images/stories/wakiilada oo ansixinaya qaybtii u horaysay wasiirada cusub.jpg    Hargeysa (ANN) Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa meel mariyay  ansixinta raxan ka mid ah xubnaha Golaha wasiirada cusub ee uu madaxweynuhu magcaabay dhamaadkii July, kuwaas oo golaha loo soo gudbiyay laba maalmood ka hor. Waxaana fadhigii golaha  wakiilada  ee maanta lagu ansixiyay 11 Wasiir iyo Sadex Wasiir ku xigeen, kuwaas oo ay mudanayaashu mid mid ugu codeeyeen.

 

Fadhiga oo ka dhacay hoolka sare ee xarunta wasaarada arrimaha gudaha, waxa  gudoominayay gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland C/raxamaan Maamed C/laahi Cirro, iyadoo ay ku sugnaayeen madasha  65 mudane.
ka hor  intii  aan mid mid loogu ansixin cod gacan taag ah wasiirada iyo wasiir ku xigeenadaa, waxa mudanayaasha  loo akhriyay  taariikh nololeedkooda.   .
Magacyada xubnaha maanta goluhu ansixiyay ee xukuumada cusub, waxay codayntoodu u dhacday sidan.
1-Wasiirka Maaliyada  Maxamed Xaashi Cilmi, Waxa ansixiyay 58 Xildhibaan waxa diiday 2 Xildhibaan, waxaana ka aamusay hal XidhibaanGaashaandhiga  Axmed X. Cali Cadami,Waxa ansixiyay 62 Xildhibaan cid diiday iyo cid ka aamustay midna muu jirin, guddoomiyuhuna muu codayn .
7- Wasiirka Cadaalada Prof. Ismaaciil Muumin Aare, Waxa ansixiyay 62 Xildhibaan cid diiday iyo cid ka aamustay midna muu jirin,  guddoomiyuhuna muu codayn.
8- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, Waxa ansixiyay 62 Xildhibaan cid diiday iyo cid ka aamustay midna muu jirin,  guddoomiyuhuna muu codayn.
9- Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Dr. Maxamed Yaasiin Xasan, Waxa ansixiyay 63 Xildhibaan waxa ka aamusay Hal Mudane Cid diidayna mayjirin,  guddoomiyuhuna muu codayn.
10- Wasiirka Duulista Hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Waxa ansixiyay 63 Xildhibaan hal xildhibaan ayaa ka aamusay cid diidayna may jirin,  guddoomiyuhuna muu codayn.
11-Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. C/risaaq Ibraahim Maxamed, Waxa ansixiyay 63 Xildhibaan hal xildhibaan ayaa ka aamusay cid diidayna may jirin  Guddoomiyuhuna muu codayn.
12- Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibada Maxamed Yoonis Cawaale, Waxa ansixiyay 63 Xildhibaan hal xildhibaan ayaa ka aamusay cid diidayna may jirin,  guddoomiyuhuna muu codayn.
13- Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada  Md. Warsame Siciid Cabdi, Waxa ansixiyay 63 Xildhibaan hal xildhibaan ayaa ka aamusay cid diidayna may jirin,  guddoomiyuhuna muu codayn.
14-Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Md. Cismaan Garaad Soofe, Waxa ansixiyay 63 Xildhibaan hal xildhibaan ayaa ka aamusay cid diidayna may jirin,  guddoomiyuhuna muu codayn.
Xubnaha hadhay ee golaha wasiirada cusub ayaa la filayaa inuu goluhu maalinta Beri ansixiyaan.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *