abdiweli1Garoowe(Araweelo News Network)Doorashada Madaxtinimada maamul goboleedka Puntland ee Xaruntiisu tahay Garoowe ee Somalia ayaa lagu kala hagaagay. kadib markii uu ku guulaystay Raysal Wasaarihii hore ee Dawladii Somalia

 

ee Sheekh Shariif Cabdiweli Maxamuud Gaas, kaas oo ka guulaystay Cabdiraxmaan Faroole oo ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland.
Cabdiweli Maxamuud Gaas oo ku guulaystay 33 ka mid ah cododka Mudanayaasha Baarlamaanka oo ka kooban 66 xildhibaan, iyadoo guusha Cabdiweli ay ka dhalatay markii musharixii sadexaad ee la tartamayay intii aan la gaadhin wareegii sadexaad ugu shubay codadkii uu helay.

Wareegii sadexaad ee Doorashada Madaxweynaha Puntland oo ay isugu soo hadheen Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Maxamuud Gaas, waxay ku kala guulaysteen hal cod, iyagoo kala helay Cabdiweli 33 iyo Faroole oo helay 32 cod, iyadoo aanu gudoomiyuhu codayn, isla markaana waxa xumaaday hal cod.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku guuleystay hal cod oo kaliya isagoo wareegii 2aad helay 18 cod oo kaliya, halka Faroole uu helay 31, waxaana muuqata in Faroole helay hal cod oo dheeraad ah wareegii sadexaad balse kuma filneyn waxayna guusha raacday Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo helay 33 cod.

Natiijadii Wareegii 2aad

Cabdiraxmaan Maxamed Faroole     31
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas     18
Cali Xaaji Warsame     16

Waxaa xumaaday 1 cod. Sidaa waxaa ku dhan 66 cod ee Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo hogaaminaya wareegii labaad, waxa suurta gal noqonweyday inuu markii la galay wareegii sadexaad sii wato hogaaminta tartanka, iyadoo la rabay inuu helo 44 cod.

Waxaana markii loo gudbay wareega 3aad isu tanaasulay labada musharax ee tartanka ay isugu soo hadheen Cabdiraxmaan Faroole.

Natiijadii Wareegii 1aad

Wareega 1aad ee Codeynta Doorashada Madaxweynaha ayaa ku dhamaatay iyadoo guud ahaan markii la tiriyey codadka oo uu hogaaminayay  Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo helay 27 cod.

Faroole: 27 cod
Gaas: 13 cod
Cali Xaaji: 12 cod
Maxamed Cabdi Nuur: 6 cod
Shire Xaaji Faarax: 4 cod
Cali Cabdi Awaare: 3 cod
Cabdullahi Siciid Samatar: 1 cod

Wadarta guud cododka ee Natiijada Wareega 1aad!

Sida xeerka Doorashada uu qorayo haddii hal murashax uu ku guuleysan waayo inuu helo 44 cod, waxay noqoneysaa wareega 2aad in loo gudbo oo ay ku tartamayaan sadexda murashax ee ugu cod badan kuwaasi oo kala ah:

Cabdiraxmaan Faroole
Cabdiweli Gaas
Cali Xaaji Warsame
Wareega 1aad
Cali Xaaji Warsame     12
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas     13
Cali Cabdulqadir Yusuf     0
Cabdiweli Macalin Gurey     0
Shire Xaaji Faarax     4
Maxamud Cabdiraxmaan Cuuke     0
Cabdullahi Siciid Samater     1
Maxamed Cabdi Nuur     6
Cabdi Yusuf Yey     0
Cali Cabdi Awaare     3
Cabdiraxmaan Faroole     27

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *