Prof A. SamatarCopenhagen (Araweelo News Network)Prof. Axmed Ismaciil Samatar oo ah Aqoonyahan mudo dheer ku riyoonayay Midnimada Somalia, isla markaana indhaha ka lalin jiray xaqiiqda ka jirta Somaliland ayaa ka hadlay marxaladaha iyo kala

duwanaanshaha Somaliland iyo Somalia.
Prof. Samatar  oo dhowaan bedelay Mawqifkiisa ku aadanaa arrimaha Somalia, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay marxaladaha waqtigan ee Somaliland iyo Somalia iyo faraqa u dhexeeya.
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo hada ku sugan Copenhegan ayaa oo ka hadlayay  kulan  jaaliyadaha ku dhaqan caasimada Denmark ee Copenhegan  oo ay ka qaybgaleen Jaliyadaha somaliland iyo Somaliya Ee Ku Dhaqan halkaa, ayaa sheegay  in Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin laba aad u kala fog oo aan waligood isa soo gaadhayn, maadaama oo Somaliland ay muddo 22-sanno ah ku talaabsatay hourumar aad u balaadhan oo la taaban karo, halka Soomaaliya 22-kaa sannadood ay ku jirtay bur-bur iyo dawlad la’aan.

Aqoonyahan Samatar  isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Waxaan Leeyahay Soomaaliya reer Somaliland ma soo gaadhi Karaan waayo dawlad Iyo Maamul ayaa ka jiray 22-Sano ee Horta xaqiiqada Ogaada reer Somaliya, tan kale waxaan Leeyahay reer Somaliland markaad Shirarka Imanaysaan Somaliyana Aad Isa soo Hor Fadhiisanayasaan waa Inaad Qodobo Adag wadataan.”

Prof Samatar waxa uu Somaliland u soo jeediyey in aanay marnaba u dabcin Soomaaaliya, isagoo yidhi,  “Qadiyada Somaliya Iyo Somalilabnd Waxaan Ku talinaya Somaliland Inaanay Marnaba u debcin Somaliya, Waxaan Taas U Leeyahay Somaliland maanta Waa Laba Iyo Labatan Jir, Somaliyana wali qas ayaa Ka jira kamana Muuqato Inay U dhalatay dawlad Adagi Waayo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay hourmarka ay Somaliland gaadhay, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Anigu waxaan Ka oo Jeeda Somaliland Waan Ku farxsanahay Horumarka iyo wanaaga ay Muujiyeen Waxana Jeclahay In Dhibka Kajira Bariga Somaliland La xaliyo Laysna Af Garto.”

Mar uu ka hadlayay mawqifkii hamigiisa ee arrimaha Somalia, waxa uu Prof.  Samatar sheegay in uu ka mid ahaa asaasayaashii ururka Hiil-qaran, iyadoo ujeedada ururkaas loo sameeyena uu ay ahayd in la helo wixii la isku odhan jiray soomali wayn, taasina ay noqotay mid aan suurto gal ahayn.

Aqoonayahan Samatar waxa uu madashaa ka sheegay in ay talooyin usoo  jeediyaan Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, taladaas oo ku saabsan qadiyadda Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi Prof. Samatar  “Talooyinkii aanu xasan Usoo Jeedinay ee Ku Wajahnaa Somaliland Iyo Soo Dhawaynteeda Muu Yeelin Kuwii Ka Horeeyayna may Yeelin.”

Prof. Ismaaciil Samatar waxa uu sharaxaad ka bixiyay waayo aragnimadiisa shirarkii uu ka qayb galay ee  arrimaha Soomaaliya, isagoo yidhi,  “Anigu Axmed Ismaaciil Samatar Ahaan waxaan ka qayb Qaatay 30 Sodonkii Sano ee U dambeeyay Shirar Badan oo Muhiima oo calamak Iyo Somaliba aan kala qayb qaatay Xag Siyaasadeed Iyo xag ganacsiba Maan Arag Meel Ay Somaliya Ku Amaanayso Sonmaliland.”

Dhinaca kale Cabdirisaaq Af-qaraf oo ka mid ah dadkii ka hadlay kulanka  ayaa sheegay sida uu ugu farxsan yahay in uu Prof. Axmed Ismaaciil Samatar booqasho ku tagi doono dalkiisa Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi,  “Waxana farxadnoo  ah in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu bishan soo socota bilowgeeda tagi doono dalkiisi iyo dadkiisi, waxanan leeyahay soo dhowoow Prof.  waa dalkaagi cidna marti ugama tihid” ayuu yidhi Cabdirisaaq Af-qaraf.

Kulankan oo ahaa mid Xog-waraysi ah  oo Prof. Samatar kaga  waramaayay Safarka  Gaaban ee uu ku marayo wadamada  Skandeniavianka, isagoo  ku tilmaamay inuu safarkiisu  ka dambeeyay kadib markii uu casuumad ka helay wasaaradda Arimaha Dibada ee Dalkan Denmark.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *