-
Published On: Mon, Jan 7th, 2013

Xaalada Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sanaag Oo Laga Dayriyay, Boobka Khayraadka Badda Iyo Beriga Ee Doonyaha Maraakiibta Iyo Diyaaradaha ajaanibka, Doorka Hay’adda UNICEF Iyo Jawaabta Taliyaha Ciidanka Badda Warbixin

Smiley face
Share This
Tags

Warbixin: by Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland

Ceergaabo(ANN)Xaaladda Ciidanka Illaalada Xeebaha ee Gobolka Sanaag, ayaa laga dariyay. kadib markii mushaakilaad maamulxumo iyo musuq-maasuq soo waajahay

Ciidanka Illaada Xeebaha ee Saldhiga Sadexaad oo xaruntiisu tahay xeebaha Gobolka Sanaag. sidoo kale waxa soo baxay qaylodhaan dhinaca Khayraadka Badda iyo Beriga ah oo ganacsato Carbeed ku hayaan deegaankaa.

Xoggo iyo tibaaxo shebekadda wararka ee Araweelonews ka heshay dad u dhuun daloola arrimaha deegaanka ayaa sheegay in mudooyinkii u danbeeyay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Saldhiga sadexaad ee gobolka Sanaag ay soo waajahday maamulxumo iyo kala daadsanaan ay sabab u noqdeen Saraakiisha Ciidanka Xeebaha ee Sanaag, taas oo keentay in boqol askari oo bishii Desember ee 2011, laga bedelay Taliska guud ee xaruntiisu tahay Berbera oo loo bedelay dhinaca xeebaha Sanaag ee Saldhiga sadexaad ay ka tageen shaqooyinkii ku dhowaad toddobaatan ka mid ahaa ciidankaa, kuwaas oo sida ay xoggahaasi sheegayaan uga tegey shaqada. Kadib markii  35% ay waayeen Mushaharkoodii ay xaqa u lahaayeen.

Sidoo kale waxay sheegayaan xoggahaasi in sababta ay askartaasi shaqada uga tageen ay tahay. Kadib markii mushaharkooda marar badan dib u dhac ku yimi, isla markaana musuq-maasuq lagu sameeyay, taas oo keentay inay gebi ahaanba iskaga tagaan shaqada, balse mushaharkoodu weli socdo oo aan laga jarin miisaaniyada oo ay iska maamushaan saraakiisha ciidanka ee aaga oo caaglaysta tirada ciidanka ka tegey shaqada.

Xoggahani waxay sheegayaan in xiliyada ay Saraakiisha sare ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland kormeerka ku tagaan saldhigaa lagu buuxiyo tirada askarta maqan dad suuqa laga soo kaxaystay oo la siiyo inta kormeerku socdo $30 dollar, kuwaas oo isugu jira kaluumaystada deegaanka iyo dad kale oo aan ahayn ciidan, balse ku xaadira magacyada dadka maqan.

Waxa kale oo xoggahaasi sheegayaan in ciidanka ku sugnaa Deegaanka xeebta Ceelaayo markii ay mudo lix bilood ah waayeen mushaharkoodii ay iska kala tageen bishii August ee 2012, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ahi dadka tahriibta ah ka raraan deegaanka xeebaha Ceelaayo ee duleedka Laasqoray ee xeebaha Bariga Somaliland.

Taliyaha ciidanka Ilaallada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan oo dhinaciisa shebekada araweelonews wax ka weydiisay waxa ka jira arrimahaa la xidhiidha tabashooyinka ciidanka ilaalada xeebaha, waxa uu yidhi;“Cabasho way iman kartaa oo meel hawl ka socoto wax way ka iman karaan, laakiin wax weyn oo aanu maqalnay ma jirto, haddii laga tegi waayo waxaad tidhaahdeen (suxufiyiinta) ciidammada qaar baa ka cabanaya mushaharka oo ka raaga ama wax laga goosto, waxa jirtay oo annigana isoo gaadhay in ciidammadu odhan jireen lacag baa nalaga goostaa oo ama maamulka iyo masuuliyiinta meesha joogta uu tuhun ka galo ciidanka oo ay yidhaahdaan iyagaa naga goosta, waxaa waannu baadhnay,waannu eegnay oo waan tegay annigoo masuulkii u sareeyey ah, waxaananu ogaanay in arrintaasi la xidhiidho dhinaca sarifka oo lacagta mushaharka ah doollar baa ciidanka loogu diri jiray, markaas ayaa shillinka Somaliland loogu sarifi jiray, markaas waxa sarifka ka iman jiray in lacagtu is dhinto, laakiin may ahayn wax laga goosan jiray ama lagala hadhi jirayba. Arrintaas markaanu soo xaqiijinay, waxaannu ula tagnay wasaaradda maaliyadda iyo baanka, waxaannu go’aan ku gaadhnay, ciidankana ku heshiinay in mushaharka lagu qaato shillinka Somaliland oo aan wax doollar ah looga dhigin, ilaa maantana mushaharka waxay ciidanku ku qaataan shillinka Somaliland, nin walibana in la yaqaano oo uu ogolyahay ayuu qaataa ha u badnaato ama ha u yaraato, shakigii iyo tuhunkiina halkaas ayuu ku baxay,” ayuu yidhi taliyaha ciidanka ilaalada xeebuhu.

Waxa kale oo taliyaha la weydiiyey waxa ka jira askar shaqada iskaga tagay ama ka ruqsaystay oo weli mushaharkoodii la qaato, waxaannu ku jawaabay; “Ciidan ruqsaysta, mid dhinta iyo ciidan shaqada ka tagay oo mushaharkooda la qaato ma jirto.”

Sidoo kale waxay tibaaxaha iyo xoggaha arrimahaa la xidhiidhaa sheegayaan in ay ganacsato Carbeed oo ka Kalluumaysta deegaankaasi faro baas ku hayaan xeebaha gobolka Sanaag, kuwaas oo aan wax sharci ah ka haysan Wasaaradda Kaluumaysiga Somaliland, balse la macaamila oo keliya dadka deegaanka iyo masuuliyiinta Ilaalada xeebaha ee gobolka Sanaag oo qaarkood wakiilo u yihiin.

Ganacsade Carbeed oo u dhashay dalka Yeman, isla markaana lagu magcaabo Camaar ayaa ka mid ah ganacsatada wata doonyaha ka kalluumaysta halkaas, kuwaas oo badda ku haya xaalufin, iyadoo ay xoggahaasi sheegayaan in ganacsadahaa oo 7 doonyood oo uu leeyahay ka kalluumaystaan deegaankaa, kuwaas oo wata shabaagta laga macnuucay kalluumaysiga ee nooca loo yaqaan xaawiga ee jiifa oo qaab aan sharciga waafaqsanayn oo xaalufin ah uga kaluumaysta badda, isla markaana shabaagtaa ku weerara kalluunka oo guuruya, iyagoo ka kalluumaysta xeeliga badda ee aan loo oggolayn in laga kalluumaysto.

Kalluumaysatada Carbeed waxay boqolaal tan oo kalluun ah maalin walba ka qaataan xeebaha deegaankaas, kuwaas oo nooca aanay u baahnayn Kalluunka dib ugu daadiya badda.

Ganacsatada ka kaluumaysta deegaanada xeebaha Sanaag markii ay waayeen cid ka kaantaroosha qaabka ay u kalluumaysanayaan, waxay hadda u gudbeen inay habeenkii u soo degaan deegaannada xeebta ee beriga, iyagoo ka ugaadhsada deegaanka kulaalaya xeebaha gobolka Sanaag, kuwaas oo inta badan ugaadha ka gurta deegaannada u dhexeeya Maydh iyo Laasqoray ee Saleekhaad, Xunbays, Armaadi,  Ugubi, Geel-weyn iyo Waqdariya oo ay ka Ugaadhsadaan habeenkii, isla markaana ka gurtaan iyo wixii kale ee ay khayraadka beriga ah ka helaan halkaa.

Xoggaha ayaa sidoo kale sheegaya in Dooni lagu magcaabo Al-casiisiya oo uu leeyahay ganacsade reer Yamaneed ah oo magiciisu yahay Sacad, isla markaana u dhashay deegaanka Mukula ee Koonfurta Yeman laga raray Bishii  November  2012,  Buurta Rabshiga oo caan ku ah inay 5 bisha May sannadkasta yimaadaan shimbiro kala nooc ah oo qaarkood ka yimaadaan dacalada adduunka sida dalka Hindia iyo meelo kale, kuwaas oo xaarkooda lagu daabulay Doonida uu leeyahay ganacsadaha Reer Yamaneed, isagoo heshiis la galay Taliyaha Ciidanka Ilaalada xeebaha Sanaag ee saldhiga saddexaad Maxamed Yuusuf Attar oo shixnada u ogolaaday inuu qaato, taas oo sida ay xoggahaasi sheegayaan doonidaasi u qaaday dhinaca dalka Yeman ee Mukula, isla markaana la filayo in haddii mashruucaasi noqdo mid guulaysta uu sii socdo qorshaha uu ganacsadaha carbeed ku guranayo Xaarka shinbiraha ee ay caanka ku tahay Buurta Rabshiga oo ku taal xeebta dhinaca Bari ka xigta deegaanka Maydh.

Dhammaan arrimahan iyo kuwo kale ayaa muujinaya in kala daadsanaanta, musuq-maasuqa  iyo maamulxumadda soo waajahday ciidanka Ilaalada xeebaha ee Sanaag ay sababi karto inuu gebi ahaanba kala daato ciidanka saldhiga sadexaad oo ahaa ciidan ku filnaa inay ilaaliyaan khayraadka xeebaha badda iyo amaanka badda Somaliland, balse ay soo waajahday maamulxumo iyo musuq-maasuq soo jiitamayay mudooyinkii u danbeeyay, taas oo ay suurta gal tahay inay fursad siisay in ay ganacsatada Carbeed ee wata doonayaha kaluumaysigu xaalufiyaan Kaluunka badda. Kadibna usoo gudbaan inay dhinaca Beriga ka gurtaan Ugaadha iyo Khayraadka beriga, taas oo aanay waxba ka qaban xukuumadda Somaliland.

Hasayeeshee, taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland oo shebekada araweelonews wax ka weydiisay wax uu kala socdo Doonyaha sida tuugada ah u gurta khayraadka Badda iyo Berigga  Somaliland, kuwaas oo qaarkood xoggahaasi sheegeen inay xidhiidh la leeyihiin saraakiil ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha, waxa uu qiray inay jiraan Doono laga leeyahay dalka Yemen oo sifo tuugo ah ku gurta Kalluunka, balse waxa uu beeniyey inay xidhiidho la leeyihiin saraakiil ciidankiisa ka tirisan, isagoo arrimahaa ka jawaabayana waxa uu taliyuhu yidhi; “Arrintaas waxaan u malaynayaa sidaad u maqasheen in aanay waxba uga jirin oo buunbuunin badan baa ku jirta, waxa jira doonyo badan oo laga leeyahay dalka Yemen oo baddeena yimaad, waana la wada ogyahay oo dhibaato badan bay innagu hayaan, weligoodna way innagu hayn jireen, si kasta waannu ula tacaalnay, Alxamdulilaah imika waanu yaraynay, toban toban baanu u qabanay, labaatan labaatan baannu u qabanay, waala ganaaxay. Waxa caddaatay inay yihiin niman awoow ka awoow tuugo ku guran jiray kalluunka, markaa joojintoodii waa loo taagwaayey, waxaannuse ku khasabnay oo ku boorinay inay sharciga qaataan, annaguna aanu ka shaqaynayo in wasaaradda kalluumaysigu sharciga siiso.

Taasna waxaa kuu caddaynayaa xeebaha Maydh 30 doonyood baa ku jira, Shalcaw dhawr iyo toban baa ku jira, Saylac dhawr iyo labaatan baa ka kalluumaysta, iyadoo ay sidaas tahay haddana ma daayaan tuugga oo qaar kaloo badan baa tuugo ku gurta kalluunka, badda Somaliland-na dhererkeedu waa  860km, waa xeeb aad u dheer, markaa xeebtaas dheer baylah laga waayi maayo iyo dooni yar oo si tuugo ah ku soo gasha, ciidankuse tamartiisa aad buu ula tacaalaa doonyaha tuuggada ah iyo budhcad-baddeedaba, waxaanan si cad oo adag u beeninayaa in aanay jirin dad dano gaar ah leh oo doonyo wata ay xidhiidh la yeeshaan saraakiisha ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, dabeedna ay marna kalluunka gurtaan, marna khayraadka bariga ay gurtaan, waana arrin aan jirin oo aan suurtagal ahayn oo la buunbuuniyey. Ciidanka ilaalada xeebuhuna ma gayo arrintaas, duruufo adag buu ku shaqeeyaa, hawlo la aaminay buu dalka u hayaa oo khayraadka ilaalintiisa ayuu ka shaqeeyaa.” ayuu yidhi Admiral Axmed Aw Cismaan.

Dadka ajaanibka ah ee deegaanka xeebaha gobolka Sanaag ka gurta khayraadka maaha doonayaha ka yimaada dhinaca dalka Yaman oo keliya, balse waxa jira sida ay xoggaha shebekada wararka ee araweelonews heshay sheegayaan dad kale oo ajaanib ah, kuwaas oo isugu jira kuwo ka yimaada dhinaca dalalka Yurub iyo Ameerika iyo sidoo kale wadamada kale ee Carabta oo deegaanka ku taga Maraakiib kusoo dhowaada xeebta. Kadibna ay kaga degaan laashash si ay ugu gudbaan Beriga oo ay u fushadaan ujeedooyinka ay u socdaan iyo kuwo kale oo ku gala deegaanka magacyo Hay’addo, ama inay wadaan mashaariic horumarineed oo diyaarado, ama Baabuur wata, balse aan waxba ka jirin kuwaas oo isugu jira dad ka yimaada dhinaca dalalka Carabta ee wadamada Khaliijka iyo dacalada kale ee dunida.

Haweenayda Hay’adda UNICEF u qaabilsan Somaliland oo lagu magcaabo Mrs, Etta Higgins ayaa marar badan booqatay deegaankaa ilaa inta la ogyahay August 2010 ayay wefdi ka socda Hay’adda UNICEF booqasho ku tageen Magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Saanaag, waxayna xiliggaa booqdeen xarumaha Caafimaadka iyo Biyaha oo ay mashruuc dhinaca Biyo balaadhin ah oo ay ka waday NGO  laga leeyahay halkaa oo ay qandaraas ku siisay UNICEF  mashruuc balaadhinta Biyaha Magaalada ah.

Laakiin mar kale ayay Mrs, Etta Higgins (Chief of the UN Children’s Fund (UNICEF) booqasho qarsoodi ah ku tagtay gobolka Sanaag,  iyadoo wadata kooxo qaarkood ay ku sheegtay ganacsato carbeed iyo kuwo kale oo la rumaysan yahay inay ahaayeen kuwo aan si dhab ah loo ogayn qorshaha booqashadeeda.

Laba bilood ka hor waxa y dadka deegaanka dhinaca Xeebta ee duleedka Maydh sheegeen inay  Haweenayda ka socotay Hay’adda UNICEF Mrs, Etta Higgins oo la socotay Diyaarad khaas ah ay booqdeen deegaankaa iyagoo gacan ka helaya maamulka Gobolka iyo saraakiisha sare ee ciidanka llaalada xeebaha Sanaag, waxayna Diyaarad ay wateen haweenaydaa iyo kooxda la socotay oo ay ku sheegtay ganacsato carbeed oo u dhashay dalka Imaraadka carabta diyaarada ku dejiyeen meel lagu magcaabo Jed Dhoobo oo ka mid ah deegaanka dhinaca gubanka ee u dhexeeya magaalada Rugey iyo magaalada marsada ah ee Maydh, halkaas oo loogu geeyay kooxdaa gaadhi dhinaca magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag looga diray, waxayna kooxdaasi booqdeen Buurta Rabshiga iyo meelo kale.

Sidoo kale waxay dadka deegaanku sheegeen in Diyaarada ugu yaraan dhawr shixnadood oo isugu jira Nooc shinbiraha aduunka ka dabar go’ay oo ku nool buurta Surud, Daallo iyo deegaankaa gobolka Sanaag ee beriga  iyo waxyaabo kale oo ka mid ah Khayraadka dalka laga saaray halkaa, isla markaana ay diyaaradu mudo laba todobaad ku dhow kusoo laabnaysay, iyadoo sidoo kalena ay dhawr jeer fadhiistay agagaarka dhinaca Laasa-surad ee magaalada Rugay kaga beegan dhinaca Woqooyi bari ee xeebta.

Kooxdaa ayaa sida ay sheegayaan dadka deegaanku waxay mudadaa Buurta iyo dhinaca xeebta ee Berigaba ka wadeen hawlo ugaadhsi iyo macdan ah, iyagoo rartay shixnado ay dhawr jeer diyaaradu u daabushay dhinaca dalka Yaman, ama markab taagan meel xeebta ka durugsan. Laakiin waxa layaab noqotay inay Haweenayda ka socotay Hay’adda UNICEF hawlgalkaa ku sheegto mid ay ganacsato carbeed oo ay saaxiibo yihiin wax kaga qabanayaan deegaanka oo ay ka samaynayaan Biij isku xidha Buurta rabshiga iyo Buurta dalxiiska ee Daallo, kaas oo ay ku dooday inay maalgelinayaan ganacsatada Carbeed, isla markaana uu noqonayo Biijkaasi kuwo dhaadheer aduunka oo wax weyn ka tari doona dalxiiska.  Laakiin Haweenaydaa oo shebekada araweeloneews isku dayday inay wax ka weydiiso socdaalka ay ku tagtay halkaa iyo ujeedooyinka booqashadeeda lala xidhiidhiyay ayaanay suurta gelin. kadib markii dhowaan loo bedelay dhinaca dalka Suuriya.

Hase yeeshe Admiral Axmed Aw Cismaan Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha shebekada araweelonews wax ka  weydiisay waxa uu kala socdo, ama ka ogyahay haweenayda ka socotay UNICEF Mrs, Etta Higgins  iyo socdaaladeeda ku waajahnaa  gobolka Sanaag  oo ay diyaarad ku tagtay xeebaha gobolkaa, isla markaana ay gurteen khayraad badan oo shimbiro dunida ka dabar go’ay ka mid yihiin, waxaannu taliyuhu ku jawaabay; “Horta dayuuradahaas ciidanku way soo sheegaan bari iyo galbeed-ba, laakiin garoomo ciidammadu leeyihiin ma soo fadhiistaan, diyaarada marka horeba amar la’aan ku soo gelaysa xudduudaada intay kuu timaado fadhiisan mayso, way yimaadaan diyaaraduhu, ciidammaduna markiiba way soo sheegaan, mararka qaarkoodna way qarsoomaan oo sidii wax fadhiistay ayey noqdaan. Anniga qudhayda oo Maydh jooga intay diyaaradani nagu wareegtay meel ay ka timi aanaan garanayn, awood aannu kula xidhiidhnana aannaan lahayn, markii dambena way naga qarsoontay oo inay fadhiisatay ayaannu u malaynay, laakiin gabadhan UNICEF ka tirsan ee aad sheegaysaana kuwaas ayuun bay la mid tahay oo ciidammada way dulmareen, arrinkaasina wuu jiraa, laakiin wixii fal toos ah nagu samaynaya ayuun baannu ka jawaabaynaa.” ayuu yidhi. Admiral Axmed Aw Cismaan

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>