba joog ah, kuwaas oo sida ay sheegeen kusoo duulay nabadgelyada deegaanka.
Sidoo kale waxay Odayaashaa oo ku sugan deegaanka Xuddun  oo Weriyaha Burco ee Araweelonews, kula xidhiidhay khadka taleefanka ayaa ugu baaqay  xukuumadda Somaliland inay wax ka qabato baahiyaha degmada ee bulsho iyo maamul ahaanba, waxayna sidoo kale ka codsadeen  inay Xukuumaddu degmada u samayso Ciidan Boolis oo tayo leh,  isla markana ay maamulka degmada ay badhi taarto wixi inkaaniyaad ah ee ay u baahan yihiina u dhamaystirto.

Odayadan oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Yaasiin Cabdi Shekh iyo Caaqil Jaamac Maxamed Xasan ayaa waxa ay hadalkooda ku bilaabeen “Degmada Xudun oo ka tirsan Gobolka Sool,  isla markana xukunta degaan aad u balaadhan ayaa waxa ka jira baahiyo badan oo xukuumadda Somaliland dayacday iyada oo waqtigan degmada Taleex oo ay Xudun xad la wadagto uu ka socdo shir Somaliland lidi ku ah oo ay wataan kooxo qurba joog ah, kuwaas oo kusoo duulay nabadgelyada iyo jiritaanka Somaliland, isla markaana aanan raali ka hayn oo aanaan aqbalay wixii kasoo baxa shirkaa oo laga yaabo inay degmadan saamayn ku yeeshaan sidaa  darteed mar walba bulshada waxa saamayn ku yeesha cidii wax u qabata hadaba Xukuumadda Somaliland waxaanu ka codsanaynaa inay wax ka qabato baahiyo badan oo iyadana u dan ah kana jira degaanka Xudun bahiyahaas oo ay u horayso inay  Xukuumadu degmada u samayso Ciidan Boolis ah oo tayo leh. Sidoo kalena  inay maamulka dawlada hoose ee degmada badhi taarto wixii baahiya ee ay u baahan yihiina u dhamays tirto si ay hawlahooda u qabsadaan waxa kale oo aanu ka codsanaynaa inay baahiyaha kale ee degmada ee leh Caafimaadka iyo Waxbarashadda ay wax ka qabato” ayuu yidhi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *