Hargeysa(ANN)Madweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sameeyay magcaabis iyo xilka qaadis, ku waajahan masuuliyiinta gobolada qaarkood. qoraal saxaafada loogu talo galay oo kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay masuuliyiinta

xilka laga qaaday iyo kuwa cusub.  
Qoraalkaa  ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Digreetooyin Madaxweyne xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday Badhasaabadii Gobolada Sanaag, Togdheer, Gabiley iyo badhasaabku xigeenkii Gobolka Togdheer.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Masuuliyiin Cusub oo buuxinaya jagooyinka ay baneeyeen masuuliyiintaa hore.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Gudoomiyeyaasha Gobolada Gabiley, Sanaag iyo Togdheer;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay arrintani khusayso;

Markuu ku Qancay: Inay buuxin karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin jagoouinkan;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Xuseen Cumar Magan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee JSL.

2. In Mudane, Aaden Diiriye Cigaal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee JSL.
3. In Mudane, Cabdoo Axmed Aayer, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee JSL.
4. In Mudane, Maxamed Maxamuud Yuusuf, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee JSL.

Masuuliyiinta Xilalka laga qaaday:-
1. Mudane, Cali Aaden Meecaad
Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Gabiley
2. Mudane, Cali Cabdi Hurre
Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag
3. Mudane, Yaasiin Muxumed Cabdi
Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Togdheer
4. Mudane, Cabdi Daahir Xasan
Gudoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer

Madaxwynaha Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu Badhasaabadii hore uga mahad celiyey mududii ay xilalkaas u soo hayeen qaranka,
Isla markaana Madaxweynuhu waxa uu digreetooyinkan ku amray inay masuuliyiintani xilalkaa ku wareejiyaan sida ugu dhakhsaha badan gudoomiyeyaasha cusub ee loo igmaday xilalkan inay qaranka halkaa uga siiiwadaan.”
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *