Hargeysa(ANN)Gudida Cadaalladda Somaliland ayaa maanta isku shaan-dheyn balaadhan ku sameeyay Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Goboladda dalka qaarkood. sida  Maroodi-jeex, Awdal , Saaxil Iyo Gabiley, halka guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanka ee gobolada qaar

laga dhigay Garsoorayaal Maxkamadeed.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal uu maanta soo saaray Wasiirka Wasaaradda Cadaalladda iyo Garsoorka Somaliland  Xuseen Axmed Caydiid, qoraalka uu soo saaray Wasiirku, ayaa u qornaa sidan:-

1-C/raxmaan Jaamac Hayaan Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil.

2-Gudddoo miyihii rafcaanka gobolka Saaxil Cali Suudi waxa laga dhigay garsoore maxkamadda rafcaanka Hargeysa.

3-Guddoomiyihii maxkamadda degmadda Hargeysa C/rashiid Beer-geel waxa la geeyay gudoomiyaha maxkamadda degmadda gabilay, waxa jagadiisii loo magacaabay C/raxmaan Maxamed Mawliid.

4-Guddoomiyihii maxkamadda gobolka gobolka Gabilay Feysal C/llaahi (Faysal daga dago) waxa la keenay Guddoomiyaha maxkamadda gobolka maroodijeex.

5-Guddoomiyihii maxkamadda Gobolka maroodi jeex C/rashiid Duraan waxa laga dhigay guddoomiyaha maxkamada rafcaanka Gobolka maroodijeex.

6-Guddoomiyihii maxkamadda gobolka saaxil ibraahim Aadan Yaasiin waxa la geeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal.

7-Guddoomihii maxkamadda gobolka Awdal C/raxmaan waxa la geeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *