Maraakiibta iyo Dekeddaha Somaliland ee (Mareines and Marine Trasport Survey Serviece Office) oo xaruntiisu noqonlahayd magaalada Xeebta ah ee Berbera.
Hase yeeshee Xafiiskii oo ay Somaliland u qabtay baahi weyn qaran ahaan iyo dal ahaanba,waxa kooxda aqoonyahanada ee hawshii waday ka horyimi dhibaatooyin badan oo muujinaya sida aanay nidaamka dawladnimo kala danbaynta iyo sharcigu ugu shaqayn Somaliland, gaar ahaan Magaalada Berbera oo la doonayay in lagu furo xafiiskaa.
Sid ka muuqata Dukumentiyo iyo qoraalo sharci ah oo ay ku saxeexan yihiin Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Wasaaraddaha iyo Hay’addaha uu xafiiskaasi khuseeyo, xeer Ilaalinta guud ee qaranka iyo Hay’addaha sharci dejinta Somaliland ee Labada Gole Baarlamaan oo qoraalada qaarkood loo qoray si ay ula socdaan arrintaa.