Hargeysa(ANN) Qarax ayaa ka dhacay caawa fiidkii guriga uu deganyahay wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday oo ku yaala xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa, kaas oo qiyaastii dhawr mitir dhinaca galbeed ka xiga guriga uu deganyahay  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Ma jirto cid wax ku noqotay, balse waxa dumay giraadka meesha qaraxu ka dhacay oo ah Qolka hurdada ee gurigaa. Sida ay shebekada wararka u xaqiijiyeen  qaar ka mid ah ehelada qoyska oo xiligaa galay guriga.  Waxaana durbadii halkaa yimi ciidanka aamaanka, iyadoo ay ciidanka baadhista denbiyadu wadaan hawl baadhis ah oo ku saabsan sababta keentay qaraxa.
Qaraxa ayaa loo malaynayaa inuu qaraxu ka dhashay qasaalada dharka lagu maydho, balse waxa kale oo qaraxaa lagu sheegay mid uu sabab u ahaa hiitarka kululeeya biyaha.  Wasiirka degan guriga Dr. Axmed Xaashi Oday ayaa isagu ka maqnaa guriga, isagoo ka mid ah wefdi ka tirsan xukuumada somalialnd oo safar ugu baxay dalka Kenya.  Laakiin qoyskiisa ayaa ku sugnaa guriga, isla markaana ma jiraan wax khasaare ah oo soo gaadhay. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Bilayska ayaa shebekada wararka ee araweelonews u xaqiijiyay in baadhis  ay wadaan si loo xaqiijiyo sababta keentay qaraxa.
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *