Muqdisho(ANN) Kulankii  ay maanta xildhibaanada Barlamaanka KMG ee  Somalia u balansanaayeen ayaa baaqaday, kulankaa oo ahaa mid xaasaasi ah oo indhaha lagu hayay, isla markaana la filayay inay ku kala reebaan Madaxweyne Sh. Shariif iyo raysal wasaarahiisa oo

mudooyinkii u danbeeyay muran weyni ka dhexeeyay, kaas oo mudanayaasha DKMG ah todobaadkii hore u balameen maalinta Sabtida 18, Sep,  2010, ka dib markii mooshin ka dhan ah xukuumada raysal wasaare Cumar C/rashiid oo nuxurkiisu ahaa  inay xukuumaddu hor timaado golaha  ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen loo balamay.
Si cad looma sheegin sababta kulankaasi u qabsoomi waayay, balse waxa jira tibaaxo sheegaya gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xassan Sheikh Aadan uu sabab u yahay inuu  maanta qabsoomi kulanku, iyadoo wararka qaar sheegayaan in dib u dhigista kulankaa ay ku lug leeyihiin wadamada IGAD iyo dawladaha shisheeye ee taageerada dhaqaale iyo Milateriba ku ilaaliya dawlada taagta daran, kuwaas oo doonaya in khilaafka lagu dhameeyo wada hadal, balse aan dhinaca Baarlamaanka lagu ordin, taas oo qaarkood u arkaan in aanay xal keenayn.
Dhinaca kale Madaxweyne Shariif oo maalintii shalay socdaal kedis ah ku tegey dalka Yugandha ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada muqdsiho, isagoo wada hadal lasoo yeeshay Madaxweynaha dalkaa, waxaana loo malaynayaa inay wada hadaladaasi ahaayeen kuwo la xidhiidha xaalada siyaasadeed ee ka taagan muqdisho iyo muranka hadheeyay dawlada taagta daran. Iyadoo ay jiraan  warar sheegaya inuu durbadiiba markii uu dalka ku soo laabtay kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Villa Somalia ee xarunta madaxtooyada.
Sidoo kale waxa jira tibaaxo sheegaya in sababta loo baajiyay kulankii maanta ee Baarlamaanka DKMG ah ugu balansanaayeen in codka kalsoonida loo qaado xukuumada ay sabab u ahayd maqnaanshaha   Madaxweyne Sheikh Shariif, isla markaana lala sugayay kulankaa.

Dhinaca warar kale ay sheegaya  in Dowladda Itoobiya oo ay isku dhawyihiin Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Xassan ay ka codsatay in uu dib u dhigo Kulanka Barlamaanka Maanta inta ay ololaha diblumaasiyadeed ee ay wadaan, balse waxa jira tibaaxo iyana sheegaya inay dawlada Ethopia ka cadhootay. Kadib markii ay Madaxweyne Sheikh Shariif ku qancinkari weyday  in uu tago Addis Ababa, si ay ugala hadlaan arrimahaa khilaafka, isla maraana ay markaa ka dib Dawlada Ethopia ka dalbatay Yugandha inay u yeedhaan Madaxweyne Shariif oo kala hadlaan xaalada dalka Somalia iyo sida ay xal u arkaan muranka labada masuul ee dawlada taagta daran. Sidaana  uu  safar ugu baxay dalka Yugaandha.

Dowladda taagta daran ee aan cagaha badan ku taagnayn, isla markaana kooxaha kasoo horjeedaa ku hayaan weeraro culus ayaa si xoog leh ugu tiirsan taageerada ciidamada midowga africa, kuwaas  oo kasoo  jeeda dalalka Uganda iyo Burundi oo kaliya, iyadoo  tiradooda lagu sheego inay  gaadhayso in ka badan 6 kun oo askari.
Si kastaba hahaatee muranka iyo khilaafka dawlada taagta daran ayaa waqtigan dhexgalay baarlamaanka DKMG, waxaana muuqata inay sii socoto kala qaybsanaanta oo waqtigan u muuqata mid ku sii socota deegaan iyo gobolo, taas oo u muujinaysa asataamo iftiiminaya in aan xataa baarlamaanku isku waafaqayn haddiba ay fadhiistaan  in cod loo qaado xukuumada raysal wasaare sharmaarke, basle waxa la eegayaa maalmaha soo socda sida ay wax u dhacaan iyo halka uu salka dhigo  khilaafka  siyaasadeed.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *