Hargeysa(ANN) Golaha wakiilada Somaliland ayaa dib udhac ku yimi furitaanka  kalfadhigoodii 13aad oo la filayay inuu saaka ka furmo  hoolka sare ee dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland. Kadib markii uu buuxsami waayay kooramkii loo baahnaa.

Mudanayaasha Golaha Wakiilada oo muddo bil iyo dheeraad ah  fasax ku maqnaa, waxay saaka ku guuldaraysteen inay madasha kasoo xaadiraan tirada mudanayaasha loo baahnaa si kalfadhigu u furmo, iyadoo ay madasha kasoo xaadireen qiyaastii 31 xildhibaan, taas oo keentay in fadhigaa loo balamo maalinta berito, isla markaana guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa ku wargeliyay golaha in mudanayaasha jooga la siiyo ajandaha kalfadhiga, maadaama aanu kooramku buuxin,  isla markaana maalinta beri la furo kalfadhiga 13aad ee golaha, waxaana sidaaa  loogu qaybiyay ajandaha kalfadhigaa oo ka kooban lix qodob, kuwaas oo u badan xeerar qabyo ah oo la dhamaystirayo.
Sidoo kale fadhigan maanta waxa mudanayaasha loogu akhriyay go’aanka Golaha Guurtida uu ku kordhiyay muddo xileedka Golayaasha deegaanka iyo Wakiilada, kaas oo shir-guddoonka Guurtidu u soo gudbiyay shir-guddoonka Golaha Wakiilada.
Ajandaha kalfadhiga 13-aad ee Golaha Wakiilada.
1. Warbixinta shir-guddoonka.
2. Warbixinada gudiyadda Golaha.
3. Ansixinta Masuuliyiinta Qaranka.
4. Mashaariicda sharci ee Golaha Horyaala, kuwaas oo kala ah, xeerka mushaharooyinka golayaasha qaranka, xeerka ganacsiga hawlaha baananka iyo hay’adaha, xeerka baananka Islaamiga ah, xeerka boosaha iyo isgaadhsiinta, wax ka badalka iyo kaabista xeer no/20, xeerka miisaaniyadda qaranka, xeerka komiishanka xuquuqal iisaanka, xeerka ururada aan dawliga ahayn.
5. ansixinta xeerarka ku maqan Golaha Guurtida.
6. iyo wixii kale ee soo kordha.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *