Hargeysa (Araweelo News Network) Xildhibaannada Golaha Degaanka Hargeysa, ayaa laalay, isla markaana  ruqsadihii shaqada kala noqday laba ka mid ah Afar shirkadood oo ka shaqeeya

qashin-gurka caasimadda Somaliland.

Fadhi aan caadi ahayn oo xildhibaannada Golaha Degaanka Hargeysa ku yeesheen xaruntooda shalay, waxa ay warbixin kaga dhagaysteen Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada Dawladda Hoose, kaas oo si ba’an uga dayriyey xaaladda tayada waxqabad iyo adeeg ee ay qabtaan shirkadaha SABO-WANAAG iyo DHIS oo ruqsad u haystay qashin-gurka degmooyinka Axmed-dhagax, Maxamuud Haybe iyo 26ka June.

Agaasimaha ayaa sheegay inay gabeen masuuliyaddii ka saarnayd ururinta qashinka, isagoo mudanayaasha ka dalbay inay go’aan gole ka gaadhaan labadaa shirkadood oo uu ku tilmaamay kuwo kasoo bixi waayay hawshii ay qandaraaska ku haysteen ee xashiishka Sadex waaxood oo ka mid ah Caasimada Hargeysa.

Waxa kaloo Agaasimuhu uu ammaan iyo bogaadin u jeediyey shirkadaha qashinka ka gura degmooyinka Ibraahim Koodbuur iyo Gacan-libaax, kuwaasoo uu sheegay inay xil weyn iska saareen gudashada masuuliyadda hawsha qashin-gurka ee loo xilsaaray, waxaannu golaha ka dalbay in abaal-gud iyo taageero loo fidiyo shirkadahaas.

Warbixinta agaasimaha oo ay wehelinayeen muuqaallo fadhiga lagu daawaday oo muujinaya xaaladda qashinka buux-dhaafiyey inta badan xaafadaha iyo suuqyada caasimadda kadib, Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo fadhiga guddoominayey, ayaa mudanayaasha ka dalbay inay aaraahdooda ka dhiibtaan sida laga yeelayo shirkadaha madaxbannaan ee gacanta ku haya hawsha qashinka, taas oo uu xusay inuu yahay bar madow oo ku taal dhammaan xildhibaannada Golaha Degaanka Hargeysa.

Fadhiga oo ay qaybgaleen 21 mudane oo dhammaantood aragtiyahooda ka dhiibtay xaaladda qashinka magaalada, isla markaana farta ku wada fiiqay baylahda xad-dhaafka ah ee ka muuqata hawshaas, waxaanay intooda badan soo jeediyeen in ruqsadaha lagala noqdo shirkadaha ku guuldarraystay gudashada xilkii ka saarnaa qashin-ururinta caasimadda.

Intaa kadib waxa ay xildhibaannadu cod gacan-taag ah u qaadeen in ruqsadaha lagala noqdo shirkadda SABO-WANAAG oo qaabilsanayd qashin-gurka degmooyinka Axmed-dhagax iyo Maxamuud Haybe iyo shirkadda DHIS oo ka hawgasha degmada 26-ka June, waxana oggolaaday in shirkadahaas shaqada laga joojiyo 19 xildhibaan, hal mudane ayaa diiday, Maayarkuna ma codayn, sidaana waxay labadaa shirkadood oo hawshaa maamulayay in ka badan toban sandood ku wayeen kalsooni ay kusii haystaan qandaraaska shaqada qashin-gurka.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *